Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin
Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor.
Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu
bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey
wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW
wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu
guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo
gudan.
Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd
jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee
intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul
sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey
Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi
jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa
jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen
baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay
nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi:
"Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga
qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka
ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku
samayneynaa inanka agoonka ah". Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur
markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan
qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey
awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii
Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey
yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen
barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo daajiya xoolaha
meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.
Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey
u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis
Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka
SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin
isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo
legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaasuu ku yiri:
"tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu
meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo
ku yiri: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir
doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii
go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.
Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka
gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo
booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed
Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen
Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la
marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana
lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas
ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis
Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka
dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey,
wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW
adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu
la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment