Qiso Cajiib ah: Aabihii ka samray Wiilkiisa..!

Oday waayeel ah oo xanuunsan, aragna aan laheyn baa jecleystay inuu safar lug ah ku aado magaalo fog, waxaana hogaaminayay wiilka qudha ee dunida u joogo.

Xoogaa markay socdeen baa wiilkii harraad qabtay wuxuuna waalidkiis ka codsaday inuu biyo ka soo cabo wabi aan sidaas uga fogeyn halka ay socdeen.

 Aabbihii waa ka ogolaaday, wuxuuna iska fariistay dhulka isagoo sugaya, wiilkiisii baarriga ahaa, hase ahaatee saacado badan kadib oo halkiisii uu joogo, mar uu fariisanayo marna uu istaagayo waxaa soo maray dad socoto ah.

Waxayna weydiiyeen "Maxaad halkan ka qabaneysaa".

Wuxuu ugu jawaabay waxaan sugayaa wiilkeyga oo wabiga biyo ka soo cabaayo, aad bay u la yaabeen sida odaygu u yahay war moog iyo waxa meesha ka dhacay.

Waxay yiraahdeen "Wiilkaagi waa dhintay, wuxuuna ku dhacay wabiga..." Aabihii aad buu uga naxay warkooda wuxuuna codsaday in loo celiyo gurigiisa.

Maxaa Qisadan laga faa'iidey?

Marka koowaad waxaa qisadan laga faa'iidayaa in qadarta Ilaahay ay qoran tahay qof kastana imtixaan uu dunidan u joogo balse la eegayo samirkiisa.

Sababtoo ah Ilaahay wuxuu qadaray in odaygan indhoolka ah uu si' fudud ku waayo halkii wiil ee ifka u joogay, hadii uu samro ajar buu ku helayaa laakiin qofka aan iimaanka qabin marxaladdan oo kale halis buu ku galaa.

Marka Labaad Xikmadda qisada waxay tahay inaan geeridu kala laheyn da' u gaar ah oo aan arkeyno oday waayeel ah oo wiilkiisii oo hogaanka haya uu ka hor dhintay, waxaanse ilaahay ka baryeynaa inaan waalidkeen ka ajar xisaabsanno ilaahayna towfiiqda na waafajiyo.

FG: Walaalayaal aan ku cibra qaadanno qisadan oo noqonno kuwa qaata hadalka kiisa wanaagsan, kuna soo biira Faafinta Diinta Islaamka, FAAFI.BLOGSPOT.COM

Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay

Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM

Facebook.com/faafidiinta

@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
 
Share on Google Plus

Qoraaga: Unknown

Magaceygu waa Abdishakur Hussein Mohamed loo yaqaan (Shakra), waxaan ku noolahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia, waxaan jecleystay inaan xirfadeyda wariyenimo ku kaabo faafinta Diinta Islaamka. Hadii aad tahay qof jecel diinteenna xaniifka ah ee Islaamka fadlan hadda is weydii maxaad u qabatay diinteenna oo loo daadiyay dhiiggii qaaliga ahaa ee Nabi Mohamed SCW, diinta aan u istaagay inaan ka shaqeeyo waxaa u dhintay boqollaal geesiyaal muslimiin ah AHUN. FG: Hadii aad kheyr qabe tahay ogow inuu jiro walaal kale oo madow kaga jiro Diinta Islaamka oo laga yaabo inuu saaladaha wahsado ama aanan soomin.
    Blogger Comment

0 comments:

Post a Comment

@Walaalaha Faafi Diinta Islaamka . Powered by Blogger.