Qisadan waxay cibro u tahay dhamaan umadda Muslimka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku xiran bar-kulmiskan kheyrka ee FAAFI.BLOGSPOT.COM.
Waxaa jiray nin aad u jeclaa gabar uu dhalay oo kaligeed uu ubad ka qabay, maalin maalmaha ka mid ah ayay inantiisii ka xanuunsatay, waxaana ugu dambeyn ay sababsatay cudurkii helay, oo ay u geeriyootay.
Markuu aasay gabadhiisi oo ay dadkii janaasada raacay ka soo laabteen isagu muusan soo bixin, wuxuna joogay qabriga ilaa uu go'aansaday inuu gabadhiisa ka soo saaro qabriga.
Wuxuu u yeeray rag ku kaalmeeya soo bixinta gabadhiisi dhimatay, wuxuuna ku soo qaatay boorso, isagoo keenay gurigiisii, muddo kadib dadkii dariska oo arrintan maqlay baa odaygii la yaabay oo waaniyay.
Wuxuu go'aansaday inuu inanta celiyo, laakiin wuxuu waayay boorsadii oo dhan, meel kasta wuu ka raadiyay laakiin muusan helin, wuuna ka quustay ilaa uu go'aansado inuu ku laabto qabriga isagoo u maleeyay inay kaga soo dhacday qabriga uusan guriga keenin.
Wuu laabtay wuxuuna qoday qabrigii, wuu ka waayay wax allah iyo wax ku jira, wuu yaabay, wax yar kadib haduu eegay qabrigii, waxaa ku jira wajigeedi, labadeedi jilbood, labadeedi lugood, iyo gacmaheedi oo guban.
Isagoo naxsan buu qabrigii ka soo baxay wuxuuna aaday gurigiisii, wuxuuna daalkii haayay iyo naxdintii kula dul dhacay sariirtiisii, isagoo ku riyooday arrin cajiib ah oo ku cibra qaadasho mudan.
Ninkii wuu riyooday wuxuuna hurdada ku arkay gabadhiisii oo weydiiyay "Xagaad joogtay markaan qabriga galay waan kaa soo waayay, maxayse tahay gubnida jidhkaaga" waxay ugu jawaabtay...
"Markii aad qabriga imaaneysay waxaa malaa'igtu ii qaaday jahannamo si' ay iigu soo ciqaabto, sidaas ayaana leygu sameeyaa xilli kasta oo la gaaro waqtiga Salaadda..."
Wuxuu weydiiyay "Maxay tahay Sababta laguugu qaado Naarta..?.." Waxay ugu jawaabtay..
"Waxaan waqtigeeda ka dib dhigi jiray Salaadda, mana tukan jirin waqtigeeda.."
Ilaahow Salaadda noo fududee oo naga Aqbal
Maxaan Ka faa'iidnay Qisadan?
Qofkii Ilaahay hanuuniyo ayaa nasiib leh, annagu ma huunin karno qofkii aan jecel nahay ee ilaahay ayaa tubta toosan ku duwo qofkii uu u garto, waxaase qisadan oo u baahan in aad loo fahmo ka faa'iideynaa in salaadda oo waqtigeeda laga dib dhigo lagu mudan karo ciqaab gaarsiisan "Jahannamo" ilaahay ha inaga korshee.
Wuxuuna Ilaahay quraankiisa ku leeyahay "Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa tukada..Kuwaasoo salaadooda sahwiyay.." Culimada waxay ku fasireen kuwa salaadda ka dib dhiga waqtigeeda.
Hadii la ciqaabayo qofkii salaadda tukaday balse waqtigeeda ka dib dhigay, xaguu joogaa qofkii salaadda ka tagay ee aan tukan ilaahoow qalbigeenna diinta u fur oo Islaamka nagu adkee.
FG: Walaalayaal aan
ku cibra qaadanno qisadan oo noqonno kuwa qaata hadalka kiisa wanaagsan, kuna
soo biira Faafinta Diinta Islaamka, FAAFI.BLOGSPOT.COM
Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay
Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay
Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment