Qiso ku cibra qaadasho mudan: Maskii qabriga ku sugay Wiilkii Allah Caasiyay



Assalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu, Walaalayaal waxaanu markale idiin soo gudbineynaa qisooyinkii aad uga barateen Bar-kulmiska Kheriga ah ee FAAFI DIINTA ISLAAMKA.

Qisadan waxay ka hadleysaa Wiil ku geeriyooday Khaatumo xumo aad u xanuun badan oo markii la aasayay dadkii janaazad asturayay ay la kulmeen arrin aad u arga-gax badan, ilaahay ha innaga badbaadiyee.

Raawiga Qisada ayaa ku billaabay:-

Waxaan ku jirnay safar diimeed aan ku tagnay Wadanka Urdun waxaa nala socday Sheekh Kuwait ka soo jeeda, kadib salaaddii baa waxaa masjidka soo galaay dad deg degsan oo aad isku hareer ordaaya, waxayna dhahayaan “Aaway Sheekhi”

Waxay u yimaadeen Sheekha, waxayna yiraahdeen “Shiikhoow waxaa jira nin dhallinyaro ah oo geeriyooday saakay, wuxuuna ku dhintay shil gaadiid, markii aan doonay inaan aasno, waxaa godkii soo dhex fariisatay Abeyso weyn, waanan awoodi weynay inaan wiilka u galinno qabriga”.

Sheekha waa istaagay, wuxuuna tagay qabriga, markuu arkay xaalka wuxuu amray in la qodo god kale, markii aan dhameynay godkii kale, waxaaba ka soo jeeda isla maskii oo kale.

Sheekhii wuxuu yiri qabrigii hore soo eega, markay tageen godkii hore waxaa ka soo jeeda maskii, way argaagaxeen, wuxuuna Sheekhu yiri “Hadii aan god sedexaad qodna sidan bay uga soo baxeysaa, ee aan maska soo saarno”.

Markay maskii dibadda keeneen waxaa qabrigii la galiyay wiilkii meydka ahaa, waxaase naxdin la feygaagay dadkii goobta joogay kadib maskii oo boor isku qariyay oo xoog ku galay godkii, oo lugaha intuu ka soo billaabay  ilaa madaxa afka galiyay wiilkii la duugayay.

Raawiga qisadan baa sheegay inuu maqlayay markii uu masku ja-jabinayay lafaha wiilka…!! Waxaase cajiib ah wiilkan muxuu sameyn jiray oo sidan uu ku mutay.

Wiilkii aabihiis baa waxaa la weydiiyay “Wiilkaadu muxuu sameyn jiray”, wuxuu yiri “Wiilkeygu aad buu u wanaagsanaa, wuxuuna ahaa mid i adeeca, laakiin waligiis muusan Tukan…”

Maxaynu qisadan ka faa’iidney? 

Waxaa qisada laga fahmayaa in ilaahay qofkii ku caasiya ee aan caabudin uu ku fadeexeyn doono adduunka intaan aakhiro la gaarin, waa marka labaade in qofkii aan salaadda ilaahay tukan lagu sallidi doono Maskan oo kale ama wax ka sii weyn.


Waxaa muhiim ah in qofkii aqriya dhacdadan xanuunka badan uu maanta wixii ka dambeeyo go’aan gaaro uusan salaadda layicin, ilaahay aniga iyo adigaba hannagu gallado khaatumo wanaagsan.

FG: Walaalayaal aan ku cibra qaadanno qisadan oo noqonno kuwa qaata hadalka kiisa wanaagsan, kuna soo biira Faafinta Diinta Islaamka, FAAFI.BLOGSPOT.COM

Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay

Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM

Facebook.com/faafidiinta

@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA

Share on Google Plus

Qoraaga: Unknown

Magaceygu waa Abdishakur Hussein Mohamed loo yaqaan (Shakra), waxaan ku noolahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia, waxaan jecleystay inaan xirfadeyda wariyenimo ku kaabo faafinta Diinta Islaamka. Hadii aad tahay qof jecel diinteenna xaniifka ah ee Islaamka fadlan hadda is weydii maxaad u qabatay diinteenna oo loo daadiyay dhiiggii qaaliga ahaa ee Nabi Mohamed SCW, diinta aan u istaagay inaan ka shaqeeyo waxaa u dhintay boqollaal geesiyaal muslimiin ah AHUN. FG: Hadii aad kheyr qabe tahay ogow inuu jiro walaal kale oo madow kaga jiro Diinta Islaamka oo laga yaabo inuu saaladaha wahsado ama aanan soomin.
    Blogger Comment

0 comments:

Post a Comment

@Walaalaha Faafi Diinta Islaamka . Powered by Blogger.