Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii
rumeeeyey Rasuulka scw ee qaatey caqiidada islaamka ayaa marba marka ka
dambeysa aad u sii siyaadayeey ilaa la gaarsiiyey asxaabtii Rasuulka scw heer
aad u adag oo ay xammili kari waayeen iney ku noolaadaan magaaladii Makka oo ay
ku dhasheen tolkoodna degganaa, iyadoo waxa lagula dagaallamayaana ay ahayd
caqidadaas islaamka oo ay qaateen iyo iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex
jiray ee shirkiga iyo caadooyinka foosha xun ahaa Xaaladdu markay halkaa
marayso ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa sheegay muslimiintii in uu dhulka
Alle waasic yahay.
Rasuulku scw markuu arkay heerka adag ee asxaabtiisu marayso
iyo dhibaatooyinka daran ee soo gaaraya dadkii islaamka qaadanayey siiba
kuwoodii masaakiinta ahaa ayuu u sheegay iney u hijroodaan dhulka xabashida oo
uu ka talinayey boqor caaddil ah si fiicanna u heystey diintii Nabi ciise
magaciisana la oran jirey Najaashi. Sidaa darteed ayaa waxaa baxay bishii Rajab
ee sannadkii ee sannadkii shanaad kooxdii ugu horreysey oo u hijroota
xabashida. Kooxdaas oo ka koobnayd 12 rag ah iyo 4 dumar ah waxaa hoggaaminayey
Cismaan binu Caffaan oo ay la socotey xaaskiisii Ruqiya oo ahayd gabadhii
Rasuulka. Wuxuuna Rasuulku scw yiri isagoo ka hadlaya labadooda "waa ehelu-beytkii
u horreeyey ee u hijrooda jida Alle intii ka dambeysey Nabi Ibraahiim iyo Nabi
Luud". Waxay kooxdaasi ku baxday si qarsoodi ah iyagoo baxaya habeennimo
maxaa yeelay si caddaan ah uma bixi karin, gaaladii qureysheed markay ogaadeen
in kooxdaasi baxday waxay ka daba direen ciidan si loo soo qabto, maxaa yeelay
baadilku waqti kasta oo u joogo iyo meel kasta oo u joogo waa isku af, raallina
ugama ahan xaqa inuuu ku fulo gudaha dibeddaba.
Nasiib wanaag kooxdii muslimiinta ahayd waxay isla markiiba
tageen baddii Ilaahna wuxuu uga sahlay doonyo ijaar ah oo meesha marayey,
waxayna tageen dhulka Xabashida iyagoo Nabad qaba. Ciidankii gaaladu soo dirtey
waxay tageen baddii oo cidla ah dabadeedna waxay ku soo laabteen Makka,
xaaladdu markay halkaas marayso laba bilood ka dib, bishii Ramadaan ee isla
sannadkii shanaad ee soo diriddii Rasuulka scw, ayaa maalin Rasuulka scw uu ugu
yimid madaxdii qureysheed oo kacbada gabren, markaasuu sidii caadadiisa ahaan
jirteyba inuusan xaqa cidna uga cabsoon cid walbana gaarsiiyo diinta Alle ha
yeesho ama ha diiddee, ayuu odeyaashii ku dul akhriyey suuratu al-najmi oo ah
suurad aad cajiib u ah. Odeyaashii meesha joogay markay maqleen suuraddaas waa
is hanan kari waayeen markaasay si fiican u dhegaysteen uguna khushuuceen,
maxaa yeelay in badan fursad ma siin iney qur'aanka dhegaysteen oo waxay iska
ilaalin jireen iney maqlaan wayna ku buuqi jireen, laakiin maanta ilaahay ma
haleeshiin iney ku buuqaan. Rasuulku scw markuu dhammeeyey akhriskii suuraddaas
ayuu sujuuday sida mashruuca ah in la sujuudo marka suuraddaa la dhammeeyo.
