Waxaa u bannaan oo loo rukhseeyey qofka musaafirka ah inuu
iska afuro haddii bil Ramadaan lagu jiro, waxaana rukhsaddaas la siiyey qof
kasta oo musaafir ah, waxaana aan kala duwanayn qofka soonka ku rafaadaya oo
aad ugu dhibtoonaya, sida dadka lugta ku safraya, gaar ahaan dhulka kulaylaha
ah, iyo qofka aan rafaadkaas marayn, sida dadka diyaaradaha, maraakiibta,
baabuurta, tareennada ku safraya qaarkood.
Xigmad wayn ayaana ku jirta rukhsaddaa iyaga oo dhan la wada
siiyey, sababtoo ah safarku sidiisaba waa mid rafaad iyo dhib aan ka marnayn,
haba lagu kala badnaadee, oo waxaa laga yaabaa in qofku meel uusan aqoon u
safro, dabadeedna uu lumo, ama meel uu wax ka gato uu waayo, amaba inuusan
af-garanayn dadka ku nool meesha uu u safray, wuxuuna Rasuulku SCW ku tilmaamay
safarka inuu yahay qayb ama jab cadaabta ka mid ah, wuxuuna Abuu Hurayra
(a.k.n) ka soo wariyey Rasuulka SCW inuu yiri “Safarku waa cad ama qayb
cadaabta ka mid ah, wuxuuna qofka u diidaa hurdadiisa, cuntadiisa iyo
cabitaankiisa, ee qofku marka uu dantiisa dhamaysto ha u deg-dego reerkiisii
iyo ciddiisii.” Waxaa wariyey Sh. Bukhaari.
QOFKII MAR WALBA AMA BADANAABA SAFAR KU JIRAA MA AFURI
KARAA?
Haa, waa afuri karaa, sababtoo ah afuridda looma bannayn
qofkii mar kaliya safraya oo kaliya, ee waxaa loo banneeyey qof kasta oo safar
ku jira, haba noqdo mid badanaaba safar ku jira, sida dadka diyaaradaha,
tareennada, tareellada iwm wada, oo marna waddada ku sii jira, marna ku soo
jira.
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment