1- Xiriirka aad la leedahay Allah
2- Xiriirka aad la leedahay Naftaada
3- Xiriirka dadka kale kaala dhaxeeyo
Seddexdaan qodob wuxuu nabiga SCW ku kulmiyay hal xadiis wuxuuna yiri nabi Mohamed CSW.
((اتق الله حيثما كنت, واتبع السيئة الحسنة تمحها,وخالق الناس بخلق حسن))
1- Qodobka koowaad Xiriirka aad la leedahay Allah.
Waa inaad rumeysaa lixda tiir iimaanka Allah ee xadiiskii Jabriil caleyhi Salaam
(( ان تؤمن بالله , وملائكته ,وكتبه,ورسله,واليوم الاخر , وتؤمن بالقدر خيره وشره...))
Waa inaad sidoo kale rumeysid Shanta tiir ee Islaamka ee xadiiska Jabriil sidoo kale ku soo arooray, kaasoo macnihiisu yahay inaad rumeysid ilaahay iyo Nabiga SCW, waa inaad tukatid, waa inaad sakeysid, waa inaad soomtid, waa inaad xajiso hadii aad awooddo.
Sidoo kale waa inaad ixsaan sameysid.
Ahmiyadda tiirarkan ay leeyihiin waxaa daliil noogu filan fadligooda inuu nabiga CSW, yiri inahaan waa "Diinka"
فقال عليه الصلاة والسلام في حديث جبريل :((فانه جبريل أتاكم يعلمكم أمر دينكم))
2- Qodobka labaad xiriirka Naftaada aad la leedahay
Qofka Muslimka ah waa inuu naftiisa siiyo xuquuqdeeda oo dhameystiran iyadoo laga eegayo xuquuqda macnawiga ah sida allah ka cabsida, iimaanka iyo xuquuqda maadiga ah sida inaad shaqeysato iyo inaad muujiso shicaarka islaamka.
Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu leeyahay
قال تعالى:}ونفس وما سواها, فالهمها فجورها وتقواها,قد افلح من زكاها ,وقد خاب من دساها
{...وجاء في الحديث الشريف :...ولنفسك عليك حق
Sidoo kale nabigu wuxuu amray in cid kastaba xaqeeda la siiyo wuxuuna yiri
, وقد جاء في الحديث الشريف:(( فأعط كل ذي حق حقه))
Sidoo kale waxay naftu kugu leedahay cunno, cabitaan, hurdo, dawo iyo inaad ka badbaadiso cadaabka allah adduun iyo aakhiro, waxaana waajib ku ah qof walba inuu adeeco allah iyo rasuulka, isla markaana uu ka fogaado dulmiga nuuc uu ahaadaba.
Nabi Mohammed CSW, inuu ilaalin jiray xuquuqda nafta waxaa daliil noogu filan xadiiskan qiimaha
badan.
, ففي الحديث الشريف:((جاء ثلاثة رهط الى بيوت ازواج النبي عليه الصلاة والسلام يسالون عن عباده النبي الكريم فلما اخبروا ,كانهم تقالوها وقالوا :اين نحن من النبي عليه الصلاة والسلام , قد غفر له ماتقدم من ذنبه وما تاخر. قال احدهم : اما انا,فاصلي الليل ابداً , وقال الاخر : وانا اصوم الدهر ولا افطر , وقال الاخر :وانا اعتزل النساء فلا اتزوج ابداً.
فجاء رسول الله فقال:((انتم الذين قلتم كذا وكذا؟ أما والله اني لاخشاكم لله واتقاكم له , لكني اصوم وافطر ,واصلي وارقد واتزوج النساء, من رغب عن سنتي فليس مني))
3-Qodobka Seddexaad Xiriirka aad la leedahay dadka kale
Marka laga soo tago naftaada ee dadka kale la yiraahdo waxaa muhiimadda koowaad iska leh waalidka, qaraabada, qoyskaada iyo carruurtaada.
قال تعالى:}وبالوالدين احسانا{ وقوله تعالى}:وأولو الارحام بعضهم اولى ببعض في كتاب الله{
Waxaa kaloo muhiim ah dariska in la ixtiraamo, la kaalmeeyo dadka liitta, agoonta iyo masaakiinta.
قال تعالى}:وبالوالدين احسانا ,وبذي القربى واليتامى والمساكين والجار ذي القربى ,والجار الجنب والصاحب بالجنب وابن السبيل وما ملكت ايمانكم ,ان الله لايحب من كان مختالا فخورا{
Marka intaasi laga soo tago qof walboo diinta Islaamka si' dhab ah u rumeysan waxaa waajib ku ah inuu kaalmeeyo, u dhimriyo isla markaana uu jeclaado walaalka kale ee Muslimka ah.
قال تعالى:}وتعاونوا على البر والتقوى ,ولاتعاونوا على الاثم والعدوان{
Qof walbo waxaa xil diimeed uu ka saaran yahay qof kastoo caalamkan ku nool, waxaana waajib ku ah umadda Nabi Mohamed CSW, inay wanaagga is-faran xumahana iska reebaan.
4- الدعوة الى البذل والنصيحه والامر بالمعلروف والنهي عن المنكر:
قال تعالى :}ولتكن منكم امة يدعون الى الخير ويامرون بالمعروف وينهون عن المنكر , واولئك هم المفلحون{
Waxaa muhiim in muslimiintu iskaalmeestaan, tashadaan oo aanay kala tagin.
قال تعالى:}وامرهم شورى بينهم {
Qof kastoo islaamka rumeysan waa inuu dabeecad wanaagsan kula dhaqmaa dadka kale.
قال تعالى :}فبما رحمة من الله لنت لهم , ولو كنت فظا غليظ القلب لانفضوا من حولك...{
Muslimiintu waa inay isku cadaalad sameeyaan oo dhamaan dadka la wada simo.
قال تعالى:} ان الله يامر بالعدل والاحسان وايتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغي...
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Qore: Abdishakur Hussein Shakra
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
Qore: Abdishakur Hussein Shakra
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka FAAFI.BLOGSPOT.COM
0 comments:
Post a Comment