Assalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu, walaalayaal
waa markale iyo qisooyinkii waanada Walaalaha Faafi Diinta Islaamka oo maanta
aan ku soo qaadan doonno qiso aad u cajiib badan oo si’ gaar ah u quseyso “Dumarka”
Siiba kuwa jidhkooda qaawiya.
Raawiga qisadan soo gaarsiiyay caalamka Islaamka ayaa ku billaabay:-
Waxaa jirtay mid ka mid ah magaalooyinka carbeed gabar aad
iyo aad ay u jeclaayeen dhallinyarada iyo dhamaan dadka aan fahamka wanaagsan
ka heysan halista qaawinta cowarda, gabadhaasi waxaa lagu casuumi jiray xaflad
kastoo lagu sameeyo munkar uusan ilaahay raalli ka aheyn.
Waxay gabadhu aad ugu caan baxday labiska aadka u muujiya
jirka dumarka, waxay sidoo kale aad ugu dheg dhegi jirtay ragga xafladda jooga
ilaa dadka qaarkiis ka baqaan inay iyagu ku camirato, waxay kaloo caan ku aheyd
inay heesto iyadoo miyuusikada si’ xad dhaaf ah u la jaan qaadi jirtay.
Maalin baa waxaa looga yeeray xaflad aroos oo aad u camiran,
waxay aheyd goob mashxarad iyo tamashleyn is-dhex yaac ah lagu sameynayo,
waxayna u soo labisatay sidii looga bartay iyadoo mar qudha badashay jawigii
goobta oo dadkii hoos iskaga sheegeen “Waxaa soo gashay hebla”.
Waxaa la tumay muusuqii, waxaa la dheelay wax kastoo ciyaar
lagu tilmaamay balse aan xad diineed iyo mid damiirba laheyn, waxaana goobta
is-qabsaday sawaxanka uu qurxiyo sheydaanka, ee heesaha.
Dadkii oo dhan baa miirkooda siiyay waxa socda, waxaase mar
qudhaa la waayay fanaanaddii la jeclaa codkeeda, lagu maadeysan jiray
cowradeeda, misa hadii leys fiir fiiriyay waxay taallaa dhulka iyadoo aan
dhaqaaq iyo dareemo midna laheyn.
Dadkii baa isku soo xoomay oo korkeeda iskugu yimid laakiin
saaxibteed oo aan goobta ka sii fogeyn baa dalabtay in miyuusikada aad loo
dheereeyo iyadoo tilmaameyso inay suuxdinta wax caadiya tahay..! Laakiin
arrinku sidaas wuu ka gedisnaa markaas.
Waa laga quustay inay soo toosto oo ay sameyso wixii laga
sugayay, waxaana markaas goobta soo galay lamaanihii arooskooda munkarka ku
qurxiyey, waxay taabteen wadnaheeda misana “gaw iyo gariir” midna maleh.
Waxay
ogaadeen inay dhimatay, waxaase cajiib ah intaasi kadib maxaa xigay..?
Kolkey hubsadeen inay meyd tahay gabadhii ku saaciday tamashleynta
Sheydaanka ayay u carareen inay asturaan oo ay dhar huwiyaan laakiin waxaa
layaab iyo amakaag madaxa ka weyn uu ku dhacay dhamaan dadkii goobta joogay kadib
markii maro waloo lagu dado korkeeda ka biibtay oo ay jirkeedii uu diiday wax
kastoo la huwiyo.
Waxaa deg deg loogu yeeray seygeedii oo aan ka war heyn
arrintan soo korortay wuxuuna si’ hal-haleel ah ku soo gaaray goobtii ay
taallay xaaskiisii geeriyootay, wuxuu ku cararay inuu bal marka hore asturo
laakiin isna wuu ka quustay inuu taako allah haka dhigee jirkeeda qariyo.
Isagoo naxsan oo wareersan oo aan ogeyn siduu waxyeelo ayuu
geeyay goobtii lagu dhaqi jiray meydka, misana waxaaba ka sii daray jirkeedii
oo laga quustay in karfantii la galiyo, waxaa mara kastoo la huwiyo u biibeysaa
sida inay dabeyl xagga hoose kaga imaaneyso oo ay haatineyso.
Waa Arrin cajiib ah oo maan gal la noqon weysay dadkii goob
joogga u ahaa arrintan qabsatay gabadhii jirkeeda qaawisay ee adduunka lagu
ibtileeyey.
Hadaba
Maxaa qisadan laga fahmay?
Marka hore waxaa dhacdadaan baraarujin u tahay dhamaan
dumarka Islaamka gaar ahaan kuwa is-qaawiya ama jirkooda qeyb ka mid ah aan
asturin.
Marka xigta hadii qofku Ilaahay Subxaanah Watacaalaa ka baqi
waayo intuu adduunka joogo waxaa suura gal ah in ciqaabta qabriga iyo cadaabka
aakhiro aan lala sugin oo adduunka lagu imtixaano ama khaatumo xun uu ku
dhameysto nolosha sidaasna lagu soo bixiyo qiyaamo ileyn “Qof walbo siduu ku
dhintay unbaa lagu soo bixin doonaa qiyaamaha”.
Maxaa
Muhiim noo ah oo qisadan naga kaafisay.?
Waxaa muhiim ah in Qof
kastoo dumar ah ogaato in jidhkeeda oo dhan uu cowro yahay, loona baahan yahay
inay ku asturto dhar xoog leh oo aan ku dhaganeyn qeyb jirkeeda ka mid ah, waa
hadii aan raaceyno sharciga Islaamka oo aan ka baqeyno ilaahaygii ina abuuray.
Si’ kastoo Culimada Islaamka u darseen cowrada dumarka
Islaamka, waxaa leysku raacay in gabadha xorta ah markay ajaanib la joogto
jirkeeda oo dhan uu cowra yahay, waxaana shardi ah inaan qeyb ka mid ah jirka
la baneyn ama dhar ku dheggan la gashan.
Ilaahay
xaqa hana waafajiyo..Aamiin aan dhano walaalayaal
FG: Walaalayaal aan ku cibra qaadanno qisadan oo noqonno kuwa qaata hadalka kiisa wanaagsan, kuna soo biira Faafinta Diinta Islaamka, FAAFI.BLOGSPOT.COM
Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay
Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay
Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment