Markuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu hayey dadkii muslimiinta ahaa ee joogey Makka oo aad u kordhay iyadoo waxa lagula dagaaallamayey ay ahayd tawxiidka iyo ciqiidada saliimka aha oo ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray asxaabtiisii mar labaad iney dhulka Xabashida u hijroodaan oo sidaan soo sheegnayba uu ka talinayey
boqor caaddil ah. Waxaa marka baxay oo hijroday 83 rag ah iyo 18 dumar ah oo ku baxay si qarsoodi ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo nabad qab ayey ku gaareen dhulkii Xabashida.
Madaxdii qureysheed markay maqleen in dadkii muslimiinta
ahaa ay dhulka xabashida u hijroodeen iyagoo ah caddad tiro badan, oo tegey
meel ay diintooda iyo naftooda ku ammaan helayaan, aad ayay u caroodeen waxayna
isla markiiba qaateen tallaabo degdeg ah oo ay uga hortegayaan arrintaas. Waxay
direen laba nin oo la kala oran jirey Cumar binu Caas iyo Cabdullaahi ibnu abii
Rabbiica, waxayna u dhiibeen hadiyad badan, waxayna ku dheheen "waxaad
hadiyaddan u geysaan boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa, kuna hormara
wasiirrada oo intaad arrinka ka dhaadhicisaan u kaxaysta boqorka, boqorka
markaad la kulantaanna waxaad u sheegtaan inuu gacanta idinka soo geliyeo
dadkaas isagoo aan ka hadalsiin".
Labadii nin waa ay baxeen iyagoo xoolo badan oo hadiyaad ah
daadihinaya, siday arrintu ahaydna waxay ku hormareen wasiirradii, nin walba oo
ka mid ahaana waxay siiyeen hadiyad fiican, go'aankii ay wateen way ka
dhaadhiciyeen, ka dibna labadii nin iyo wasiirradii oo wada socda ayaa u wada
tegey boqorkii ahaa Najaashi, hadiyaddiisiina waa loo geeyey. Ka dibna labadii
nin ee wafdiga ahaa mid ka mid ah ayaa istaagay si uu barnaamijkii ay boqork
iyo dowladda Xabashida ugu yimaadeen u soo gudbiyo, wuxuu yir "boqorow
waxaa dhulkaaga soo galay niman dhallinyaro ah oo aan caqli lahayn oo
diintoodii kuwii u sharaf badnaa oo ahaa odeyaashoodii noogana ogaal badan
xaalkooda iyo waxa ay ku ceebeynayaan". Intaa markay soo bandhigeen
labadii nin ayaa waxaa hadalkii qaatey wasiirradiii, oo sidaan soo sheegnayba
ahaa niman xoolo cunay waxayna yiraahdeen: "boqoroow run bay sheegayaane u
dhiib ha celiyaane".
Najaashi oo siduu Rasuulka scw sheegayba aha boqor caaddil
ah, markuu dhegaystay hadalkii ay soo jeediyeen nimankii wafdiga ahaa ee
hadiyadda keenay iyo ayiditaankii wasiirradiisa ma uusan qaadan hadalkoodii
kumana kedin arrimaahaasi inu caddaaladda ka tago oo hal dhinac keliya
dhegaysto ee wuxuu yiri: "ha la ii keena dhinaca kale".
Markii loo tegey dadkii muslimiinta ahaa oo loo sheegay in
boqorku rabo ayna yimaadeen niman loo soo diray ayey ka wada hadleen siday u
qaabbili lahaayeen arrinkaas, ugu dambeyntiina waxay qaateen go'aankii lagu
yaqaanney qofka iimaanka macaankiisa dhadhamiya inuusan qofna uga cabsoon Ilaahay
diintiisa waxayna go'aansadeen wax kasta oo ku yimaada ineysan diintooda marna
ka soo dabcin.
Waxayna af-hayeen ka dhigteen Jacfar binu abii-dhaalib oo
ahaa Nabiga scw ina adeerkiis, dabadeed boqorkii ayaa loo yimid, hadalkiina
waxaa bilaabay Jacfar wuxuuna yiri: "boqoroow waxaan ahaan jirnay dad
jaahiliya ah, sanamkaan caabudi jirney, bakhtigana waan cuni jirney,
faaxishadana waan la imaan jirney, qaraabadana waan goyn jirney, deriskana waan
xumeyn jirney, midkayaga xoogga lehna wuxuu boobi jirey kan tabarta daran,
sidaas ayaan ahayn, markaasaa Ilaahay wuxuu no soo diray Rasuul annaga naga mid
ah, oo aan naqaan nasabkiisa, runtiisa, ammaanadiisa iyo dhowrsanaantiisa,
wuxuuna noogu yeeray Ilaahay keliya inaan waxidno oo aan caabudno kana dhex
baxno wixii annaga iyo aabbayaashayo aannu caabudi jirney; sido kale wuxu na
amray inaan warka ka run sheegno, ammaanadan gudanno, qaraabdana xiriirinno,
deriskana wanaajinno, xaaraamta iyo dhiigga dadkana ka fogaanno; sidoo kale
wuxuu naga reebay xumaan oo dhan, markhaati beenaalaha, xoolaha agoonta oo la
cuno, gabdhaha dhowrsoon oo la af-lagaadeeyo (qadfo); sidoo kale wuxuu na amray
Allaah keliya inaan caabudno oo aanan u shariik yeelin; haddaba Rasuulkaas
ayaannu rumeyney waana raacnay wuxuu noo keenay oo Ilaahay diintiisa ah; Ilaah
keliya ayaanna caabdunay, waxna ugu shariik yeeli mayno, waanna xarrimnay wuxuu
Ilaahay naga xarrimay, waana xalaalaynay wuxuu Alle noo xalaaleeyey; sidaa
markaan yeelnay waxaa nagu xad gudbay dadkayagii, way na cadaabeen, diintayadii
ayey naga fitneeyeen, waxayna doonayaan inaan bannaysanno xumaataan bannaysan
jirnay, markay na dirqiyeen, na dulmiyeen oo ay na ciririyeen oo annaga iyo
diintayadii ay kala dhex galeen ayaan waddaankaaga u soo baxsannay oo adiga ku
doorannay, derisnimadaadaanna jecel nahay, waxaanna rajayney inaan agtaada
nalagu dulmineyn", intaas markuu Jacfar ku soo koobay hadalkiisii aadka u
qiimaha badnaa dhinac walbana wax ka ishaaray, ayaa Najaashi su'aal weydiiyey
Jacfar oo ku yiri: "waxa uu Nabigaasi xagga Ilaahay ka keenay wax ma ka
haysaa", Jacfar wuxuu yiri haa, Najaashi ayaa yiri "akhri",
markaasuu Jacfar akhriyey Suuratu Maryam oo si fiican uga hadahsya qisadii
Maryam iyo wiilkeedii Nabi Cise.
Najaashi markuu dhegaystey suuraddaas oohin ayuu la dhacay
ilaa uu gadhkiisii ka qoyey, wasiirradii meesha fadhiyeynaa sidoo kale way
ooyeen markay maqleen Ilaahay aayaatkiisaas. Najaashi ayaa markaas hadlay oo
yiri: "waxaad akhriday iyo wixii Nabi Ciise la yimid hal dariishad bay ka
soo baxeeen", ka dibnay wuxuu ku jeestey labadii nin ee qureysh soo
dirsatay oo ku yiri "Ilaahay ku dhaartaye inaanan idiin dhiibayn dhibna
looma geysan karo".
Intaas markuu fadhigii ku dhammaaday oo lagu kala dareeray
ayaa Camar binu Caas ku yri saaxiibkiisii Cabdullaahi ibnu Rabbiica "Ilaah
ayaan ku dhaartaye shirqool ayaan u samaynayaa dadkaas berrito aan ku
dabargooyo markaasoo Cabdullaahi ku yiri "ha samynin arrintaa, maxaa
yeelay waa tolkeen haba na khilaafaane', hase yeeshee Camar waa ku adkeystey
go'aankiisii wuxuu mar labaad ku laabtay Najaashi isaga iyo saaxiibkiis waxayna
ku dheheen "boqoroow dadkaani Ciise ibnu Maryama waxay ka sheegaan hadal
weyn", markaasaa mar kale loo yeeray muslimiintii, markay yimaadeenna
Najaashi ayaa hadlay oo yiri "maxaad ka aamminsan tihiin Nabi
Ciise?", Jacfar ayaa u jawaabay oo yiri 'waxaan ka aamminsannahay wixii
Nabigayagu noo sheegay oo ah inuu yahay Ilaahay addoonkiisii, Rasuulkiisii,
ruuxdiisii iyo kalimmaddiisii uu Maryama ku riday", markaasaa Najaashi
qori yar kor u qaaday oo yiri "iska taga aammin baad ku tihiin dhulkayga
qofkii dhib idiin geystana waa dambiile, mana jecli in la siyo buur dahab ah oo
qof idinka mid ah dhib loo geysto", labadii nin ee qureysh ka socdeyna wuxuu
u yiri "ha loo celiyo hadiyaddooda uma baahniye".
Ka dibna isagoo hadalkiisii sii wata wuxu yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye hadda ka hor markii inqilaabka la igu sameeyey ee Ilaahay
iiga gargaaray laaluush igama uusan qaadan, qof bini aadan ahna arrinteyda
kalama uusan tashan, aniguna arrintiinna laaluushna ku qaadan maayo qof binu
aadan ahna ku raaci maayo". Hadalkaas oo ula jeedo in Ilaahay u gargaaray,
asna Ilaahay diintiisa iyo xisbigiisa uu u gargaarayo, sidaas ayaana arrintii
ku dhammaatay, wafdigii qureyshna ku laabtay isagoo la murug geliyey,
hadiyaddiina lagu soo celiyey, muslimiintiina waxaa Ilaahay siiyey cisso iyo
wanaag, waxayna dhulkii Xabashida ku joogeen nabadgelyo iyo wanaag.
Madaxdii qureysheed markii wafdigoodii ku soo laabtay una
warramay wixii uu dhulka Xabashida kala soo kulmay ayey aad u caroodeen kana
xumaadeen, waxaa kaloo murugo kale ku sii noqotay in Ilaahay diintiisii ay
Makka dhaaftay oo ay gaadhay Afrika ammaanna ku heshay, ayna baab'day arrintii
ay doonayeen oo ahayd in diintu aysan Makka dhaafin oo ay halkaas ku
cabburiyaan.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment