Qiso ku cibra qaadasho mudan: Mu'adinkii Diinta Islaamka ka doortay Nasaaradda..!

Assalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu, walaalayaal marka hore aan ilaahay ka barinno inuu nagu dilo Khaatumo wanaagsan, qisadan waxay ka hadleysaa Mu'adin ku dhintay gaalnimo oo ay fidneysay haweeney gaal ah.

Raawiga Qisadan wuxuu sheegay in mu'adinkan oo ahaa nin dhallinyar uu muddo aad u dheer ka aadaamayay masjid, markii ay korortay jamaacadii baa waxaa la go'aamiyay in dib u ballaarin lagu sameeyo masjidka.

Iyadoo dhismuhu socdo ayaa waxaa lagu taliyay in salaadaha lagu oogo masjidka, waxaana saqafka kore uu ahaa mid aan wali la dhameystirin, guryaha dariskana waxay ahaayeen kuwo ka gaaban dhismaha masjidka, waxaana mu'adinku kori jiray qeybta sare si' uu codkiisa u maqashiiyo dadweynaha.

Sida caadiga ah xilligaasi ma jirin mikrafoonnadan casriga ah, waxaana codka loo qeybiyaa dhinacyada iyadoo mu'adinku hadba dhinac u jeesto markuu aadaamayo.

Imaamki Masjidka oo wiilkan uga baqaayo fitnada ka imaan karto qaar ka mid ah reeraha dariska oo aan aheyn muslimiin buu mu'adinka kula taliyay inuusan indhaha kala furin markuu hareeraha fiirinayo ee uu leeyahay "Xaya Cala Salaah".

Mu'adinkii wuxuu sidaas ku waday ee uu indhaha xiro, markuu dhinacyada eegayo wuxuu maalin maalmaha ka mid ah si' kadis ah u kala furay dhaayihiisi, misna wuxuuba arkay haweeney ilaahay qurux siiyay oo aan wax dhar lagu sheegi karo qabin.

Halkaas ayaana miir iyo aadaankii ugu dambeysay mana uusan ogeyn jeer uu masjidka albaabkiisa ka baxay oo gabadhii gurigeeda uu galay, wuxuuna ku yiri "Adiga ayaan ku rabaa xalaal ama xaaraam".

Waxay tiri "Hadii aad rabto inaad i guursato, waxaa imaanaya aabahey ee iga doono" iyadoo wali sii fitneeneysa ayayna asturneyn, wuxuuna ku maqan yahay jirkeeda.

Aabihii baa yimid xoogaa kadib, wuxuuna wareystay wiilkii, oo weydiiyay wuxuu ka rabo, wada hadal kadib waxaa odaygii yiri "Hadii aad rabto inanteyda waa ku siinayaa laakiin waa inaad qaadataa diinta nasaaradda, waayo hadda muslim baa tahay mana ku siinayo".

Wiilkii mu'adinka ahaa isagoo aan ka fikirin dhinacna aan fiirin buu yiri "Hadeerba waan ka baxay Islaamka, ee gabadha i sii".

Markuu guursaday ee todobada ay ka baxeen waxaa raawigu sheegayaa inuusan gaarin habeenkii 8-aad, wuxuuna dhintay isagoo gaal ah oo aan heysan diinta Islaamka.

Innaa lillaahi wa'innaa ileyhi raajicuuun...!!

Walaalayaal Maxaan ka faa'iidnay Qisadan?

Waxaa shaki uusan ku jirin, in qisooyinka laga faa'iido hanuun iyo hidaayo waa hadii Allah noo qadaro, waxaana muhiimadda Qisooyinka ilaahay ku tilmaamay aayaddan...

 قال تعالى: لَقَدْ كَانَ فِي قَصَصِهِمْ عِبْرَةٌ لِّأُوْلِي الأَلْبَابِ. {يوسف:111}

Hadaba waxaa qisadan laga fahmayaa in qadarta Ilaahay ay ka weyn tahay camalka aan hadda heyno haduu fiican yahay ama xun yahay.

Sababtoo ah Nabigeenna Mohammed SCW, wuxuu yiri "Qofkiin idiin ka mid ah wuxu camal falayaa camalka ahlu jannaha, markaas kadib waxaa lagu soo khatimaa camalka ahlu naarka, sidoo kale qofku wuxuu camal falaa camalka ahlu naarka, markaas kadib baa lagu soo khatimaa camalka ahlu jannah"

وصدق رسول الله صلى الله عليه وسلم إذ قال: إن الرجل ليعمل الزمن الطويل بعمل أهل الجنة ثم يختم له عمله بعمل أهل النار، وإن
 الرجل ليعمل الزمن الطويل بعمل أهل النار ثم يختم له عمله بعمل أهل الجنة. رواه مسلم

Ilaahay aan ka barinno inuu nagu soo khatimo camal wanaagsan, qof walboo naga mid ah waxaa lagu soo bixin doonaa camalkii uu qabanayay markuu dhimanayay, qof kastana wuxuu ku dhintaa camalkii uu ugu badnaa ama ugu jeclaa noloshiisa.

FG: Walaalayaal aan ku cibra qaadanno qisadan oo noqonno kuwa qaata hadalka kiisa wanaagsan, kuna soo biira Faafinta Diinta Islaamka, FAAFI.BLOGSPOT.COM

Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay

Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM

Facebook.com/faafidiinta

@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
 
Share on Google Plus

Qoraaga: Unknown

Magaceygu waa Abdishakur Hussein Mohamed loo yaqaan (Shakra), waxaan ku noolahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia, waxaan jecleystay inaan xirfadeyda wariyenimo ku kaabo faafinta Diinta Islaamka. Hadii aad tahay qof jecel diinteenna xaniifka ah ee Islaamka fadlan hadda is weydii maxaad u qabatay diinteenna oo loo daadiyay dhiiggii qaaliga ahaa ee Nabi Mohamed SCW, diinta aan u istaagay inaan ka shaqeeyo waxaa u dhintay boqollaal geesiyaal muslimiin ah AHUN. FG: Hadii aad kheyr qabe tahay ogow inuu jiro walaal kale oo madow kaga jiro Diinta Islaamka oo laga yaabo inuu saaladaha wahsado ama aanan soomin.
    Blogger Comment

0 comments:

Post a Comment

@Walaalaha Faafi Diinta Islaamka . Powered by Blogger.