Odeyaashii qureysh ee dhageysanayey iyagoon is ogeyn ayey
hal mar sujuud la wada daateen dhammaantood, markay sujuuddii ka soo kaceen
ayey is haaraameen waliba kuwii meesha ka maqnaa ayaa canaantay kuwii dhagaystey
oo sujuudey kuna yiri: "ma maantaad qur'aankiisii iyo ilaahiis u
sujuuddeen!?". Odeyaashii waxay isla markiiba degsadeen jawaab been ah si
ay isu difgaacaan waxayna yiraahdeen: "ilaahyadayaduu ammaanay oo markuu
marayey Laata, Cussa iyo Manaat ayuu yiri "kuwaasu waa asnaamtii
sarreysey, shafeecadoodana la rajaynayey", sidaa darteed ayaannu u
sujuudney". Waxaa kale oo culimada qaarkood yiraahdaan hadalka ay
sheegayaan shayaaddiintoodii ayaa dhegahooda ku akhrisey, markaasey sujuudeen.
Markii qisadaani dhacday ayaa kooxdii muslimiinta ahayd ee
dhulka Xabashida u hijrootey waxaa la gaarsiiyey warkii oo la bddelay oo waxaa
lagu yiri: "odeyaashii qureysheed waa islaameen" markaasay si
halhaleel ah uga soo laabteen dhulkii Xabashida maxaa yeelay awalba waxaa
geeyey dhul aysan garaneyn dadkiisa iyo dhaqankiisa carar ay diintooda la
cararayeen. Muddo markay soo socdeen oo ay soo gaareen duleedka Makka ayey
ogaadeen xaqiiqdii iyo in warkii sidii loogu sheegay uusan ahayn cadaadiskii
iyo dulmigii Makka yaalleyna uu sidii hore kaba daran yahay, markaasaa talo ku
caddaatey waxayna ka tashadeen waxay samayn lahaayeen. Ugu dambeyntii waxay u
kala qeybsameen saddex qeybood: Qeyb ku noqotay dhulkii Xabashida, qeyb
dhuumasho ku soo gashay Makka iyo qeyb magangelyo weyddiisatey qaar ka mid ah
odeyaashii qureysh. Qureysh markay arkeen in dadkii shalay fakaday ay soo
laabteen ayay kordhiyeen dhibkii iyo cadaadiski ay muslimiinta ku hayeen
waxayna soo saareen go'aanno cusub oo ah: in qabiil walba uu wiilkooda ama
gabadhooda ku filnaado oo ciqaabo cadaasna saaro.
Kooxdaan dhowr iyo tobanka ahayd ee xabasha u hjrootay waxaa
ka mid ahaa Abuu Bakar siddiiq hase yeeshee markay sii marayeen Barkul Qimaad
ayaa waxaa la kulmay nin la oran jiray ibnu Daqinna oo oday u ahaa reer Qaara
markaasuu Abuu Bakar ku yiri: "xaggee u socotaa, Abuu Bakar ayaa markaa ku
yiri: tolkay ayaa isoo bixiyey waxaana doonayaa in aan dhulka ku socdo oo (tago
meel aan) Rabbigay ku caabudo. Ibnu Daqinna ayaa hadlay oo yiri: "adigoo
kale ma baxo lamana bixiyo ee laabo oo baladkaaga Rabbigaa ku caabud anigaa ku
meggan geliyeye, markaasuu Abuu Bakar Ibnu Daqinna la soo noqday, Ibnu
Daqinnana ogeysiis ayuu bixiyey inuu Abuu Bakar meggan geliyey. Qureyshna wa ay
ka aqbashay (laakiin waxay Abuu Bakar u ogalaadeen) in uu gurigiisa dhexdiisa
ku caabudo Rabbigiisa oo uusan muujisan. Sidaas ayuu markaa Abuu Bakar ahaa
ilaa muddo wuxuuna sameyn jirey Qur'aanka ayuu kor u qaadi jirey isagoo
gurigiisa joooga markaasaa waxaa ku soo ururi jirey dumarka iyo carruurta gaalada
iyagoo eegaya oo la yaabban, wuuna ooyi jirey Abuu Bakar marka uu Qur'aanka
akhrinayo, arrinkaasi wuxuu dhibay Qureysh waxay markaa u tegeen Ibnu Daqinna
oo ka codsadeen inuu ka laabto (meggan gelyadii uu Abuu Bakar u fidiyey), Ibnu
Daqinna ayaa markaa Abuu Bakar u tegey oo kala doorransiiyey inuu (Abuu Bakar)
cibaadada siraysto ama kala noqdo meggan gelyadii, Abuu Bakar ayaa markaa u
celiyey meggan gelyadiisii kuna yri: "waa kuu celiyey meggan gelyadaadii,
waxaana ku raaali ahay meggan gelyada Alle.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment