"SACIID BINU CAAMIR WAA NIN AAKHIRADA KA DOORTAY
ADDUUNYADA, WUXUUNA ALLE IYO RASUULKIISA KA DOORTAY WIXII IYAGA KA SOO
HARAY"
SACIID OO AAN
ISLAAMIN:
Wiilkii dhalinyarada ahaa ee la oran jiray Saciid Binu
Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa kumanaankii kun ee yimid degmada Tanciim ee
ku taallay agagaarka magaalada Makka, si ay u ajiibaan yeeristii ay u yeereen
madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan toogashadii ama dilkii saxaabiga
la yiraahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad
(scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay ku guuleysteen inay soo
qabtaan/qafaashaan Khubeyb.
Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka raalli noqdee waxay u
suurto galisay dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay qafaasheen gaaladii
Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo lugaha ka xir-xiran, iyadoo
weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u fafakanayaan oo u baxsanayaan
si ay uga aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga laayey dagaalkii Badr.
Dadkii faraha badnaa markii ay isugu yimaadeen goobtii lagu
tooganayay Khubeyb Binu Caddiyyi ayaa Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi u
diyaargaroobay sidii uu arki lahaa Khubeyb, markaas iyada ahna Khubeyb loo wado
tiirka toogashada. Saciid wuxuu Khubeyb ka maqlay hadal uu si hoos ahaan ugu
yiri gaaladii tooganaysay, hadalkaasina wuxuu ahaa: "haddaad doontaan ii
oggolaada si aan u tukado labo rakcadood kahor intaydan i dilin". Waa loo
ogolaaday.
Saciid ayaa wuxuu eegay salaaddii Khubeyb, isagoo u jeestay
kacbada si uu u tukado labo rakcadood. Saciid oo aad u jeclaystay salaadihii
Khubeyb ayaa wuxuu yiri: "alla yaa ka qurux badnaa, alla yaa ka
dhammeystir badnaa labadaasi rakcadood" Khubeyb Binu Caddiyyi kolkuu
salaaddii dhammeeyay ayaa wuxuu gaaladii ku yiri: "wallaahi haddaanan ka
cabsanaynin inaad u qaadataan inaan salaadda u dheereeyay cabsida aan ka
cabsanayo geeri awgeed, waxaan dheereen lahaa salaadda".
Saciid Binu Caamir wuxuu joogay dilkii Khubeyb iyo sidii
sida aan naxariista laheyn jirkiisa loo googooyay, markaasna gaalada ay Khubeyb
ku leeyihiin: "ma jeceshahay in silican oo kale lagu sameeyo Muxammad,
adigana markaas aad nabad gesho", uuna lahaa Khubeyb isagoo dhiig baxaya
hadalkan: "wallaahi ma jecli inaan noqdo qof nabad qaba, Nebi Muxammadna
ay muddo qodax". Dadkii yimid goobtii toogashada ee gaalada ahaa ayaa si
kor ahaan u dhawaaqayay, iyagoo lahaa: "dila.., dila.."
Saciid Binu Cumar wuxuu si naxariis ay ku jirto u eegey
Khubeyb oo markaas indhihiisa kor ugu qaadaya xagga cirka, isagoo habaaraya
gaaladii sidan u silcisay, wuxuuna lahaa: "Ilaahoow dhammaantood ciribtir,
mid-midna u laay oo cid iyaga ka mid ahi ha ka tegin". Wax yar dabadeedna
wuu naf baxay oo wuu dhintay, iyadoo uusan qof tirin kara dhaawacyadii soo
gaarey Khubeyb uusan jirin.
SACIID OO SAAMEYSAY
DILKII KHUBEYB:
Gaaladii Qureysh waxay u soo laabteen guryahoodii, wayna
iska iloobeen dilkii iyo toogashadii soo gaarey Khubeyb. Hase ahaatee Saciid
Binu Caamir dhalinyarana ahaa (xilligaas aan qaangaarin) marnaba xiskiisa kama
maqnaanin wixii Khubeyb soo gaaray maalintaas. Wuxuu ku arki jiray hurddada
(riyada) hadduu seexdo, dhinaca kalena wuu ka fekeri jiray hadduu soo jeedo.
Waxaa hortiisa iman jiray isagoo Khubeyb tukanaya tiirka hortiisa labadii
rakcadood ee xasilloonida iyo degganaanshaha wadatey, wuxuuna maqlayay
hadalkiisii dabancsanaa ee uu ku habaarayay gaaladii Qureysh. Saciid wuxuu
markasta ka cabsan jiray in kuwii laayey Khubeyb ay xagga cirka kaga timaaddo
ciqaab weyn, amaba lagaga soo rido xagga cirka dhagax weyn. Xilligaas iyada
ahayd Saciid ma uusan islaamin.
Allaha u naxariistee Khubeyb wuxuu Saciid baray wax uusan
aqoonin hadda ka hor. Wuxuu baray in nolosha dhabta ahi ay tahay caqiido iyo
jihaad lagu gaaro waddada caqiidada ilaa ay geerida ka timaaddo. Sidoo kale
wuxuu Khubeyb baray Saciid in iimaanka xeesha dheer uu sameeyo falal iyo
mucjisooyin la yaab leh. Wuxuu baray arrin kale, oo ah in Nebiga (scw) ay jecel
yihiin asxaabtiisa uu yahay Nebi laga taageersan yahay xagga samada.
ISLAAMIDDII SACIID
BINU CAAMIR AL-JUMAXI:
Markey arrintu halkaas mareyso wuxuu Ilaah (sw) u waasiciyay
laabta Saciid Islaamka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wuxuu Saciid ka dhex
istaagey dad aad u fara badan dhexdooda, isagoo dadkii ogeysiiyay inuu barri ka
yahay denbiyadii ay sameeyeen gaaladii qureysh, dhinaca kalena uu ka baxay
cibaadadii asnaamta iyo in uu soo galay diinta Islaamka. Saciid Binu Caamir
wuxuu u haajiray magaalada Madiina, isagoo wixii intaa ka danbeeyay laasimay la
joogista Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Rasuulka (scw) la socda ka qayb galay
duulimaadkii Kheybar iyo wixii ka danbeeyay.
Markii Nebiga (scw) la oofsaday oo uu dhintay, Saciid Binu
Caamir waxa uu noqday sida seef galka ka baxday oo ay adeegsadaan labada
khulafo ee Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid wuxuu noqday tusaale laga shidaal
qaato, sida isagoo looga tusaale qaato mu’minkii adduunyadiisa aakhiro ku
iibsaday, wuxuuna raalli ahaanshaha iyo abaal-marka Eebbe (sw) ka doortay
dhammaan wixii ay naftu jeclayd oo shahawaad ah.
ASXAABTA SI GOONNI AH
AYEEY U QADDARIN JIREEN SACIID:
Dhammaan asxaabta Nebiga (scw) waxay ogaayeen cabsida iyo
iimaanka xeesha dheer ee Saciid, sidaa darteed si aad ah ayeey u qaddarin
jireen markasta Saciid. Tusaale haddaan u soo qaadanno, Abuubakar iyo Cumar
labadooduba Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay ogaayeen inuu Saciid ku sifoobay
astaamaha runta iyo cabsida Alle, markastana waxay maqli jireen nasteexada iyo
waanada uu u soo jeediyo iyaga.
Maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxaa Cumar Binu Khaddaab u
soo galay Saciid Binu Caamir, waxayna ahayd xilligii billowga khilaafada Cumar.
Saciid wuxuu Cumar ku yiri: "Cumaroow waxaan kuu dardaarmayaa inaad Alle
uga cabsatid dadka, dadkana aadan Alle uga cabsan, inuusan is-khilaafin
ficilkaaga iyo hadalkaaga, hadalka waxaa ugu kheyr badan kan ficilka rumeeyo..
Cumaroow indhaha ku hay muslimiinta uu Alle madaxda kaaga dhigay, kooda dhow
iyo kooda fogba, waxaad iyaga la jeclaataa waxaad naftaada iyo reerkaaga la
jeceshahay, waxaad iyaga la necbaataa waxa aad naftaada iyo reerkaaga la
necebtahay, xaqa gaarsiintiisa waxaad u jirsataa buur kasta, Ilaahna cidna ha
uga cabsan".
Cumar baa wuxuu Saciid ku yiri: "Saciidoow yaa awoodi
kara". Saciid ayaa wuxuu yiri: "waxaa awoodi kara nin adigoo kale ah
oo uu Alle u dhiibay umuurta ummadda Nebi Muxammad (scw). Intaas ka dib, wuxuu
Cumar Binu Khaddaab ugu yeeray Saciid inuu maamulkiisa wax uga dhiibo, wuxuuna
yiri: "Saciidoow waxaan kuu dhiibaynaa maamulka gobolka Ximsa".
Saciid ayaa u celiyay: "Ilaah baan kugu dhaariyaye inaadan i
fidnayn". Cumar ayaa carooday, wuxuuna yiri: "intaad mas’uuliyaddan
qoorteeda saarteen ayaa ka dib iigaga cararaysaan!!, wallaahi ku dhaafi
maayo".
SACIID OO KA MID
NOQDAY GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA DOWLADDA CUMAR:
Wixii intaa ka danbeeyay Saciid Binu Caamir waxaa madax
looga dhigay magaalada Ximsa. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: "miyaanan
musha-haro kuu qoraynin". Saciid ayaa ugu jawaabay: "maxaan ku
sameenayaa amiirkii mu’miniintoow, maxaa yeelay waxaa iga badan lacagta aan ka
qaato baytul-maalka". Sidiina ayuu Saciid ugu safray magaalada Ximsa.
WAANA AMIIR, WAANA
FAQIIR!:
Muddo yar markay ka soo wareegatay muddadii uu Saciid xilka
qabtay, ayaa waxaa amiirkii mu’miniintii ee Cumar Binu Khaddaab uga soo
wafdiyay magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo ka mid ah kuwo uu Cumar ku kalsoonaa.
Cumar Binu Khaddaab wuxuu wafdigiii ka codsaday inay u soo gudbiyaan liiska
fuqurada ee deggan magaalada Ximsa.
Wafdigii waxay Cumar u gudbiyeen liiskii ay ku qornaayeen
fuqurada/masaakiinta reer Ximsa. Dadkii masaakiinta ahaa waxaaba ku jira Saciid
Binu Caamir Al-Jumaxi oo ah duqa magaalada Ximsa.
Cumar ayaa wafdigii weydiiyay cidda uu yahay Saciid Binu
Caamir, waxayna ugu jawaabeen: "waa amiirkeena!". Cumar ayaa markale
wuxuu weydiiyay su’aashan: "amiirkiinu ma faqiir baa?!". Waxay ku
jawaabeen: "haa", waxayna intaa raaciyeen in ay soo marto maalmo fara
badan, iyadoo aan gurigiisa dab laga shidin!. Cumar ayaa aad uga fajacay
arrintaasi, wuuna ooyay jeer ay ilmadii ka da’aysay ay ka qoysay garkiisa.
Cumar wuxuu wafdigii u dhiibay lacag gaaraysa 1000 diinaar, wuxuuna lacagtii ku
riday kiish, isagoo wafdigii ku yiri: "marka hore igu salaama Saciid,
waxaadna ku tiraahdaan amiirkii mu’miniintii ayaa lacagtan kuu soo dhiibay si
aad ugu kaalmeysato danahaaga khaaska ah".
REERO ADDUUNYO MA
AHAYN:
Wafdigii waxay yimaadeen magaaladii Ximsa, waxayna u tageen
Saciid, iyagoo ku wareejiyeen kiishkii ay ku jirtay lacagta. Saciid markuu
arkay lacagtii wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo, isagoo oranayay: "Innaa
Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, sida inay musiibo ku dhacday oo kale.
Afadii Saciid ayaa soo boodday kolkay maqashay Saciid,
waxayna ku tiri: "maxaa kugu dhacay Saciid?!, ma amiirkii mu’miniintii
ayaa dhintay?!". Saciid ayaa ugu jawaabay: "maya ee waxaa dhacay wax
taa ka weyn". Waxay tiri: "ma muslimiintii ayaa dhibaato ku
dhacday?!. Wuxuu yiri: "maya ee wax ka weyn taas ayaa dhacday". Waxay
tiri: "maxaa taas ka weyn?!". Saciid ayaa yiri: "adduunyadii
ayaa ii soo gashay, si ay u fasahaadiso aakhiradeyda, fidnadiina waxay degtay
gurigayaga". Xaaskii Saciid iyadoo aanan fahmin hadalka Saciid ayaa waxay
iska tiri: "isaga takhallus haddaba". Saciid ayaa weydiiyay afadiisa
su’aashan: "arrintan ma igu kaalmaynaysaa?", waxayna ku jawaabtay:
"haa".
Saciid wuxuu qaaday lacagtii oo dhan (kunkii diinaar ee uu
Cumar u soo diray), dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta muslimiinta. Run
ahaantiina lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa isaga, maxaa yeelay ma haysan
wakhtigaas arad iyo cunto ku filan, hase ahaatee wuxuu naftiisa ka doorbiday
inuu daboolo baahida fuqurada muslimiinta iyo inuu iyaga la jeclaado waxa uu
naftiisa la jecelyahay, si uu ugu sifoobo aayaddii qur’aanka ahayd ee ka
hadlaysay arrintan.
MID KA MID AH
TUSAALOOYINKA CADDAALADDA CUMAR:
Wakhti badan kama soo wareegan, jeer uu Cumar Binu Khaddaab
ku yimaado kormeer magaalada Ximsa, isagoo doonaya inuu wax ka ogaado xaaladda
ay ku sugan yihiin reer Ximsa. (Arrintan waxay tusaale cad ka bixinaysaa
caddaaladda Cumar iyo sidii uusan u kala saari jirin madaxda iyo shacabka,
waxaana xaqiiqo ah in tusaalahani dunida maanta aan lagu arag, laga soo bilaabo
madaxda iyo dowladaha dunida Islaamka, ku xiji kuwa iyaga sheegta caddaaladda
iyo sinnaanta waa reer galbeedka’e.).
Markii uu yimid magaalada Ximsa oo markii hore la oran
jiray: "Al-Kuweyfa" ayaa sidii caadada u ahaydba wuxuu salaamay reer
Ximsa, isagoo su’aallo ka weydiiyay umuurta amiirkooda Saciid Binu Caamir oo
ahaa amiirka magaalada.
AFAR QODOB OO LAGU
SOO EEDEEYAY SACIID:
Dadkii waxay amiirkooda ku soo eedeeyeen afar qodob oo ka
mid ah falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba midda kale ka daran tahay. Cumar
wuxuu isugu yeeray dadkii iyo amiirkooda, wuxuuna Alle ka baryay inuusan hoojin
malihii wanaagsanaa ee uu u hayey Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn ayuu
ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan
amiirkooda, waxayna ku jawaabeen sidatan:
"Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in badan ka
tagto". Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: "maxaad ka leedahay
arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu aamusnaa, markaasuu wuxuu yiri: "ma aanan
jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama huraan. Anniga
ma lihi adeege ama khaadim, sidaa darteed subax kasta waxaan qasaa cajiinta,
muddo yar ayaan u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu khamiiro ayaan dubaa,
dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u soo baxaa".
Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale oo ay ku eedeenayaan
Saciid. Waxay yiraahdeen: "habeenkii cidna uma jawaabo". Cumar ayaa
Saciid ku yiri: "maxaad ka leedahay hadalkaas?". Saciid wuxuu yiri,
tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin habeenkii
ayaa ah, iyadoo aan maalintii siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan Ilaahay
siiyay.
Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay: "maxaad kalood ka
sheeganaysaan". Waxay yiraahdeen: "bishii maalin ayuusan noo soo
bixin". Cumar ayaa Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid ugu jawaabay:
"ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka leeyahay lebiska
aan qabo, sidaa darteed bishiiba hal jeer ayaan dhaqaa, waana sugaa ilaa inta
uu ka qalalo, markaas ka dibna ayaan u soo baxaa".
Cumar ayaa dadkii ku yiri: "maxaad kalood ka
sheeganaysaan?". Waxay yiraahdeen: "mararka qaarkood ayuu miyir
beelaa". Saciid ayaa wuxuu yiri: "waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb
Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa
jirkii Khubeyb, waxayna ku oranayeen markaas: "ma jeceshahay inaad nabad
gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo booskaaga", wuxuuna ku
jawaabayay:"wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo,
Nebi Muxammad-na ay muddo qodax", anniguna markaan taas xasuusto dhacdadii
maalintaas iyo sidii aanan ugu gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa inuusan Alle
(sw) ii denbi dhaafaynin, markaasna ayaan miyir beelaa".
Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh ayuu ugu farxay
natiijadii dacwada, wuxuuna yiri: "waxaa mahad iska leh Allihii aanan
hoojin malahayga", ka dibna wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000 diinar
si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto.
Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii, ayaa waxay tiri:
"waxaa mahad iska leh Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee waxaad noo soo
iibisaa wixii aan u baahnayn, noona soo ijaar adeege noo shaqeeya". Saciid
wuxuu afadiisii ku yiri: "ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr badan".
Waxay tiri: "waa maxay". Wuxuu yiri: "waxaan u dhiibanaynaa cid
aan ka soo ceshan doonno goor aan aad ugu baahannahay". Waxay tiri:
"waa kuma kaas". Saciid wuxuu yiri: "waxaan amaahinaynaa Alle
amaah wanaagsan". Waxay tiri: "waa runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga abaaliyo".
Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba dhaqaaqin, jeer uu
lacagtii oo dhan ku guray kiishash ama qariirado, wuxuuna ku yiri mid ka mid ah
ehelkiisa isagoo lacagtii u qaybinayya masaakiinta: "lacagtan waxaad u
geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u geysaa islaantii garoobta
ahayd.., lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii ina hebel ahaa...
Ilaah ha ka raalli noqdee Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu
ka mid ahaa dadka naftooda ka doorbida walaalahooda kale, haba ugu baahi
badnaato naftiisa sheygaas. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Saciid
Binu Caamir, innagana ina siiyo tusaalihiisii deeqsinimo, cabsi iyo
caddaaladeedba. aamiin.
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Daabacaad: September 20, 2000
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment