Assalaamu Caleykum
Waraxmatullahi Wabarakaatuhu, walaalayaal waa markale iyo barnaamijyada
taxanaha qisooyinka mudan in lagu cibra qaatto, maanta mowduuca aan ka hadleyno
waa mid xasaasi ah oo aan inaba leyska indha tiri Karin, inagoo ilaahay ka
baryeyno inuu ku cibra qaatto qof walboo dareensan inuu wehsi ku jiro.
Waa qiso aad u xanuun badan
oo ku dhacday wiil muslim ah oo aad taqi u ahaa balse markii dambe ku dhintay
khaatumo xumo aad u xanuun badan, waxaana qof walboo aqriyo dareemaa cabsi iyo
wer-wer.
Wiilkan wuxuu la socday doon
ganacsi oo ka timid mid ka mid ah wadamada khaliijka carabta kuna socotay
badweynta Hindiya, markii ay doonto meel dhexe sii mareyso waxay ku hakataa
jazeerad yar oo ka tirsan wadamadii leysku oran jiray Hindiyadii ballaarneyd.
Dadka doonta saaran oo u
badan ganacsato ayaa waxaa ku jira qaar jaziiraddan ugu soo qasda sino iyo
faaxishaad ay kula kacaan dumar jirkooda ka ganacsada oo deggan halkan.
Sida caadiga ah maalintii
waxaa qof walbo galaa magaalada iyagoo qof walbaa uu soo qabsado howl u gaar ah
ganacsigiisa, halka dhanka kale uu jiro wiil dhallinyaro ah oo doonta ka ah imam
iyo mu’adin.
Markay dadku ku mashquulaan
howshooda aduunyo wuxuu doonida ku dul aqristaa quraanka kariimka, isagoo
xilliyada salaadda dadka tukiya, wuxuuna ahaa qof aad u kheyr badan.
Inkastoo raawiga qisadan
uusan faah-faahin buuxda ka bixin magaca wiilkan, balse qasadkeennu waa qisada,
waxaana maalin maalmaha ka mid ah wiilkii yaraa u yimid nin ka mid ah kuwa
fuxshiga u yimaada jaziiradda.
Wuxuu ninkii wiilka yar ku
yiri “Wiilyahow waa adiga habeen iyo maalin doonida dul saarane maad soo degtid
oo aragtid waxa ka jira caalamkan aan joogno”….wuxuu sii raaciyay
“Aniga kuma
dhahayo aan ku geeyo goobaha lagu tunto ama lagu caweeyo laakiin waxaan ku
dhihi lahaa maad soo aragtid kuwa masaamiirta laqaya, dabka qur-quriya indha
sercaadkana ku dheereeya”
Wiilkii baa yaabay oo yiri “oo
waxaasoo dhan ma adduunkan bay ka jiraan..?”
Faasiqii baa ku jawaabay “Haa
ee na keen”.
Wiilkii ahlu kheyrka ahaa
wuxuu si’ hal haleel ah u raacay ninkii fasahaadda waday, wixii la socdaba
waxaa albaabka laga istaagay guri yar oo cariish ah, ninkii baa wiilka yar ka
codsaday inuu xoogaa yar dibadda ku sugo, uusan ka soo dhawaan guriga.
Waxyar uun kadib waxaa
dhegaha wiilkii ku soo dhacay qosol aan fiicneyn nux-nux, wuxuu is-celiyaba
wuxuu u soo dhawaaday gurigii looga digay, durba waxaa ka hor muuqata {Naag
xishoodkii iyo dherkiiba ka qatan}.
Wiilkii baa yaabay oo ku sii
dhawaaday cariishka wuxuuna ka eegay duleel yar, wuxuu durba arkay wuxuusan
waligiis arkin.
“Halkaas ayuuna ku haleelay
gamuunkii sheydaanka”.
Waxyar kadib ninkii baa soo
baxay oo wiilkii u kaxeeyay doonidii, habeenkii oo dhan wiilka yar muusan gam’in
wuxuu hadba xasuustaa wixii uu arkay.
Illeen gamuun sheydaan baa
wiilka helay qeyb ka mid ah qalbigiisana gacan ku heynta ayaa lala wareegay,
markuu waagu baryey qofkii ugu horreeyay ee doonta ka dega ee magaalada gala
waxaa noqday wiilkii oo siduu u socday galay gurigii fisqiga.
Maalintii koowaad, maalintii
labaad iyo maalintii 3-aad aqalkii cariishka ahaa kama uusan soo bixin oo fasahaadda
ayuu dhankiisa ka waday, ilaa markii dambe dadkii doontu dareemaan oo
yiraahdaan “Aaway mu’adimkeennii..Aaway imaamkeennii…”
Markii dambe wuxuu
naaquudihii doonida amray in wiilka la soo raadiyo, waxaana loogu tagay isagoo
howshii xumeyd ku guda jira, laakiin waxaa laga soo bixin waayay aqalkii.
Mar 1-aad, mar 2-aad iyo mar
3-aadba way ku guul dareesteen in wiilkan yar ay keenaan doonida oo ay ka soo
saaraan guriga, wuxuuna codsaday in laga tago oo aanu laaban.
Naaquudihii doonta ayaa ka
baqay hadii ay ka tagaan wiilka in reerkiisu qabsadaan, wuxuuna ragii goobta
ugu xoog weynaa ku amray inay xoog ku soo wadaan.
Wiilkii yarka ahaa maba ahan
ninkii ahlu kheyrka ahaa ee imaamka iyo mu’adimka umadda ahaa ee wuxuu isku
riixay gees shishe oo doonida ka tirsan wuxuuna ka bixi waayay oohin cajiib ah
ilaa dadku ka baqaan inuu oohintaas u dhinto.
Wiilkii af-ma qaban ilaa mid
ka mid ah rakaabkii ku yiraahdo “War wiil yahow maxaa kugu dhacay..nin fiican
baad aheyde, sidee wax kaa yihiin..?..”
Wiilkii baa ku hadal
gaabiyay “Iga aamus waxa igu dhacay ma ogide”
Waa cajiib iyo amakaag waxa
wiilka ku dhacay, ninkiibaa isagoo yaaban ku yiri war heedhe balaayan ha
qarsane maxaa ku helay?
Wiilkii baa feyday
xubinkiisii taranka misna waxaaba ka daadanaya tirxi, wanacuudu billaahi.
Ninkii baa yiri “Ilaahow
balaayadan baan kaa magan galay”
Goor habeen bar ay tahay baa
dadkii rakaabka ahaa waxay maqleen qeyli arga-gax leh, markey yimaadeen goobtii
wax ka qeyliyeen waxaaba meyd ah wiilkii yaraa oo afka ku qaniishan doonta.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Qore: Abdishakur Hussein Shakra
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
Qore: Abdishakur Hussein Shakra
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
0 comments:
Post a Comment