Sidaan ogsoonahay bisha ramadaan waxaa ka mid ah
shicaa'irteeda tukashada salaada taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado salaadda cisha gadaasheed,
waxaana loo tukadaa labo-labo rakco, nabigana (scw) wuxuu xadiis saxiix ah ku sheegay:
”Qofkii tukada ramadaan asagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa
(ajirkeeda) waa loo dembi
dhaafa
a(dambiyada yar yar, kuwa kabaa'irta waa in la toobad keenaa).” (Bukhari & Muslim).
a(dambiyada yar yar, kuwa kabaa'irta waa in la toobad keenaa).” (Bukhari & Muslim).
Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W) wuxuu
yiri: “Qofkii u kaca inuu tukado salad taraawiix bisha Ramadaan, Imaan qab iyo
ajar dalab dartood, waa loo dhaafaa wixii dambiyo (yar yar) horey uga dhacay. (Bukhaari
iyo muslim)
Waxaa Sunno ah
salaadaan in lagu tukado jamaaco sida soo aroortay in uu nabiga (scw)
tujiyey saxaabada dhoor habeen kadibna iska daayey cabsi uu ka cabsanyey in
lagu waajib yeelo ummadiisa.
Markii la gaarey khilaafadii Cumar bin Khadab(rc) wuxuu arkay dadka oo koox koox u kala tukanaya Salaada taraawiixda, kadib ayuu ku fakaray inuu dadka iskugu keeno hal imaam oo ay jamaaco ahaan u wada tukadaan, sababtoo ah waxaa meesha ka baxday baqdintii uu Nabiga ka baqayay in ummadda lagu waajib yeelo Salaada Taraawiixda, kadib markii uu Waxyigu istaagay geeridii Nabiga (scw) ka dib.
Sidaas ayuu Amiirkii Mu’miniinta Cumar bin Khadaab (rc) kusoo nooleeyay Sunnadii tukashada salaada Taraawiixda Jamaaco ahaan.

Maxaa lagu aqriyaa
salaadaan?
Kuma soo aroorin salaadaan quraan gaar oo la akhriyo. Salafka wey ku dheereen jireen quraan akhriska, ilaa qaar ka mid ah gaarsiin jireen wax u dhow salaada subax, laakin sida fiican waa in lagu tukadaa salaaddan inta ay awoodaan dadka la tukanaya Imaamka.
Waxaa haboon in bisha ramadaan hal mar ugu yaraan lagu dhameeyo quraanka kariimka.
Meeqo rakaco ayey ka koobantahay salaada taraawiixda?
1-Culumada way isku khilaafeen inta rakco ay ka koobantahay salaadaan.
Culumada qaar waxey leeyihiin waa(11-rakco) 8-rakco iyo 3- racko oo witri
ah,waxayna u soo daliishadeen xadiiskii caa'isha (rc) oo ahaa:- ''Nabiga (scw)
Kuma uusan siyaadin jirin 11-rakco ha ahaato ramadaan ama yaysan ahaan''.
2-Culumada qaarkoodna waxey qabaan in ay tahay 20-rakco iyo 3-racko oo witri ah,waxeyna u soo daliishadeen ficilkii Saxaabada –Radiyalaahu canhum-
3-Culiumada sida ay u badan yihiin waxey isku dayeen in ay isku keenaan labadaan ra'yi oo waxey dhaheen waxaa Sunno ah in la tukado 11-racko, qofkii ka badiyana, wax dhib ah kuma jiraan oo waa ay banaan tahay in la tukado in ka badan 11-rakco.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim ah qofka muslimka ah ee sooman inuu ku dadaalo sidii uu u tukan lahaa Salaada Taraawiixda inta uu awoodo, lakiin hadduu awoodo inuu la dhamaysto salaada imaamka taas ayaa fadli badan, sidii uu ku yiri Nabigeena (scw) xadiis saxiix ah:''qofkii la tukada imaamka ilaa uu ka salaamo noqsado waxaa loo qoraa ajarka qiyaamka habeenka oo dhan''.
Alaah ayaan ka baryayna inuu naga dhigo kuwii laga aqbalo
soonkooda iyo qiyaamkooda, uuna naga dhigo kuwii laga xoreeyo naarta bishaan
barakaysan ee ramadaan Aamiin
Waxaa diyaariyay walaalkeen
Cadnaan Cabdulqaadir
FG: Walaal ku soo
biir Walaalaha FAAFI DIINTA ISLAAMKA ( faafi.blogspot.com )
0 comments:
Post a Comment