Soonka waajibka ah sida Ramadaanka, soonka kafaara gudka iyo
midka la nadray (la sharday, sida iyadoo la yiraahdo Ilaaheeyoow haddiii aad I
caafido maalin ayaan soomayaa, iwm). Soonku waajibka yahay waxaa ku wajib ah
qofka soomaya inuu soonka niyaysto, inta u dhexaysa marka qorraxdu dhacdo iyo
marka waagu baryayo, inta u dhexaysa labadaa waqti haddii uu soonka niyaysto
soonkiisu wuxuu noqonayaa mid sax ah, haddii uu si ula kac ah uga tagana
soonkiisu ansixi mayo, sida uu Rasuulkuba SCW u yiri:
"Qofkii niyada
soonka aan soo go'aansan, oo aan soo sugin waa bariga ka hor, soon uma
jiro". Waxaa wariyey Tarmiidi, Abu Da’ud, Wanisaa’I, iyo Daaramiye oo uu
ku wariyey kitaabkiisa Isnaadu Saxiix.
Laakiin qofkii niyada habeenkii hilmaama ee subaxdii
xasuusta, amaba aan ogayn in bishii soonku dhalatay, ee ka dib markuu wax cunay
ama cabay ogaada in ay Ramadaan tahay, waxaa laga rabaa in isla marka uu
xasuusto ama ogaado uu niyada la yimaado, soonkiisana halkaa ka siiwato, wax
qallo ahna lagama rabo, dhibna ka soo gaari mayo hilmaankaa ama ogaan
la'aantaa, sababtoo ah Rasuulka SCW ayaa wuxuu yiri: "Ilaaheey wuxuu
ummaddayda ka daayey oo ka dejiyey wixii ay ku gefaan, wixii ay hilmaamaan, iyo
wixii lagu qasbaba". Waxaa wariyey Ibnu Maajix, iyo sh. Albaani oo uu ku
wariyey kitaabkiisa Irwaa.
Qofkii soonka u suxuurtaana wuxuu la mid yahay qof niyadii
la yimid, sababtoo ah qofkaasi wuxuu u suxuurtay inuu Alle ugu dhowaado iyo
inuu awood u yeesho soonka, maadaama uu sidaa awgeed u suxuurtayna waxaa laga
helay ulajeedkii la rabey, oo ahaa in soonku uu noqdo mid Alle loola jeedo,
uuna ka soocmo cunta iska joojinta, iwm.
Niyadu waa shaqo qalbigu qabto oo aan dadku daalacan karin,
sidaa awgeedna marka lala imaanayo afka looga dhawaaqi mayo, korna loo qaadi
mayo niyaysiga, sida dadka qaarkoodba ay sameeyaan, oo marka salaadda Maqrib la
tukado ka dib ayaa meelaha qaarkood waxaa ka dhici jirtay ogaanteey in imaamka
lagu yiraahdo noo xir soonka, dabadeedna markaa ayuu u meerin jiray, iyadoo
iyaguna ay ka daba meersanayaan, soonka iyo cibaadooyinka kalena wasy ka siman
yihiin in aan waxa la niyaysanayo afka looga dhawaaqayn, sidan horay u soo
xusnayba.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment