Ummu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin
waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba
qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad
u deeqsi
badan.
Ummu Salama ninkeeda waxaa la oran jiray Cabdillaahi Binu
Cabdil-Asadi oo ka mid ahaa tobankii nin ee goor hore qaatay diinta Islaamka,
oo waxaaba isaga hortiisa islaamay oo keliya Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale
aan saa u badnayn. Ummu Salama, waxay la islaamtay ninkeeda Cadullaahi Binu
Cadil-Asadi, waxayna ahayd sida ninkeeda oo kale oo wakhti hore ayeey iyadana
islaamtay.
Islaamidda ay soo islaameen Ummu Salama iyo ninkeeda
Cabdullahi ayaa gaaray gaaladii Qureysh., sidii marka horeba laga filayay Qureysh
waxay bilaabeen inay jir dil daran ku sameeyaan Ummu Salama iyo ninkeeda, hase
ahaatee ma aynan tabar daraynin oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi. Balse,
waxay ka sii siyaadsadeen ku kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan Eebe (sw).
Dhibaatadii Qureysh ay ku hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay badatay, ayaa
Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday Asxaabta inay u haajiraan oo u cararaan dhulka
Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeeda waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee
u haajira dhulka Xabashida.
Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u kicitimeen dhulkii
qurbaha. Ummu Salama, waxay magaalada Makka kaga carartay gurigeedii dabaqa
ahaa, maalkeedii iyo wixii ay hanti ay lahayd oo dhan, iyadoo sidaa u
sameynaysa inay ku dhaafsato jidka Alle, iyo inuu Illaah abaal ahaan u siiyo
Jannadiisa maalinta aakhiro.
Ummu Salama iyo ninkeedii waxay yimaadeen dhulka Xabasha,
iyagoo magangalyo ka helay boqorkii Najaashi Allaha ka raalli noqdee. In kastoo
Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka magangeliyay cabsidii ay ka soo carareen, haddana
waxay aad xiiso weyn ugu qabeen ku noqoshada magaalada Makka oo ahayd meeshii
uu waxyiga ku soo degayay, sidoo kale waa meeshii Rasuulka (scw) saldhiga u
ahayd.
Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa,
ayaa waxaa soo gaaray war sheegayay in tirada Muslimiinta joogta Makka ay aad u
bateen, sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo
iyagu ahaa kuwo ay qureysh ka haybaysato. Qaar ka mid ahaa muslimiintii ayaa
go’aan ku gaaray inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba xiiso
weyn ugu qabay magaalada Makka.
Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid
ahaayeen dadkii ku soo laabtay magaalada Makka. Muslimiintii markii ay
yimaadeen Makka, ayaa waxay ogaadeen in warkii loo sheegay uusan ahayn sidii
loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay dhibaato ka weyn tii hore ay kala
kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta
muslimiinta, waxay u geysteen dhibaato ayan hore ugu geysan. Rasuulka (scw)
markuu arkay xaaladdaas qadhaadh ee qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray inay
mar kale u haajiraan, iyagoo u hijroonaya magaalada Maddiina.
Ummu Salama mar kale waxay go’aansatay inay ka mid noqoto
dadka u hijroonaya Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo inay ka
badbaadaan dhibaatooyinka qureysh. Hijradan danbe ma ahayn mid sahlan, sida
hijradii hore ee ay ugu haajirtay dhulka Xabashida, waayoo waxay ahayd mid aad
u dhib badan oo aan saUmmu Salama waxay tiri, markuu ninkayga Abuu Salama
go’aan ku gaaray in aan u safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu
iidiyaariyay awr, dabadeedna wuxuu i saaray awrtii. Wiilkeenii Salama oo nala
socdayna wuxuu fariisiyay dhabtayda. Intaa ka dib, Abuu Salama wuxuu nagu
kaxeeyay awrtii, isagoo aan istaagaynin meelna. Ummu Salama waxay tiri, ka hor
inta aanan ka bixin magaalada Makka ayaa waxaa na arkay rag ka mid ah
qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum), isla markiiba xaggeena ayeey soo aadeen,
iyagoo ku yiri ninkeyga Abuu Salama "Haddii aad adiga naga baxsatay,
sideey nooga baxsanaysaa gabadha kula socoto. Waa gabadheenna, sideen kuugu
ogolaanaynaa inaad la tagto oo la baxsato".
Intaa ka dib, raggii waxay ku soo boodeen Abuu Salama,
dabadeedna way iga soo jiiteen ninkeeyga Abuu Salama. Ummu Salama waxay tiri,
markii nimankii ay iga soo wateen ninkayga anniga iyo wiilkayga Salama ayaa
waxaa na arkay niman reer Banuu Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin ninkeeyga. Aad
ayeey uga caroodeen wixii nalagu sameeyay, oo waxay nimankii ku yiraahdeen
raggii kale ee reer Banuu Makhzuum "Wallaahi qaadan maysaan wiilka, waayoo
waa wiilkannaga, innagaana xaq u leh inaan qaadanno" Sidaa dabadeed waxay
labadii kooxood bilaabeen inay jiitaan wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu
Salama ilaa ay qaataan reer Banii Cabdil-Asadi. Waxay tiri Ummu Salama, wakhti
gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga iyo wiilkayga Salama.
Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo magaalada Madiina, isagoo diintiisa la
cararaya, wiilkaygii waxaa iga boobay oo iga qaatay reer Banii Cabdul-Asadi
isagoo jajaban sidii ay u kala jii-jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa i
kaxeestay reerkayga reer Banuu Makhzuum.
Ummu Salama waa keligeed oo waxay la nooshahay reerkeeda
reer Banuu Makhzuum, Wilkeeda waxaa qaatay reer Banuu Cabdil-asadi. Ninkeeda
wuxuu u caray magalaada Madiina. Qoyskii wada socday waa la kala firdhiyay oo
la kala geeyay. Waa amakaag iyo yaab. Waxay tiri Ummu Salama iyadoo ka
waramaysa arrinkaa murugta lehi waxay tiri: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa
waxaan imi meeshii la iiga qaatay wiilkayga, iyo sidii murugada lahayd ee nala
kala geeyay anniga iyo ninkeeyga. Muddo hal sanno ku dhow ama wax ku dhow hal
sanno markeey ka soo wareegtay xaaladdaas ayaa waxaa maalintii danbe ii yimi
nin aan ilmo adeer nahay, waxaana uga waramay sheekadeeyda biloow iyo dhammaad.
Ninkii, ayaa naxariis gashay ka dib markuu maqlay qisadayda, dabdeedna wuxuu la
hadlay kuwii aan maxbuuska u ah, isagoo ku yiri "War maad iska sii daysaan
miskiintaan, waayo waxaad kala geyseen iyada iyo wiilkeeda iyo ninkeeda. Nasiib
wanaag, nimankii way sii daayeen Ummu Salama.
Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu Salama, hase ahaatee
su’aasha ay is weydiisay Ummu Salama ayaa ahaa sidii ay ku haleeli lahayd
ninkeeda Abuu Salama oo markaa joogay magaalada Madiina. Dhinaca kale, taas
waxaa ka sii darnayd iyadoo aan ka tagi karin wiilkeeda Salama oo ay heestaan
Reer Banii Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu Salama. Qaar ka mid ah dadkii ka war
hayey dhibaatada iyo murugada Ummu Salama haysata ayaa ka naxay xaaladdeeda, ka
dibna waxay la hadlayn reer Banuu Cabdil-Asadi si ay ugu soo celiyaan wiilkeeda
Salama oo ay markaa haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay tiri Ummu Salama, maa
aanan siiba sugin inaan magaalada sii joogo ka dib markii wiilkayga Salama la
ii soo celiyay.
Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeed u safreen magaalada
Madiina, iyadoo mareysa meel la yiraahdo "Tanciim" ayaa waxaa la
kulmay nin la yiraahdo Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu Ummu Salama weydiiyay
halka ay u socoto, waxayna tiri magaalada Madiina. Wuxuu haddana weydiiyay
cidda ay la socoto. Ummu Salama waxay ku jawaabtay wallaahi waxaan ahay anniga
iyo wiilkayga Salama oo keliya. Haddaba, Cusmaan ayaa yiri wallaahi kaa tegi
maayo ilaa aan ku geeyo magaalada Madiina, sidaasna ayuu sameeyay. Ummu Salama
iyo wiilkeedii Salam waxay yimaadeen magaalada Madiina, halkaas oo ay la
kulmeen Abuu Salama oo ayan is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayeey ugu
faraxday la kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar maba la joogin ilaa ay ka
billowdaan dagaaladii Badar iyo Uxud.
Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam wuxuu ka qayb galay labadaas
duulimaad, nasiib darrose wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii danbe ee Uxud, ka dib
markii uu wacdaro daran halkaa ku soo bandhigay. Wixii intaa ka danbeeyay Abuu
Salama wuxuu saarnaa sariirta halkaas oo lagu daaweenayay. Maalin maalmaha ka
mid ah ayaa waxaa Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw), markii uu Rasuulka
(scw) ka tagayna maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu geeriyooday. Ummu Salama
waxay Illaah ka bariday in uu Illaah u sahlo nin ka kheyr badan Abuu Salama,
laakiin waxay gadaal danbe is weydiisay su’aasha ah, yaa noqon kara ninka ka
kheyr badan Abuu Salama. Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo waxay
heshay Ummu Salama nin ka kheyr badan Abuu Salama waana Rasuulka (scw). Waxaa
Ummu Salama maalintaa wixii ka danbeeyay guursaday Rasuulka (scw). Sidaasna
ayeey waxay ku noqotay mid ka mid ah hooyooyinka Muslimiinta, waayoo xaasaka
Rasuulka waa hooyooyinka muslimiinta.
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Daabacaad: Isniin May 1, 2000
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka FAAFI.BLOGSPOT.COM
0 comments:
Post a Comment