Taarikh-daan oo aan kasoo qaadan doonno masaadirta Islamiga
ah oo carabi ku qoran waxaa jira xarfo badan oo afka Carabi-ga ku jira oo aan
laga helayn xarfaha Soomaali-ga ah wax waafaqsan sida ay u dhawaaqayaan carabi
ahaan, sidaa darteed waxaan isticmaali doonaa xuruuftaan soo socota booskii
xarfahaas.
Th xarafka afaraad ee Alif ba’da. Tusaale cuthmaan.
Z xarafka kow iyo tobnaad ee Alif ba’da. Tusaale Zako.
Gh Xarafka sagaal iyo tobnaad ee Alif ba’da. Tusaale
Baghdad.
Xuruuftaan sadexda ah kaligood ma ahan xarfaha aan
dhawaaqooda laga heli karin xuruufta afka soomaaliga, ee waxaa jira inay ayagu
ugu dhawaaq fog yahiin. Sidoo kale waxaa
jira xarfo kale oo aan ayagana dhawaaqooda lagu qori karin farta soomaaliga
sida xarafka sagaalaad ee Alif ba’da iyo laga bilaabo xarafka afar iyo tobnaad
ilaa todobo iyo tobnaad ee Alif ba’da xuruuftaan oo dhan kuma lahan dhawaaqooda
oo kale farta soomaaliga.
Hadaba qofku markuu akhrinayo taariikh-daan waa inuu
maskaxda ku hayaa dhawaaqii xarfahaas inta badanna waa magacyada, illayn
luuqadda waa la turjumayaa magacyadase waa in dhawaaqooda lagu ilaaliyo siduu
ahaa haddii kale dhadhankoodii la heli mayo.
Soo aroorinta macluumaadka.
Siirada Nabiga (scw) waxaan si wayn u tixraacayaa kitaabka
“Raxiiqul-Makhtuum” waxaase jira inaan keeni doonno siyaadooyn -insha allah-
ama aan ka tageyo wixii aan u aragno in laga maarmi karo, haddiise aan
macluumaadka kasoo qaado meel aan ahayn kitaabkaan waxaan sheegi doonaa meesha
aan kasoo qaadnay.
Taariikh-da kale ee ka dambaysa Siirada Nabiga (scw) dawlad
walba waxaan sheegi doonaa kitaabka aan tixraaci doono iyo meeshii wixii
macluumaad ah oo siyaado ah aan kasoo qaatay.
Magacyadda.
Magacyada, meelaha, dhacdooyinka, wadamada amase dadka
haddii lagu heli karo sida ay u qoran yihiin afafka latin-ka waan sheegi doonaa
magacii oo qows ku jira -insha allah- haddiise aan la helin waxaan u qorayaa
sida ay u dhawaaqayaan oo far-soomaali ah. Tusaale, Jaziiradda siqilliya
(Jaziiradda Scile).
Nusuusta.
Nusuusta diinta xadiith-ka Nabiga (scw) waxaan sheegi doonaa
kitaabka uu ku jiro iyo darajadiisa sixada iyo dacfiga hadba sida culumada
Islam-ku ku xukumeen xadiith-kii aan waayo culumada Islam-ka ee waawayn wax ka
hadley darajadiisa waan sheegi doonaa inaanan helin darajadiisa.
Aayadaha qur’aanka waxaan sheegi doonaa suuradaha ay ku
jiraan iyo raqamkooda wixii ku saabsan xagga tafsiirka macnahooda waxaan kasoo
qaadanayaa tafsiirka Al-imam Ibn kathiir oo ah mid ku habboon koobnaantiisa iyo
xeeldheeridiisa awgeed.
Gabayada carabiga ah.
Gabayada carabiga ah oo ah run ahaantii shay dhib badan in
la turjumo, sababtoo ah in gabayadu dawr wayn ka cayaareen samaynta
dhacdooyinka macna waynna leeyihiin oo aan laga tagi karin oo dhinac ah iyo in
aan murtidoodii oo dhan lagu keeni karin qoraal oo dhinaca kale ah darteed.
Hadaba, dad badan oo luuqadaha kale wax ku turjumay waxay qoreen macnahoodii
annaguse waxaan isku dayaynaa inaan gabayga ku muujino gabay ama geeraar
af-soomaali ah –insha allah- oo aan annagu sameynay macnihiisuna ku aaddan
yahay gabaygii carabiga ahaa.
Turjumaadda luuqadda.
Luuqadda carabi-gu waa luqadda ugu badan ee ku dhexjirta
af-soomaali-ga mana suurowdo qof af-soomaali wax ku qorayaa inuu iska ilaaliyo
mana jirto wax sabab ah oo nagu kallifi karta inaan iska ilaalino afka
carabi-ga. Sidaa darteed kaliya waxaan fiirinayaa in ereygu yahay mid
soomaalidu fahmi karto carabi-ba ha ahaadee haddii la fahmayo waan qorayaa haddaanse
la fahmayn waa turjumayaa.
Waxaase kala jira turjumo xarfi ah iyo turjumo xikmadda ah
waxay kala yihiin inuu qofku ilaaliya xarafka macnihiisa oo qura tan hore iyo
inuu qofku ilaaliya xikmadda macnaha ku jirta hadday doonto yaysan xaraf ahaan
ugu aaddanaane tan dambe. Waxaan anigu ku socon doonaa turjumada xagga
xikmadda. Tusaale “Somali language” turjumada xarfiga ahi waa soomaaliga
luqadda, turjumada xagga xikmadduse waa luqadda soomaliga marka waa kala cad
yahay farqiga u dhexeeya labadaan.
Dhismihii Kacbada (Masjidka Xaramka)
kaabaSida Alle qur’aankiisa ku caddeynayo kacbada waxaa
dhisay Nabiga Alle ee Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabiga Alle ee Ismaaciil (cs)
qisaduna waxay u dhacdey sidaan. Nabiyullah Ibraahiim asalkiisu wuxuu ka soo
jeedaa dhulkaan loo yaqaan ceraaq (Iraq) Magaala yar oo saraan daanta galbeed
ee wabiga furaat oo magaceeda la yiraahdo (Ara) waa meel hadda ku aaddan kufa
agteeda waxaana jira looxaan dhulka laga soo faagay hadda oo laga helay warar
faahfaahsan oo ku saabsan magaaladaan iyo qoyska Ibraahiim (cs) iyo xaaladooda
diineed intaba.
Ibraahiim (cs) magaaladaan waa ka hijroodey dhinaca
magaalada kale ee xaraan kadibna dhulkaan Falastiin halkaas oo uu ka dhigtay
saldhigga wayn ee dacwadiisa, hadaba Ibraahiim (cw) wuxuu u bixi jiray safaro
dacwo oo uu ku maray dhulka Falastiin oo dhan iyo meelo kale oo dunida kamida.
Safaradaan mid kamida ayuu Ibraahiim (cs) ku tagay dhulka
masar, halkaas oo uu fircoonkii masar ka talinayey u dagay shirqool ka dhan ah
Ibraahiim (cs) iyo Zawjadiisa sharafta badan ee (Saara). Shirqoolkaan oo ahaa
Isku day uu fircoonkaani isku dayay kufsi uu la damcay Saara oo ahayd –mid
lasiiyey quruxdii aduunka nuskeed- Alle shirqoolkaan waa ka badbaadiyey ayadoo
fircoon uu ka arkay Saaro mucjizo wayn oo uu darteed aqoonsaday xariirka wayn
ee Saara ay la leedahay Alle uuna qirtay fadligeeda iyo sharafteeda
isla-markaana uu siiyay gabar shaqaale ah oo magaceeda la dhoho (Haajara)
Saarana ay dhankeeda u guurisay gabadhii ninkeeda Nabiga Alle ee Ibraahiim
(cs).
Ibraahiim (cs) wuxuu ku soo laabtay Falastiin asagoo Alle ka
siiyay Haajara (Ismaaciil). Hadaba, dhalashada wiilkaan wuxuu masayr ka keenay
Zawjada wayn ee Ibraahiim (cs) waa Saaree -inaysan ayadu dhali jirin darteed-
ilaa ay Ibraahiim (cs) ku kalliftay inuu fogeeyo oo masaafuriyo Haajara iyo
wiilkeeda yar Ismaaciil.
Ibraahiim (cs) wuxuu la safray Haajara iyo wiilkeeda yar
Ismaaciil ilaa uu kalasoo galay dhulkaan Xijaaz uuna dajiyay geed wayn hooskii
oo ku yaal tog aan beero lahayn oo u dhaw barxadda uu Alla u doortay inay
noqoto Bayt-kiisa sharafta leh ee Xaramka oo markaa ah dalcad kor u dheer oo
daadadku ka maraan labada dhinac.
Wuxuu dajiyay geed wayn hooskii oo ku beegan ceelka
Zamzam-ka meesha uu ku yaal korkeeda mana jirin markaa cid ku nool eeryadaan
biyona malahayn wuxuuna ag dhigey dambiil ay ku jiraan xoogaa timira iyo
sibraar biyo ah waana iska tagay markuu wax yar ka dhaqaaqay ayuu gacmaha kor u
qaaday asagoo Alle ka baryaya inuu kaligii ku halleeyay ugana tagay dadkaas
meesha cidlada ah lagaga tagay kagana baryay Alle inuu ka dhigo meel dadka
qalbiga kaga taal oo ay isagasoo shubmaan uuna ku irsaaqo dadka ku nool
noocyada thimaarta si ay Alle ugu shugriyaan, duca dheer oo Alle ku sheegay
qur’aankiisa suurado badan sida suuradda Ibraahiim dhamaadkeeda wuxuuna
Ibraahiim (cs) isaga laabtay dhulkii Falastiin, isl-markiiba saadkii yaraa waa
dhamaaday halkaas oo Haajara iyo wiilkeeda Ismaaciil gaajoodeen oomeenna
markaas Alle uu usoo fatahay isha macaan ee Zamzam-ka naxariista iyo fadliga
Alle taasoo u noqotay quud iyo wax ay gaajada ku moodaan. Qisadaanna waa qiso
dheer oo lawada yaqaan.
Muddo kadib waxaa meeshii soo maray qabiilo carbeed oo loo
yaqaan (Jurhamta-labaad) oo markii hore mari jirtay togaan hase-ahaatee aan ku
aqoon biyo iyo dad midna Markay arkeen Haajara iyo wiilkeeda waxay uga idan
qaateen inay la dagaan, halkaas oo Ismaaciil uu ku dhexbarbaaray qabiiladaan
carbeed bartayna afkooda.
Ibraahiim (cs) dhiniciisa wuxuu safaro badan ku soo aaday
makka si uu u kormeero duriyaddii uu meesha kaga tagay inkastoo aan la aqoon inta
goor uu kormeerkaan Ibraahiim (cs) ku yimid, hadana qur’aanku wuxuu sheegayaa
labo kamida.
Labadaan safar kan hore intuu ku guda jiray ayuu Alle
subxaanah riyo ku amray Nabi Ibraahiim (cs) inuu gawroco wiilkiisa Ismaaciil
-Alla u dhawaansho darteed- arrintaan oo ahayd imtixaan adag oo Alle ku
marsiiyay Ibraahiim (cs) inuu wiilkiisa kaligii lagu arko gawroco, sidoo kale
Ismaaciil inuu aabihiis ka yeelay inuu fuliyo waxa Alle amrayo. Markay
labadooduba Alle u hogaansameen oo imtixaankii ku guuleysteen ayaa Alle ugu
badalay wan wayn.
Labo safar oo kalana
waxaa sheegaya xadiith ku yaal saxiixul-bukhaari in Ibraahiim (cs) Ismaaciil oo
maqan uu yimid gurigiisa oo xaaskiisa waraystay oo ay dhib-sheegatay markaa
Ibraahiim (cs) ku yiri waxaad ku dhahdaa iska badal kaabadda guriga oo
Ismaaciil yimid uuna gartay in ninka yimid uu aabihii yahay uuna kula taliyay
inuu xaaskaan iska furo inuu Ibraahiim mar kale soo laabtay sidoo kale
Ismaaciil oo maqan oo uu waraystay xaaskiisa oo ay markaa Alle amaantay oo
khayr sheegatay markaa uu yiri waxaad ku dhahdaa adkee kaabadda guriga
Ismaaciil gartay cidda timid inay aabihii tahay uuna amrayo inuu xaaskiisaan
xagsado.
Safaradaan uu Ibraahiim (cs) ku yimid kormeerka mid kamida
oo ah intii Ismaaciil barbaaray kadib ayuu la kulmay wiilkiisa Ismaaciil asagoo
leebab qoranaya geed wayn oo Zamzam-ka u dhaw hooskiisa, markuu arkay Ismaaciil
aabihiis oo mudda dheer aysan is-arag wuxuu salaamay salaan ay isku burureen,
waalid ilmihiisa aan mudda dheer arag iyo ilmo aan waalidkiis mudda dheer arag
salaantood. Safarkaan ayaa Alle amray Nabigiisa Ibraahiim (cs) inuu dhiso
masjidka Kacbada dalcaddaas uu Alle doortay korkeeda, markaasay bilaabeen
dhismaha oo udubada u taageen, markay dhameeyeenna Alle subxaanah wuxuu
Nabigiisa Ibraahiim amray inuu dadka ugu yeero inay usoo xajiyaan kacbadaan la
dhisay marka waxaa la yiri Ibraahiim (cs) intuu buur dheer dhaladeed fuulay
ayuu qayladiisa tan ugu dheer ku dhawaaqay “war dadoow Alle wuxuu idin saaray
Xaj ee usoo xajiya kacbadiisa” qayladaan oo dunida daafaheeda gaadhay oo
aduunkoo dhan laga maqlay.
Marka maalintaa laga bilaabo ayuu dadku bilaabay inay usoo
xajiyaan kacbadaan xaggeeda diinta Nabi Ibraahiim-na ayku faaftay jaziiradda
carabta oo dhan iyo meelo ka baxsan intaba.
Ismaaciil markuu barbaaray hooyadii Haajarana ay dhimatay oo
uu noqday nin caqli badan sharafna badan, qabiilkii carbeed ee Jurham waxay u
guuriyeen gabadha uu dhalay kaaba-qabiilkooda (madaad Ibn camar) waxaana Alle
ka siiyay labo iyo toban wiil oo wada hanaqaaday kulligoodna ay ka farcameen
qabiilooyin tarmay, halkaanina waa meesha ay ka bilowdeen carabta loo yaqaan
(waladu Ismaaciil) ama cadnaaniyiin oo nabigu (scw) uu kasoo jeedo.
Qabiilooyinkaan markii hore waxay noloshoodu ku tiirsanayd
ganacsiga laga keeno dalka Yaman sidoo kale dhulka Shaam iyo Masar, Markiise ay
ballaarteen intooda badan waxay ku faafeen gudaha iyo hareera jaziiradda
carabta ayagoo isu badalay xoolo dhaqato iyo reer guuraa raac raacaya hadba
meeshii roobku maro waxay kaloo dhiseen dawlado yaryar iyo maamulo dhaqso u
baaba’ay kadibna taariikh-doodu waxay ku dhuntay mugdiga zabaanka.
Gudaha Makko waxaa kaga haray faraca Qiidaar Ibn Ismaaciil
oo kaliy ah isaga ilmihiisu waxay salka dhigteen Makka oo ay isaga farcamayeen
ilaa uu ka dhashay Cadnaan oo ah awowga 21-naad ee silsiladda abtirsiga Nabiga
(scw) cadnaankaan ayaana carabta cadnaaniyiintu ka xafideen abtirsigooda,
waxaana jira xadiith daciif ah oo la yiri Nabigu (scw) markuu abtirsado oo uu
gaaro cadnaan wuu ka istaagi jiray oo oran jiray nasab-yaqaannadu beenbay
sheegeen.
Hadaba intii Ismaaciil uu noolaa furaha kacbada iyo maamulkeeduba
waxay gacanta ugu jireen Ismaaciil (cs) markuu dhintayna waxaa isaga dambeeyay
laba wiilashiisa kamida oo kala ah Naabit kadibna Qiidaar markay dhinteenna
maamulkii kacbada waxaa la wareegay awowgood xagga hooyo waa Madaad Ibn Camar
oo ah saan sheegnay kaaba-qabiilka qabiilada Jurham ee Makka dagan kadibna
maamulkii kacbadu qabiilkaan Jurham ayuu gacanta ugu jiray ayadoo faraca
Ismaaciil (cs) aysan waxba ku lahayn inkastoo ay ahaayeen dad la Ixtiraamo inuu
aabohood kacbada dhisay daraadeed.
Sidaas ayaa hadaba qaaruumo badani ku gudbeen, ilaa ay
xumaatay taladii Jurham oo awoodoodii wiiqantay oo musuqmaasuq dhexgalay markaa
waxay bilaabeen inay boobaan hantidii kacbada u taallay sidoo kale inay furtaan
dadka wafdiga ah ee Xajka gudanaya, arrintaan oo ah mid aad uga caraysiinaysay
cadnaaniyiinta (faraca Ismaaciil) sidaa darteed qabiilka khuzaaca oo ah qabiilo
dagta hareera Makka ayaa ka faa’iidaysatay xaaladdaan hadaba ayagoo taageero ka
haysta cadnaaniyiinta ayay dagaal ku qaadeen Jurham si fudud-bayna uga qixiyeen
Makko ayagoo markaa la wareegay maamulka iyo awoodda kacbada intaba.
Waqtiga Nabi Ismaaciil (cs) Makko joogay waxaa lagu qiyaasaa
inay ku aaddan tahay labaatan qarni kahor taariikh-da dhalashada ciise, tani
waxay ka dhigaysaa muddada ay Jurham maamuleen kacbada 21-tan qarni ugu yaraan.
Muddada ay qabiilka khuzaaca maamulayeen Makko carabta
cadnaaniyiintu maamulka Makka waxba kuma lahayn hasa-yeeshee waxaa jiray xurma
diineed oo ay lahaayeen sida in ayaga looga dambeeyo qaar kamida camallada
gudashada Xajka sidoo kale inay dib u dhigi jireen bilaha xurmada leh,
cadnaaniyiintuna waa faafeen dagaanka Makko waxaa kagasoo haray lafaha Qureysh
oo ah faraca Fihir Ibn Maalik.
Maamulkase waxba kuma lahayn ilaa uu kasoo baxay Qusayi Ibn
kilaab oo ah awowga shanaad ee abtirsiga nabiga oo uu Qureysh isku duway
(mideeyay) isla-markaana uu ku qabsaday Khuzaaca maamulka Makko kadibna arintii
dagaal ay isu badashay, dagaalkiina uu kaga gacansareeyay, markuu Makko
qabsaday wuxuu dhisay guri loo yaqaan (daaru-nadwa) oo ah baarlamaan yar oo
Qureysh laga maamulo, hawlaha Qureesheed col iyo nabad-ba Qusayi ayaa halkaa ku
gorfayn jiray, dhamaan masuuliyaadka Kacbada iyo hawlaha Qureesheed gacantiisa
ayay ku jireen ilaa uu Makko ka dhigay sidii xukuumad yar oo kale, markuu
dhintayna xeerarkii uu Qusayi dajiyay waxay u raaci jireen sidii diintii.
Waxay hadaba Makko gacanta ugu jirtay Qureysh ilaa Nabiga
(scw) laga soo saaray sida aan arki doonno.
La Soco Qaybat 2aad...
Sh. C/risaaq Macalin Abshir (Musanif)
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment