Qisooyinka Nabiyadda Casharka 1-aad: Nabi Aadam CS

Qisooyinka Ugu Wanaagsanaa
أحسن القصص  –  قصص الأنبياء

Qore: CabdiRisaaq Maxamed
Cilmi “ina Warfaa”
Ambiyada: Waa Qisooyinka
Ugu Wanaagsanaa
Decorative Lines

Kitaabka

Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo kitaabkan oo ma dhowrsana. La soo xiriirka qoraha ee ku saabsan kitaabka. Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka qoraha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa “e-mailkiisa” oo ah:  ina_warfaa@hotmail.com.


Mahadnaq

Waxaan ugu horrayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad iyo dhiiragalin waxaan idin leeyahay  جزاكم الله  خيرا .

Hordhaca qoraha

Waxaan ku bilaabayaa magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar. Waxaa mahad iska leh Eebbe, naxariis iyo nabadgalyadiisana korkooda ha ahaato nebi Maxamed, reerkiisa iyo intii raacdey dhamaantood. Kani waa sheekooyinkii ugu wanaagsanaa ulajeedadaydu waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, aniga oo ugu qoraayo afka soomaaliga sheekooyin islaami ah, dadka jecel rabana iney u sii gudbiyaan caruurtooda.
Waxaan ugu dambayntii Eebbe ka baryayaa in uu aniga “qoraaga” kitaabkan iyo intii i caawisayba uu miisaanka wanaagyadeena noogu daro maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.
Bismillah

Nebi Aadan

(nabadgelyo korkiisa ha ahaatee)
Wuxuu ahaa aabihii dadka oo dhan, Eebbaa dhoobo ka abuuray una tujisiiyay malaaigtiisa, waxaan ka ahayn Sheydaan, oo diidey inuu u tukado nebi Aadan. Eebbana wuxuu ku yiri Sheydaankii maxaadan u sameyn waxaan ku faray, Sheydaankii oo islaweyni iyo xasad ka buuxo ayaa ku jawaabey: Aniga ayaa ka wanaagsan nebi Aadan, oo waxaad iga abuurtey dab, isagana waxaad ka abuurtey dhoobo. Markaas baa Eebbe ku yiri Sheydaankii waxaa tahay mid laga fogeeyay naxariisteyda.
Sheydaankiina wuxuu Eebbe ka baryey inuu u kaadiyo inta laga gaarayo aakhiro, Eebbana wuu ka aqbalay. Kolkaas buu wuxuu doonay inuu aarguto, oo wuxuu yiri: Eebbow sharaftaadaan ku dhaartee dhamaantood “dadka” waan baadiyeen, waxaan ka ahayn adoomadaada daacadda kuu ah. Eebbana wuxuu ku yiri Sheydaankii: Waxaan ka buuxin naarta Jahanamo adiga iyo wixii ku raacay dhamaantood. Eebbana wuxuu baray nebi Aadan magacyada.
Wuxuuna u abuuray xaaskiisii Xaawo, dejiyeyna labadoodii janada, ugana digay ineysan u dhowaan geed ku yaalay jannada, hase ahaatee sheydaankii ayaa shaki ku abuurey oo wuxuu ku yiri: Ma idin tusaa geed haddaad cuntaan aydan weligiin dhimaneyn aadna heleysaan boqortooyo aan dhamaaneyn dabadeedna wey cuneen, ka dibna Eebbaa dhulka u soo dejiyey, waxayna weydiisteen dembidhaaf wuuna ka aqbalay.
Eebbana wuxuu awoodsiiyey iney ku noolaadaan dhulka. Farayna iney isaga keligiis caabudaan kuna booriyey dadka taasi, kana yeelay rasuulkii Eebbe ee loo soo direy ilmihiisii, wuxuuna ahaa nebigii ugu horeeyey.

la soco darsiga Nabiga Xiga Insha Allah...?
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: wajibad.wordpress.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA

Share on Google Plus

Qoraaga: Unknown

Magaceygu waa Abdishakur Hussein Mohamed loo yaqaan (Shakra), waxaan ku noolahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia, waxaan jecleystay inaan xirfadeyda wariyenimo ku kaabo faafinta Diinta Islaamka. Hadii aad tahay qof jecel diinteenna xaniifka ah ee Islaamka fadlan hadda is weydii maxaad u qabatay diinteenna oo loo daadiyay dhiiggii qaaliga ahaa ee Nabi Mohamed SCW, diinta aan u istaagay inaan ka shaqeeyo waxaa u dhintay boqollaal geesiyaal muslimiin ah AHUN. FG: Hadii aad kheyr qabe tahay ogow inuu jiro walaal kale oo madow kaga jiro Diinta Islaamka oo laga yaabo inuu saaladaha wahsado ama aanan soomin.
    Blogger Comment

0 comments:

Post a Comment

@Walaalaha Faafi Diinta Islaamka . Powered by Blogger.