Maalintii uu ilaahay dunida abuuray ilaa iyo haaatan waxaa jira 4-boqor kali ah oo adduunka oo dhan maamulay, waxaana ilaahay qadaray in afartaasi 2-kamid ah ay noqdaan Muslimiin halka 2-da kale ay ahaayeen gaalo.
Nebukadnesar iyo Nimrod oo gaalo ahaa iyo Nabi Suleymaan CS
iyo Dul-qarneyn oo ilaahay rumeeyay kana mid ahaa saalixiintii dunida soo
maray.
Boqorkii
Koowaad wuxuu ahaa Nimroud
Wuxuu ahaa boqorkii ugu horreeyay ee dunida dhan maamulay
wuxuuna fariisinkiisu ahaa magaalada Baabal ee dalka Ciraaq, kuma ekaan inuu
ahaado bani’aadam ee wuxuu sheegtay ilaahnimo {Allow naga kori}.
Ilaahay subxaanahu watacaalaa ayaa u soo diray nabiyullahi
Ibraahim Caleyhi Salaam, wuxuuna nabi ibraahim ku amray Nimroud inuu rumeeyo
diinta Islaamka laakiin arrintaasi wuu diiday gaalkaasi weyn waxaana dhex
martay sheekadan.
Nimroud: Waa kuma ilaahaaga ku abuuray?
N/Ibraahim CS: Allahaygu waa kan wax walbo abuuray, waana
Allah wax dila waxna nooleeya.
Nimroud wuxuu amray in loo keeno 2-nin markaasuu mid dilay
midna sii daayay.
Nabi Ibraahim wuxuu badalay xujadiisa, taasoo tuseysay
caqliga ilaahay siiyay, wuxuuna yiri “Cadceeddu waxay ka soo baxdaa mashriq ee
birri ka soo saar magrib”.
Nimroud baa wareeray oo arrintaasi ay tusisay tabar
darradiisa.
Arrinta cajiibka ah waxa weeye markuu Nimroud dhimanayay waxaa
ilaahay ku salliday Tuqsi ka mid ah ciidanka ilaahay kaasoo sanka ka galay
gaalkaasi kibray ilaa uu kabtiisa madaxa iskaga garaaco, sidaas ayuuna
dullinimo ugu dhintay.
Boqorkii
Labaad wuxuu ahaa Nebuchadnezzar
Wuxuu lamid ahaa sida boqorkii hore, marka laga reebo inuu
ahaa hogaamiye ciidan oo aad looga baqi jiray xilligiisi, wuxuuna hogaamiye u
ahaa 100-kun oo dagaal yahan.
Wuxuu ku dhashay magaalada Baabal ee dalka Ciraaq, markuu
kibray ee imaaradiisu ballaadhatay wuxuu xoog ku galay dhulka Shaam isagoo
baqdin galiyay reer Dimishiq, waxay ogolaadeen heshiis iyagoo hanti aad u fara
badan siiyay.
Markii dambe wuxuu xarun ka dhigtay beytul maqdas isagoo
halkaas kala wareegay boqor ka mid ahaa dadkii rumeysnaa diinta islaamka gaar
ahaan Nabi Daa’uud Caleyhi Salaam.
Gaalkan weyn ee dunida maamulay ayaa wuxuu ku caan baxay inuu
dulleysto oo addoomo uu ka dhigto carruurta iyo haweynka iyadoo ragguna
ahaayeen ciidankiisa.
Markii dambe waxaa isna tuuray 90-kun oo kamid ahaa carruu uu
dhalay Nabiyullahi Casiis Caleyhi Salaam, waxaana laga soo kabsaday gumeysigii
Nebuchadenzzar.
Boqorkii
Sedexaad wuxuu ahaa Dul-qarneyn
Magacan Dul-qarneyn wuxuu ka dhashay dadka dhexdooda kadib
markay arkeen geesinimadiisa, kartidiisa iyo awoodda ilaahay siiyay.
Wuxuu ku bar-baaray magaalo dadkeedu yihiin kuwa dulleysan oo
aan laheyn caqiiddo, taliska xilligaas ka jiray caalamkana wuxuu ahaa gaalo.
Markuu arkay siday wax u dhacayaan ayuu billaabay dacwadda
ilaahay ilaa dadkii iimaanka lagu galladay ay ka bateen gaalada.
Intaasi kadib wuxuu arkay riyo cajiib ah waxaana uu
saaxibadiisa u sheegay inuu ku riyooday isagoo samada koray oo qabtay ileyska
cad-ceedda.
Waxay ku fasireen inuu hanan doono dhamaan caalamka, isla markaasna
uu yeelan doono ciidamo xoog badan oo dunida xaqa ku faafiya.
Ugu dambeyn wuxuu dul-qarneyn noqday hogaamiyihii caalamka
wuxuuna ku guuleystay inuu adduunka ka hir galiyo waxdaaniyadda Allah.
Boqorkii Afaraad
wuxuu ahaa Nabi Suleymaan CS.
Maamulkii boqortooyadii Nabi Suleymaan mid la mid ah sooma
marin dunida, waxaana ilaahay u fudeydiyay Jinka iyo insiga, wuxuu ilaahay
baray hadalka Xayawaanaadka, dabeyshuna isaga ayay ka amar qaadan jirtay.
Nabi Suleymaan waxaa dhalay Nabi Daa’uud labadooduba allah ha
u naxariistee, waxay ahaayeen kuwa ilaahay diintiisa faafiyay.
Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu nabi Suleymaan isku
diyaariyay dhamaan ciidankiisa Jin,insaan,Dabeyl iyo xayawaannada oo dhan,
wuxuu waayay HUDHUD, wuxuuna ku fakaray inuu dilo ama ciqaabo hadii uusan sabab
cad la imaan.
Waxyar kadib shimbirkii Hudhudka ahaa baa yimid wuxuuna
sheegay inuu maqnaashihiisu ahaa sabab weyn, wuxuu sheegay inuu soo arkay boqorad
laga baqo oo qoomkeeduna u sujuudaan qorraxda.
Nabi Suleymaan baa Hudhudka u sheegay hadii uu been sheego in
la ciqaabi doono, waxaana Nabi Suleymaan la kulmay haweyneydaas oo lagu
magacaabi jiray Balqiisa.
Dood dheer kadib way rumeysay Nabi Suleymaan, waxaa laakiin
aad cajiib u ah in dadkii xilligaasi rumeysnaayeen qaarkood in jinku ogaan karo
cilmul qeybka.
Ilaahay baa doonay inuu arrintaasi cadeeyo ka hor intuusan dhiman Nabi Suleymaan CS, waxaana leysku yeeray dhamaan jinki oo la galiyay shaqo adag, kadib wuxuu nabi Suleymaan ku dengiigsaday gidaar halkaasoo nafty ay kaga baxday, way shaqeeyeen ilaa ay sanad howl adag wadeen iyagoo aan ogeyn inuu boqorkii dhintay, Indhaha nabiga oo kala furnaa awgeed way ka baqayeen, laakiin markii dambe baa ushii nabi Suleymaan waxaa cuntay Namli kadib baa dadkii oo dhan ogaadeen inaan jinku waxba ka ogeyn geybka Allah.
Intaasi
waxaa ku dhan qisooyinka 4-tii boqor ee dunida oo dhan maamulay.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Qore: Abdishakur Hussein Shakra
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
Qore: Abdishakur Hussein Shakra
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka FAAFI.BLOGSPOT.COM
0 comments:
Post a Comment