Fidrada macnaheeda: Waa sadaqo labixiyo soonka markii la
furo
Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah Ibanu cabaas wuxuu yiri (alaha ka raali noqdo)nabiga CSW
wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa
qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la'aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la
mid ah.
Waqtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto
Waxay wajibtaa maalinka ugu danbeeyo bisha soon,(2)
(asxaabta rasuulka SCW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba
maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda marka
salada ciida lagalo),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu
cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax
ka dheeraad ah.(4)
Cabirka labixinayo iyo noocyada lagu bixinayo
Abii saciidul khudri alaha ka raali noqdee wuxuu yiri
waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi nabiga SCW (saac oo raashin ah)(5) saacu wuxuu
u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka
badankii cunaan sida bariiska, baastada, burka, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6)
Nabiga SCW iyo asxaabtiisa alaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku
bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta
aad ku bixiseen waa in raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin
lacag cadaan ah.
Yaa la siinayaa
Qofkasta oo miskiin ah iyo todobada kale ee ay aayda
sheegtay,(7) waxaan ajar badan, oo waliba afdal ah inaad siiso masaakiinta
magaalada kula joogo,(8) miskiinka waa qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn.
See loo bixinayaa
Qofkasta inuu raadiyo miskiinka(9)
1 ehelkiisa.
2 dariskiisa.
3 qofkasta oo muslima ah.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment