Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis
Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca
Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna
waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la
yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna
degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta
masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.
Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen
danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan
wiilkan yar oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay,
markaas
ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la
yaabeen waxayna yiraahdeen "weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna
nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?", wuxuu ku yiri waa sax
laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri "Ma
cid baad ka soo tagteen?", waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo
tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri "u
yeera gabanka".
Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su'aal weyddiiyey
Abii-dhaalib oo uu ku yiri "wiilkan mxaad u tahay"? wuxuuna ugu
jawaabey "Aabbe ayaan u ahay". Baxiira waxa uu yiri "suurogal
maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?". Abii-dhaalib
waxaa uu yiri "Adeer baan u ahay", intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu
gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su'aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay
khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.
Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib "wiilkani arrin weyn
ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka
fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda",
Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo
rogmaday Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo
kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu
bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment