Walaalkan Muslimka ah wuxuu tusay gaalkaasi, in diinta Islaamku ay tahay mid fudud oo aad u sahlan, Quraanka Kariimkana uu yahay halka laga hago dhamaan caalamul Islaam.
Wuxuu dareensiiyay sida Bani'aadamka noloshiisa ay ugu dageyso wanaagga iyo kheyrka Quraanka Kariimka, waxaana walaalkan Muslimka ah isku dayay inuu aad uga dhaadhiciyo Diinta Islaamka.
Ninkii gaalka ahaa baa wuxuu yiri "Hagaag, maadaama aad ii sheegtay in quraanka kariimka uu wax walbo u yeelay waqti u gaar ah waan islaami doonaa ee aan sugo intuu islaamku ii dhalan doono".
Ninkii Muslimka ahaa baa ogolaaday, wuxuuna xasuusiyay inuu sugi doono, jeer uu Ilaahay soo hanuuniyo.
Muddo kadib baa walaalkii Muslimka ahaa wuxuu u tagay ninkii gaalka ahaa wuxuuna ku aqriyay Quraanka Kariimka ee oranaya:-
" و اذا راوا تجارة او لهوا انفضوا اليها وتركوك قائما قل ماعند الله خير من اللهو ومن التجارة والله خير الرازقين
Ninkii gaalka ahaa waxaa aad u taabtay qiimaha ku jira aayaddan, halkaas ayuuna ku islaamay, waxaana ilaahay u mahad celiyay walaalkii Muslimka ahaa ee mar walba jeclaa inuu gacantiisa ku soo islaamo qof bani'aadam ah.
Hadaba Walaalayaal waxaa Diinteenna naga saaran xil weyn waxaana nalaka doonayaa inaan innaga ku dhaqanno kadibna aan ugu yeerno gaalada, qofkii gacantiisa ku soo hanuuniyo qof nool, ilaahay agtiisa qiimo weyn ayuu ku yeelanayaa Ilaahow noo kas.
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment