Soonku wuxuu leeyahay laba rukni ama laba tiir oo uu ku
dhisan yahay, haddii midkood la waayana uu dumayo, labadaa tiirna waxaa kala
yihiin:
1) In laga reebtoomo oo aan loo dhowaan waxyaabaha soonka
buriya, laga billaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaro qorrax dhaca.
2) In lala yimaado niyada soonka: sida aan horay u soo
xusnayba niyaddu waxay kala saartaa waxyaabaha cibaadada ah iyo kuwa aan
cibaadada ahayn, oo aan loogu talagalin in Ilaaheey loogu dhowaado, sida haddii
ruux uu iska daayo maalin dhan waxyaabaha soonka jabiya, isagoo ulajeeda
mudaharaadid iyo ashtakoosho, markaa wax ajar ah ka heli mayo soonkaa uu la
yimid, cibaadana noqon mayo, laakiin haddii uu u niyaysto inuu Alle SW ugu
dhowaado, dabadeedna uu iska daayo waxyaabahaa wuxuu u noqonayaa soonkaa uu la
yimid cibaado laga abaal marinayo, Ilaaheey agtiisana giime ku leh.
WAXYAABAHA
SOONKA BURRIYA
Waxaa jira waxyaabo la doonayo in soonka laga ilaaliyo oo
laga dhawro, oo haddii ay soonka isku yimaadiin uu soonku burayo,
waxyaabahaasina waa shan waxyaabood oo kaliya, wuxuuna soonku shantaa waxyaabood
ku jabaa marka si ula kac ah loo sameeyo, laakiin haddii qofka la qasbo ama uu
soonka hilmaamo, dabadeedna uu sameeyo oo uu la yimaado mid kuwaas ka mid ah
isagoo hilmaansan, soonkiisu ka jabi mayo, isla marka uu ogaado oo uu soonka
soo xasuusto ayuu joojinayaa wixii uu ku jiray, dabadeedna soonkiisa ayuu sii
wadanayaa, lagamana rabo wax qallo ah, haddii laakiin qofku uu mid shantaas
waxyaabood ka mid ah sameeyo, isagoo u bareeray, soonkiisu waa jabayaa, inta
maalintaas ka dhimanna waxaa ku waajib ah inuusan waxyaabaha soonka jabiya u
dhowaan, oo uu baaqi ku ahaado una dhaqmo sida dadka sooman oo kale, ilaa
qorraxdu ka dhacdo.
Waxaa shantaas ahayn oo soonka jabin karaana kuma jiraan
kitaabka iyo sunnada, wax daliil ahna looma hayo, waxaana sida badan muslimiinta
diinta ku adkeeya waxyaabo daciif ah, amaba aan asal iyo raad toona diinta ku
lahayn, oo mar dambe ku soo kordhay, sida cadhuufta tirada badan oo dhulkeenii
lagu hallayn jiray, dadkana dhuunta ka qallajin jirtay, bal fiiri Allaha na
hanuuniyee sida ay dadku ugu dhibtoodeen waxyaabaha aan diinta ka tirsanayn,
dhulkiina uu ugu wasaqoobay, qofkuna haddii uu shantaas si-fiican u fahmo wuxuu
aad iyo aad u kala garan karaa waxyaabaha soonka jabiya iyo kuwa aan jabin.
Waxayna shantaasi kala yihiin:
1) Galmada (raga iyo dumarka isu tagidooda): haddii
arrintaasi dhacdo soonku waa jabayaa, waxaana waajib ah in maalintaas sida
xaraanta ah loo afuray la soo qalleeyo, intaana waxaa sii dheer sidoo kalena
waajib ah in ninka soonkiisa sidaa ku fasahaadiyey uu la yimaado, oo uu bixiyo
kafaarogud, wuxuuna ula imaanayaa sidan soo socota:
(A) Wuxuu
xoraynayaa qof addoon ah (sida qof dagaal diineed oo dhexmaray muslimiinta iyo
gaalada lugu soo qabsaday), haddii uu awoodi waayo xorayntaas xag dhaqaale
awgiis ama wayn iyo jirid la’aan uusan addoonkiiba jirin, waba sida hadda
taagan oo kalee, wuxuu u gudbayaa darajada labaad, oo ah:
(B) Inuu laba
bilood oo isku xigta, kala go’na aan lahayn uu soomo, haddii uusan awoodi Karin
inuu labadaas bilood soomo wuxuu haddana u gudbayaa darajada saddexaad, oo ah:
(C) Inuu quudiyo
oo raashin sooyo lixdan miskiin. Haddii
uu saddexdaa qaybood uu midna awoodi waayo kafaaradii way ka dhacaysaa,
sababtoo ah Rasuulka SCW ayaa waxaa u yimid nin falkaa ku kacay maalin
Ramadaan, tabar iyo awoodna u waayey inuu kafaarogud sameeyo, wuxuuna markaa ka
riday kafaaaro gudkii, isagoona siiyey timir uu reerkiisa siisto, maadaama uu
ka cabtay faqri fara-goys ah, Ilaaheeyna dadka kuma uu waajibiyo wax aysan
awoodin.
Laakiin haweentii soonkeedu sidaas ku fasahaaday iyada
lagama rabo kafaarogudka ninka laga rabo, ee waxaa laga rabaa wixii ka soo
hara.
2) Is-matajinta: haddii qofku si ula kac ah isku matajiyo,
soonkiisu wuxuu noqonayaa mid buray, laakiin haddii mataggu ka awood bato oo
isagu uusan iska raad-raadin, dabadeedna uu matago soonku ka jabi mayo, waxaa
sidaas la mid ah haddii qofku uu rabey inuu cadaysado, dabadeedna uu sidaas ku
matago isagoon isagu rabin inuu matago, markaas oo kale soonku ka jabi mayo,
waxaa Abuu Hurayra (a.k.n) laga soo wariyey inuu Rasuulka SCW yiri “Qofkii
mataggu ka awood bato oo sidaa uu uga yimaado wax qalle ah lagama rabo,
qofkiise isagu is-matajiya isagoo ula kacaya ha soo qalleeyo soonka”.
3-4) Cunitaan iyo Cabitaan: haddii qofku isagoo soonka og uu
wax cuno ama cabo soonkiisu waa jabayaa, laakiin haddii uu wax cuno ama cabo
isagoo la qasbay ama hilmaansan inuu sooman yahay, soonkiisu jabi mayo, sida
Rasuulka SCW u yiri “Qofkii sooman oo wax cuna ama caba isagoo hilmaansan
soonkiisa ha dhamaysto oo ha sii wato, Ilaaheey ayaana wax uu cuno iyo wax uu
cabo siiyey”, marka uu soo xasuusto oo ay ku soo dhacdo inuu sooman yahay waxaa
laga rabaa inuu raashinka iska joojiyo, dabadeedna soonkiisa sii wato.
5) Imaashaha dhiigga caadada (xaylka) ama dhiigga nifaaska
oo yimaada ka dib marka haweenku dhalaan: marka dhiiggaasi yimaado soonku waa
jabayaa, waxaana kaliya oo laga doonayaa haweentaa muslimadda ah oo dhiiggaasi
ka yimid in marka soonku dhamaado ay soo qallayso intii maalmood ee dhaaftay,
iyadoo wax dambi iyo daalac ah aan loo raacanayn, sababtoo ah kuma aysan kicin
wax dambi ah, ee sidii la faray ayey samaysay.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment