Waxaa qoraaladda boggan inoo soo tebin doona walaal keen Sh.
C/risaaq Macalin Abshir (Musanif) asago inoo qaadaa dhigi doona Taariikh
Islaami ah oo xiriira Asbuuc kasta insha alaah, Allah haka abaal mariyee. Waxii
talo iyo su'aalo ahba waxaad kusoo hagaajinkartaan emailka qoraaga ee kor ku qoran"
Hordhac iyo Qiimaha Taariikhda
Mahad idilkeed waxay u sugan tahay allaha wayn ee kaligii
xaqqa u leh amaanta wanaagsan gabi ahaanteed isagaa kaligii ayaa xaqq u leh
cibaadada, mulkiyaddana isagaa leh ayadoon cidina la wadaagin, naxariis iyo
nabadgalyo tan ugu sarreysana alla ha yeelo nabigiisa (scw) korkiisa. Waxaanan
allah waydiisanayaa inuu noogu kaalmeeyo wax walba oo aan u samaynayno
raalli-galintiisa (sw).
Intaa kadib, sida la ogsoon yahay qof wax akhriya kama
qarsoona qaymaha ay taariikh-du ugu fadhido horukaca waxqabadka aadanaha, iyo
dawr-ka ay ka qaadato ka-talinta, agaasimidda iyo xadaynta mustaqbalka jiilasha
dadka ee isdaba jooga.
Hadaba, inay taariikh-du tahay tajaarubtii iyo
waaya-aragnimadii dadka, ee hore u dhacday darteed oo la arkey sidii ay ku
dhamaatey ee natiijadu noqotey, inay tahay mahadhadii aadanuhu soo maray geeddi socodkiisa nolosha
iyo isbabadalkii maalmaha dawlado iyo boqortooyooyin waawayn dhismahoodii ama
siday u dumeen colaado iyo dagaallo aloosmey eelkay reebeen iyo siday ku dameen
abaaro kulul iyo sanado barwaaqo ah iyo siday ku dambeeyeen aqallo qurxoon,
qasriyo iyo qalcado la adkeeyey ciddii udub-mudey amase ciddii maamushey nabiyo
loo waxyooday hogaamiyeyaal caan-baxay rag magac dheer faylasofyo khubaro
fakarka iyo noloshaba raad aan harin ku reebay siday nolosha u xadeeyeen amase
u fahmeen aragtiyo iyo mad-habado asaasmey amase shaac-baxay magaalooyin
horumarey aaladihii dhismahooda saacidey ama burburkooda sabab u ahaa ummado
kuwa kale adoonsadey ummado waa jirey kadibna dabarbeeley qudradii isu
sakhirtey xadaarado iyo ilbaxnimooyin waa jirey ilaha awooddoodu ku tiirsanayd
iyo astaamihii hoos u dhocooda daadihiyey waxaan oo dhan oo hayaankii aadanaha
iyo isbadalkii ayaamaha ah kulligood waa un taariikh.
Sidaa awageed waxaa ku guda jira darsi laga qiyaasqaato oo
aan meel kale laga heli Karin. Xigmadda halqabsiga ah ee soomaaliyeed waxay
oraneysaa “dhagtaa kaa facdheer ishaase waa kula fil” illayn dhagtaadu waxay
maqashaa mahadhooyinkii qarniyada dhexdooda hore u dhacay ishaaduse intaad
noolayd umbey wax aragtey.
Ahmiyadda ay taariikh-du ku fadhido li’ajligeed qofka yaqaan
waa qofka kaliya ee ka baaraandagi kara masiirka lagama fursadaha ah ee
bulshooyinka, hadaysan taasi jirin maxaa waaya arag-nimadu tahay taladiisase
maxaa loo qadariyaa? Tani waa halka laga yiraahdo ninkii taariikh-da bartey
cimrigiisa wuxuu ku kordhiyey cimriyaal badan illayn taariikh-da uu bartey
darteed waa nin gu’giisa garaadkiisu ka wayn yahay.
Waxaa hadaba jira faa’iidooyn aan lasoo koobi Karin oo ku
diimoon barashada taariikh-da inkastoo aanan wada taabanayn waxaan farta ku
fiiqayaa kuwa ugu waawayn qaarkod.
ka cibra
qaadasho ka qiyaas qaadasho, inta badan dhacdooyinka hareeraheenna ka socdaa ma
cusba amase ugub ma aha ee hore ayey u dheceen amase wax u eg sidaa darteed
arrimo badan oo murugsan xal u heliddooda waxaa qayb wayn ka ah in la barbar
dhigo sidii xal loogu helay dhacdooyin lamida oo hore u dhacay, taasina waa tan
alle wayne (sw) quraankiisa ku tilmaamey marka uu leeyahay “ “Waxaa wallee ku
sugan qisooyinkooda wax lagu cibro qaato”.
In badan oo
waxyaalaha inagu hareeraysan ah aragtiyaha iyo afkaaraha isfeer socda
khilaafaadka iyo isbahaysiyada dadka ka dhex jira waxay soo bilowdeen waqtiyo
hore waxaana jira ujeedooyin iyo dano
loo asaasey ama sababo keenay markii hore marwalbana kama lug marna sababahaas,
ujeedooyinkaas iyo danahaas loo asaasey, hadaba, hadduusan qofku lasocon sida
waxaani u bilowdeen ama sababka keenay ama ujeedada laga leeyhay way ku adag
tahay inuu fahmo ama la tacaamulo taariikh yahankuse waa qofka garanaya sida
waxaani usoo bilowdeen oo garan kara siduu ula falgali lahaa.
In la iska jiro
lagana feejignaado khaladkii dad hore ku dhacay, -si cad saan ugu fakaro-
mustaqbalka waxa imaan doona alle cid aan ahayni ma oga dadkuse Markey
fiiriyaan sida arrimuhu u socdaan waxay saadaaliyaan sida laga yaabo in mustaqbalku u ekaado
islamarkaana odortaasi inay saadaalintii ku timaado waa la arkaa inaysan ku
imaanna waa suurowdaa, laakiinse waxaa natiijada la ogaan karaa oo kaliya
markii mustaqbalkaas la gaaro. Hadaba, taariikh-yahanku wuxuu ka
faa’iidaysanayaa khaladaadkii hore u dhacay oo natiijadoodii gadaal laga arkey
islamarkaana waa ka feejignaanayaa.
In la ilaaliyo
lana dhawro kayd cilmiyeedka ummadaha amase oollimaadka bulshada, taariikh-da
waxaa ku jira shucuubta kayd cilmiyeedkeedii dhinaca caqiidada iyo
aaminsanaanta dhinaca luqadda, dhaqanka, xigmadaha maahmaahyada, gabayada iyo
sheekooyinka ay ku guntameen ee ku yimaadeen dhinaca ogaanshaha jiritaankooda,
cadowgooda hore, dadkooda magaca waynaa, guulaha ay hore usoo hooyeen,
hadafyada ay higsanayeen iyo dhamaan khusuusiyaadka ummad walba.
Toosinta iyo
agaasimidda ujeedooyinka ummadda ee mustaqbalka ah, markii la ogaado
dhacdooyinka hore ayaa la toosin karaa ama la agaasimi karaa bulshada
tallaabooyinka la gudboon inay mustaqbalka hore u qaado.
Faa’iidooyinka taariikh-da ku jiraa kuma koobna intaan aan
sheegney laakiin waa daraf yar oo kamida saxiifad dacaldheer oo ah
faa’iidooyinka ku jira ogaanshaha taariikh-da.
Arrimahaan aan sheegney waa faa’iidooyinka guud ahaan
taariikh-da ku jira laakiin darsigaan waxaan kaga hadli doonaa insha allah
taariikh-da islamka laga bilaabo siirada Nabiga (csw) taariikh-daan oo runtii
ah qayb muhiim ah oo ka mida damiirka
qofka musimka ah ayna ku guda jirto quwadiisa iyo ruuxdiisa macnawiga
ah.
Taariikh-daan Islamku waa gabal wayn oo kamida taariikh-da
aduunka oo dhan amase waa taariikh-da ugu baaxad wayn ee dunidu gacanta ku
hayso, inay tahay afar iyo toban qarni oo xariira wixii dhacay oo si
faahfaahsan loo qorey loo hufay loona kaydiyey gaar ahaan dunida muslimka oo
lagu tilmaami karo wadnaha dunida inteeda kale, marka la fiiriyo halka ay
dunida kaga taal, hasa ahaatee nasiib darro taariikh-da Islamku waa qarsoon
tahay marka laga reebo dadka ku takhasusey gaar ahaan waxay si wayn uga qarsoon
tahay bulsha waynta muslimka ah iyo dhalinteeda.
Sababaha keenay qarsoonaantaan dabcan waa sababo badan
iskana cadcad waxaana ugu wayn in ummadda Islamka ahi ay ku dhacdey gacan cadow
gumeyste ah oo wiiqay lixaadkeeda ujeedooyinkiisana ay kamid tahay in ummadaan
la ilowsiiyo dhamaan casrigeeda hore iyo xadaaradeedii qaangaartey si ay waxa soo
socda uga dhunto sidoo kale loogu faafiyo dhaqamo iyo figradaha lagu
majara-habaabinayo.
Waxaa kaloo kamida in dhamaan manaahijta taariikh-da ay
dajiyeen afraad iyo ururro shisheeye ah kuwaasoo runtii dagaal aan waxba
iskula-harin ku qaaday taariikh-da Islamka si wayna uga fogeeyey gacanta qofka
muslimka ah islamarkaana aad loo buunbuuniyey taariikho kale iyo waxyaalo aan
qusayn ama aan ahmiyad ugu fadhiyin mararka qaarkood in been cad la maleego si
bohoshii aad ku dhacday ama gacantii ku goysey laguugu muuujiyo sababkii guusha
kuu horseedey.
Sidoo kale in la adeegsado kooxda ardada ah ee galbeedka ama
bariga ka timid ee loo yaqaan cilmaaniyiinta kooxdaan oo runtii si wayn ugu
shaqeeya shirqoolada shisheeyuhu la maaggan yahay ummadda muslimka ah, islamarkaana
Islamka iyo taariikh-diisa iyo dadka haystaba ka neceb shisheeyaha laf
ahaantiisa cuqdad xunna u qaba Islamka taasoo ku keentey inay masaxaan dhamaan
taariikh-daan sidoo kale suurad xumeeyaan shakhsiyaadka Islamka ee waawayn
guulaha hore loo gaarey iyo dhamaan taariikh-da siyaasad ahaaneed ee Islamka
kooxdaan oo nasiib darrro wixii ay qoreen kaliya lagu qaatey manaahijta
tacliinta ee laga hirgaliyey dhamaan dunida muslimka.
Waxaan hadaba u dooraney sababahaan li’adligood iyo
ahmiyadda wayn ee taariikh-da Islamka sidoo kale inaan uga sheekayno si dulmar
ah oo aan laguna daaleyn lana saluugayn hadduu alla idmo.
Laakiin intaannaan bilaabin waxaan baraarujinayaa arrin
muhiim ah tasoo ah inaan ogaano in ummaddaan soomaaliyeed ee afkaan ku hadasha
ay tahay qayb kamida jirka wayn Islamka aysan marnana ka go’I karin marka
taariikh-daan waa toodii waxaa intaa wehiliya in taariikh-daani marar badan ay
soomaalida si khaas ah u taabanayso marka laga sheekaynayo dhacdooyinka
muslimiinta soo mareyna soomaalidu waa kamid ummadda Islamka ahi dhacdooyinkaan
taariikh-da Islamka waa wadaagtaa, muslimiintuna run ahaantii waa hal ummada
haba kala duwanaato afafkooda iyo midabadoodu ama dagaanadooda iyo ooddoodu ha
kala fogaadaane.
Waxaan kale oo baraarujinayaa, inaan taariikh-daan uga
sheekayn doono -insha allahu- hab u kala saarsaaran casri walba khilaafada wayn
ee muslinka ah ee dhisnayd ayadoo aan taaban doonno dawladaha yar yar ee ka
feer dhismey ama dhamaan dhacdooyinka ku lug xiran anagoo ka bilaabi doonna
siirada nabiga (scw) kuna xijin doonna dawladda khilaafada raashidiinta kadibna
dawladda Umawiyiinta sidaasoo kale insha allah, waxaana suurowda inaan isku
feer wadno taariikh-da labo dawladood sida siirada Nabiga (scw) iyo taariikh-da
dawlada khilaafada raashidiinta.
Ugu dambeyntii waxaan allah (sw) waydiisanayaa inuu iigu
kaalmeeyo camalkaan wayn iina fudududeeyo isagaa kaligii awoodee (subxaanah)
amaana ahaanna waxaan baraarujinayaa in qoraalkaani ku yimid dalab ay iisoo
gudbiyeen walaalaha mu’sasada abuubakar iyo masjidka ashaafici..
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment