Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray wuxuu guursaday Khadiija
bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh oo ka
sheegganayd haweenkii qureysheed, waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka
hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo
maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka
siin jirtey faa'iidada.
Waxay maqashay Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa
wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray
loona bixiyey Maxammed Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo
badhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu ka yeelay
oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo
Maysara.
Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam
halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaasna
wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa. Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga SCW
Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay
ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.
Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu
Nebiga SCW ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga SCW
arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is
guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen
weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW loogu
meheriyey Khadiijo.
Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano dhaafay,
waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay
dhashay Maariyatul Qibdhiya. Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil
oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey Dhayib
iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo,
Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase
yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada
islaameen.
Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa
guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo
Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad
u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo
degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku
yiri: "u fura Maxammed labadiisa gabdhood" wayna fureen ka dibna
waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba
k dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga
scw ina adeerkiis.
Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen
Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa
Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay
Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw
carruurtiisu waxa ay dhasheen Naginimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim
maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo
in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay.
Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana
dhashay maariyatul qibdhiya saan soo tilmaanayba.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment