Dhufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa qabiilka uu ka dhashay ee
Daws, wuxuuna ahaa nin carabta dhexdeeda ka leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl
wuxuu ahaa deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku quudin jiray
masaakiinta aan waxna haysan, sidoo kale wuxuu magangelin jiray dadkii kuwii
weydiista magangelyo.
Dhufayl wuxuu ahaa gabyaa dareen sare leh, isla markaasna
aad u yaqaana Suugaanta iyo Maansada Carabiga. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa
Dhufayl wuxuu ka carraabay magaaladii ay deganaayeen tolkiisa ee Tihaama,
isagoo u sii jeeda magaalada Makka, markaas iyada ahna waxaa magaallada Makka
socday loolan dagaal oo dhexmarayay Nebiga (scw) iyo gaallada Qureysh.
Qureysh waxay isku deyday sidii ay ku kasban lahayd Dhufayl.
Bal aan Dhufayl u deyno sheekada si uu noogu sii wado sheekada, bal saan u
ogaanno wixii uu kala kulmay Madaxdii Qureysh, Dhufayl wuxuu yiri "Waxaan
soo galay magaallada Makka, wax yar kaddib maba aan joogin ilaa ay ii yimaadeen
madaxdii Qureysh iyagoo doonaya in ay ila kulmaan, si aad u wanaagsan ayay ii
soo dhoweeyeen, iyagoo i dejiyay guriga guryaha ugu qiimaha badan. Intaa kaddib
waxay igu yiraahdeen Dhufayloow waxaad timi magaalladeenna, waxaa jira nin
sheeganaya inuu yahay Nebi, ninkaasi wuxuu fasahaadiyay ama kharribay
umuurteena, wuxuu kala daadshay midnimadeena, wuxuu burburiyay midowgeenii,
sidaa darteed waxaan ka cabsanaynaa in ay kugu dhacdo adiga iyo tolka aad
madaxda u tahay Musiibada nagu dhacday annaga sidaa darteed waxaan kugula talin
lahayn in aadan ruuxaa la hadlin oo aadan waxba ka dhageysanin, waayoo ninkaa
waxa uu akhrinayaa hadal sixir oo kale ah.
Dhufayl waxa uu yiri "Wallaahi baan ku dhaartaye
odayadaasi igama aysan tagin ilaa ay iiga sheekeeyaan Nebiga (scw) wararkiisa
kuwa ugu yaabka badan iyagoo igu beeraya cabsi aad u daran, sidaa darteed
waxaan go’aansaday in aanan u dhowaan oo aan agtiisa marin meeluu joogo Nebiga,
in aanan la hadlin ama aanan waxba ka dhageysan. Maalintii kale markii la
gaaray ayaa waxaan aaday Kacbada si aan u soo dhawaafo, isla markaasna aan u
barakeysto asanaamta halkaas tiil anigoo labadeyda dhagood soo gashaday suuf si
aanan u maqlin hadalka Nebi Muxammad (scw).
Hase ahaatee markaan galay markaan soo galay kacbada waxaan
kula kulmay Nebi Muxammad (scw) oo tukanaya, Salaad ka duwan salaadihii aan tukan
jirnay, aad ayay ii farax gelisay muuqaalka, waxaana i gilgishay qaabkii uu u
cibaadeysanayay, waxaan is arkay naftaydii oo u sii dhowaaneysa xagga Nebiga
(scw) ilaa aan noqdo ruux aad ugu dhow, Ilaahna wuxuu ii sahlay inaan maqlo wax
ka mid ah wixii uu akhrinayay, wuxuuna ahaa hadal wanaagsan, ileen waa
qur’aanka’e.
Wax yar ka dib waxaan is iri waxaad tahay gebyaa caqli
badan, waad kala garanaysaa hadalka kiisa wanaagsan iyo kiisa xun, maxaa kuu
diidaya inaad maqasho waxa uu akhrinayo Nebi Muxammad (scw), haddii uu
wanaagsan yahay waxa uu akhrinayo waan qaadan, hadduu xun yahayna waan ka tagi.
Dhufayl wuxuu yiri "waan iska joogay ilaa uu Nebiga (scw) iska baxay, anna
waan ka daba tegay anigoo kula kulmay gurigiisa. Waxaan u sheegay in la ii sheeko
xumeeyay oo la igu kaa yiri sidaa iyo sidaa ilaa aan go’aan ku gaaray inaan
labadeyda dhegood suuf ka soo buuxiyo si aanan u maqlin halalkaaga, balse Alle
ayaa taa diiday ilaa uu dhagahayga uu soo gaarsiiyo hadaladaada wuuna
wanaagsanaa. Haddaba waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo bandhigto sharaxaad ku
saabsan Diinta Islaamka. Markaasna Nebiga (scw) wuxuu ii sharxay diinta
Islaamka, isagoo ii akhriyay Suuradda Al-ikhlaas iyo suuradda Al-falaq,
Wallaahi ma maqlin hadal ka wanaagsan hadalkaa, mana aanan arkin caddaalad ka
fiican tan uu Islaamka dadka ugu yeerayo, intaa ka dib waxaan Nebiga (scw) u
fidiyay gacantayda, anoo qiray shahaadad sidaa ayaan ku Islaamay.
ka dib Dhufayl wuxuu negaa oo uu joogay Magaalada Makka,
halkaasoo uu ku baranayay Diinta Islaamka, kuna xifdinayay qaar ka mid ah
Suuradaha qur’aanka. Markii uu Dhufayl go’aansaday inuu u laabto magaaladii ay
deganaayeen tolkiisa ayaa waxa uu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri "
Rasuulkii Ilaahayow waxaan ahay nin ay tolkiisa maqlaan, sidaa darteed waxaan
jeclahay inaan iyaga u laabto si aan ugu yeero Diinta Islaamka, waxaana Ilaah
iiga baridaa inuu ii yeelo calaamad iigu kaalmeysa Dacwada Islaamka. Rasuulka
(scw) wuu ka aqbalay dalabkiisii, wuuna u duceeyay. Dhufayl wuxuu u safray
magaalladii ay tolkiisa deganaayeen, markuu marayo meel sare oo buur ah oo u
dhow magaalladii ay deganaayeen tolkiisa, ayaa waxaa labadiisa indhood
dhexdooda fuulay Iftiin aad mooddo faynuus.
Dhufayl wuxuu Ilaah ka baryay inuu iftiinkanka yeello meel
aan ahayn wejiga, waayo wuxuu ka cabsaday in ay u maleeyaan tolkiisa ciqaab
lagu ciqaabayo ka dib markii uu ka tagay Diintii uu haystay markii hore.
Iftiinkii wuxuu u wareegay karbaash (jeedal) uu watay madaxiisa. Dhufayl markii
uu yimi magaalladii, ruuxii ugu horeeyay ee uu la kulmay wuxuu ahaa aabihiis,
wuxuuna ahaa odey waayeel ah. Dhufayl wuxuu ku yiri aabihiis "Isma
sheeganno, waayoo waxaan ahay Muslim". Markaa aabihii ayaa ku yiri
wiilkiisa Dhufayl "Wiilkaygayow anniga iyo adigu isku diin baynu nahay,
halkaana ayuu aabihii ku soo Islaamay. Dhufayl haddana wuxuu dacwada u
bandhigay xaaskiisa iyo qabiilkii uu ka dhashay ee reer Daws. Xaaskiisa iyadoo
aan hakad gelin ayey qaadatay Islaamka, inkastoo reerkiisu ay ku madax adeegeen
marka laga reebo Abuu Hureyra (rc) oo isagu qaatay islaamka. Dhufayl wax yar
kaddib, wuxuu ku soo laabtay Rasuulka (scw), isagoo sharaxaad iyo warbixinno
uga bixiyay wixii uu kula kulmay tolkiisa. Dhufayl wuxuu yiri "Waxaan imi
magaallada Makka isagoo uu ila socdo Abuu-Hureyra (rc).
Rasuulka (scw) ayaa wuxuu i weydiiyay wixii aan kala kulmay
tolkayga, waxaana ugu jawaabay " Quluub ad-adag iyo gaalnimo daran, waayo
reer Daws waxaa ka xoog batay faasiqinimo iyo Alle ku caasin". Intaa ka
dib Rasuulka (scw) wuu is taagay isagoo weysastay haddana wuu tukaday,
dabadeedna wuxuu kor u taagay labadiisa gacmood isagoo Ilaah baryaya. Dhufayl
wuxuu yiri markaan arkay wixii uu Rasuulka (scw) sameeyay ayaa waxaan u qaatay
inuu Rasuulku (scw) habaari doono tolkayga oo markaas la halaagayo. Hase
yeeshee Rasuulku (scw) wuxuu guda galay inuu u duceynayo reer Daws oo uu
leeyahay "Ilaahoow hanuuni reer Daws", saddex jeer ayuu ku
celceliyay. Intaa kaa dib Rasuulku (scw) wuxuu deymooday Dhufayl, wuxuuna ku
yiri "Waxaad u laabataa tolkaaga, una dhimri oo si fudud ugu sheeg diinta
Islaamka".
Wixii intaa ka danbeeyay Dhufayl wuxuu joogay dhulkii Daws,
halkaa oo uu ka gudanayay Dacwadii Islaamka ilaa laga soo gaaro wakhtigii uu
Rasuulku (scw) u hijrooday Maddiina, ay dhaceyna dagaladii waaweynaa ee Badar,
Uxud, Khandaq. Waxaan u soo galay Rasuulka (scw), waxaana ila socotay siddeetan
qoys oo reer Daws oo islaamay, weliba islaamkoona wanaagsanaaday. Rasuulku
(scw) aad ayuu ugu farxay arrinkaas.
Markii uu Nebiga (scw) geeriyooday ka dib ee khaliifnimadii
loo doortay Abuubakar As-sadiiq waxa aan noqday mid adeeco oo naftiisa iyo
seeftiisa u dhiibay Abuubakar As-sadiiq, ka dibna waxaa dhacay dagaalkii
riddooyinka (dadkii diinta ka noqday), waxaana aan ahaa dadkii ugu horeeyay ee
la dagaalama Museylamatul-kadaab, balse marka uu marayo meel u dhow meesha lagu
magacaabo Yamaama, ayaa waxa uu arkay riyo, dabadeedna wuxuu asxaabtii uu la
socday ku yiri: "waan riyooday, waxaana doonayaa inaad ii fasirtaan
riyadaas?!". Waxay ku yiraahdeen maxaad aragtay?. Dhufayl, ayaa wuxuu
yiri: "waa tan koowaade waxaan ku riyooday annigoo madaxa la iga xiiray.
Tan labaadna waxaa afkayga ka soo baxay shimbir, tan saddexaadna waxaan arkay
haweeneey caloosheeda i gashatay!.
Ugu danbeyntiinna waxaan arkay wiilkayga Camar oo doonaya
inuu igu soo ordo oo uu ii yimaado, hase ahaatee ay dad na kala dhex
galeen". Dadkii waxay yiraahdeen oo keliya: "waa kheyr". Hase
ahaatee, Dhufayl ayaa isku dayey inuu fasiro riyadii. Wuxuu yiri, horta madaxa
la iga xiiri doono waa iyadoo madaxa la ii dheereyn doono oo la iga jarayo
(dagaalka ku shahiidayo), shimbirka ka soo baxay afkaygana waa annigoo shahiidi
doona, haweentii caloosha i gashatayna waa dhulka la igu aasi doonno, SIDAA
DARTEED WAXAAN RAJEYNAYAA IN AAN DAGAALKA KU SHAHIIDO, wiilkayga Camar ee
xaggeyga soo aadeyna waa isagoo doonaya SHAHAADO (inuu dagaalka ku dhinto),
taasoo aan annigu u nasiib yeelan doono marka hore haddii Alle idmo, laakiin
Camar isagu gadaal danbe ayuu shahaadada ka haleeli doonaa.
Haddaba, markay dhacday dirirtii Yamaama, wuxuu Dhufeyl
goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro lagu dayan karo, jeer uu ILAAH ka
waafajiyo wixii uu doonayay oo ahayd inuu jidka Alle ku dhinto. Hase yeeshee
wiilkiisa Camar, isaga kama noogin kii sii wada dagaalka, ilaa uu ka dhaawacmo,
gacantiisa midigna ka go’do. Intaa ka dib, Camar wuxuu ku soo laabtay
magaaladii Madiina, halka uu aabihiis Dhufeyl ku dhintay (shahiiday)
dagaalkaas.
Xilligii khilaafada Cumar Binu Khadaab (rc) ayaa waxaa
maalin Cumar u soo galay Camar Binu Dhufayl, wax yar ka dibna waxaa fadhigii
Cumar la keenay cunto. Cumar wuxuu dadkii ugu yeeray inay wax kala cunaan
cuntadii, hase ahaatee waxaan aadin xeeradii cuntada Camar oo isagu meel cidla
ah iska fariistay. Cumar ayaa weydiiyay inay ugu xishoonayo iyadoo ay ugu wacan
tahay gacanta uu la’yahay awgeed iyo in kale?. Camar ayaa ugu jawaabay haa oo
waa runtaa amiirkii mu’miniintoow. Cumar Binu Khadaab ayaa ku dhaartay inuu ka
qayb qaato cunidda cuntada la keenay, isagoo yiri: "wallaahi nalama
fadhiyo ruux qaar ka mid ah jidhkiisu ay jiraan Jannada aan ka ahayn
adiga", wuxuu ka waday gacanta Camar Binu Dhufayl ee dagaalka uga go’day.
Haddaba, ugu danbeyntii Camar isna waxaa u danbeysay inuu
helo wixii uu ku yididdiilan jiray in muddo ah, taasoo ahayd inuu ku dhinto
jihaadka asagoo difaacaya jidka iyo diinta Alle (sw), wuxuu ku shahiiday
dagaalkii Yarmuuk ee dhacday sannadkii 15-aad ee hijriyada. Ilaah ha u
naxariisto Camar, waayo isna shahiid ayuu ahaa, aabihiisna shahiid ayuu ahaa
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Daabacaad: Isniin June 5, 2000
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment