Qiso Cajiib ah: Boqorow reerkaadu hortaada ayay ku wada dhiman..!



Mid ka mid ah boqorradii dunida soo maray baa hadda ka hor ku riyooday “Ilkihiisa oo dhamaan wada ja-jabay”.

Isagoo aan dheg la qabto laheyn buu u tagay nin riyooyinka fasira, wuxuuna uga sheekeeyay wixii uu ku riyooday.

Mufasirkii riyada ayaa boqorka ku yiri oo ma hubtaa? Ma adigaa sidaa ku riyooday?
Boqorkii baa ku jawaabay Haa…

Wuxuu yiri ninkii mufasirka ahaa “…..Tani waxay tilmaameysaa in dhamaan reerkaadu ku dhiman doonaan ho
rtaada”

Boqorkii baa aad u carooday oo ninkii xabsiga ku tuuray, isagoo aad uga arga-gaxsan waxa la soo darsay buu hadana u tagay nin kale oo riyooyinka fasira.

Ninkan kale ee riyada fasira isna wuxuu yiri sidii ninkii hore, waxaa boqorku markale amray in xabsiga la dhigo.

Boqorkii waa yaabay oo hurdo, cunno iyo farxadba ka suuleen, wuxuu aaday nin aad ugu caan baxay riya fasirka wuxuuna uga sheekeeyay wixii uu arkay.

Mufasirkan cusub baa boqorka dejiyay oo yiri hambalyo, hambalyo, ma adigaa sidan ku riyooday..?

Boqorkii baa dhaqso ku yiri “Haa”

Wuxuu mufasirku yiri “Dhamaan ehelkaada adiga ayaa ugu cimri dheeraan doona oo noqonaya qofka ugu dambeeya ee ehelkaada ka dhinta”

Boqorkii baa farxay oo debaal degay isagoo hadiyad qaali ah siiyay ninkii riyada siduu rabay ugu fasiray.

Laakiin dib buu ka gucday arrinta sababtoo ah hadiiba uu reerkiisa ugu dambeyn doono soo kama dhigna in dhamaan ehelkiisu ku hor dhiman doonaan…!

Hadaba maxay tahay cibradan?

Ujeedka qisadan waxaan u la jeednaa inaan ogaanno in geeridu ay tahay waxa ugu daran ee bani’aadamku ka baqo, hadaba hadii ay sidaa tahay soo ma haboona inaan ilaahay u towbad keenno oo aan dunuubta iska meyrno si’ aakhiro aan u guranno miraha jannada.


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Qore: Abdishakur Hussein Shakra
Wariyeshakra@gmail.com 
Facebook.com/diintaislaamka

FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka FAAFI.BLOGSPOT.COM

Share on Google Plus

Qoraaga: Unknown

Magaceygu waa Abdishakur Hussein Mohamed loo yaqaan (Shakra), waxaan ku noolahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia, waxaan jecleystay inaan xirfadeyda wariyenimo ku kaabo faafinta Diinta Islaamka. Hadii aad tahay qof jecel diinteenna xaniifka ah ee Islaamka fadlan hadda is weydii maxaad u qabatay diinteenna oo loo daadiyay dhiiggii qaaliga ahaa ee Nabi Mohamed SCW, diinta aan u istaagay inaan ka shaqeeyo waxaa u dhintay boqollaal geesiyaal muslimiin ah AHUN. FG: Hadii aad kheyr qabe tahay ogow inuu jiro walaal kale oo madow kaga jiro Diinta Islaamka oo laga yaabo inuu saaladaha wahsado ama aanan soomin.
    Blogger Comment

0 comments:

Post a Comment

@Walaalaha Faafi Diinta Islaamka . Powered by Blogger.