"ADIGU WAAD RUMEYSAY MARKII AY DADKII GAALOOBEEN, ADIGU WAAD GAROWSATAY MARKII AY DADKII INKIREEN, ADIGU WAAD OOFISAY MARKII AY DADKII BALLANTA KA BAXEEN, ADIGU WAAD SOO JEESATAY MARKII AY DADKII CARAREEN" (CUMAR BINU KHADDAAB)
Sannadkii sagaalaad ee hijriyada ayaa waxaa diinta Islaamka
u hoggaansamay boqor ka mid ah boqorrada carbeed, ka dib markii uu in fara
badan ka biyo diiday. Iimaanka ayuu u jilcay, ka dib markuu madax adeyg iyo ka
jeedsi fara badan la yimid. Wuxuu Rasuulka (scw) siiyay oggolaansho buuxda, ka
dib diidmo dabadeed. Ninkaas aan tilmaamnay waa Caddiyyu Ibnu Xaatim ee
qabiilkiisu reer”ddaa’i-ga” ahaa kaasoo looga tusaalo qaato deeqsinimada
aabihiis.
Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu boqortooyada ka dhaxlay aabihiis,
reerkiisana isaga ayeey boqortooyada u caleemo saareen, sidaa darteed maalka ay
tolkiisa soo dhacaan wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim saami ahaan ugu lahaa afar
meelood meel. Markii uu Rasuulka (scw) la jahray dacwadii hanuunka iyo xaqa,
carabtiina ay Nebiga u hoggaansatay jilibba-jilib dabadii ayaa wuxuu Caddiyyu
Ibnu Xaatim u arkay dacwada Rasuulka mid khatar gelinaysa madaxtinimada iyo
boqortooyadiisa.
Sidaa darteed wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u qaaday Rasuulka
cadaawad aad u daran, iyadoo uu weliba uusan garan Rasuulka. Wuxuu xaaladdaas
cadaawadeed ku sugnaa muddo gaareysa labaatan sanno, jeer uu markii danbe Alle
(sw) laabtiisa ku waasiciyo nuurka iyo iftiinka hanuunka Islaamka. Haddaba,
islaamidda uu soo islaamay Caddiyyu waxaa ku dhex jirta sheeko aan marnaba la
illoobi karin. Aan marka isaga u deyno si uu noogu sii dhiraan-dhiriyo
dhammeystirka sheekadiisa, maxaa yeelay isagaa ku habboon inuu sheekada weriyo.
Naceybkii Caddiyyu ee
uu qabay Rasuulka:
Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu yiri: Ma jrin qof iga necbaa
Rasuulka ka dib markaan maqlay. Waxaan ahaa nin ay dadkiisa maamuusaan, sidoo
kalena waxaan ahaa nin kirishtaan (gaal ah) ah.
Waxaan ahaa nin tolkiisa ku dhex nool, oo xoolaha ay
tolkiisu ka soo helaan dagaallada afar meelood meel ayaan ku lahaa, sidii ay
sameyn jiraynba boqorrada carbeed. Hase ahaatee, markaan maqlay Nebi Muxammad
waan la coleeytamay oo waan dhibsaday, laakiin markay arrintiisu bannaanka
timid, awooddiisana ay fidday ayna bilaabeen ciidamadiisa iyo ilaaladiisa
daggaalka in ay ku fideen barriga iyo galbeedka dalalka carabta ayaa waxaan ku
iri wiil adeegahayga ahaa oo geellayga ii raaci jiray: ”waxaad ii diyaarisaa
neefaf geel oo goolal (cayilan) ah oo weliba hayin ah, waxaadna iigu xirtaa
meel ii dhow. Haddaad maqashid ciidamada ama ilaalada Muxammad oo yimid
magaalada durbadiiba ii sheeg”.
Goor subax barqin ah ayaa waxaa xaggeyga soo aaday wiilkii
shaqaalahayga ahaa, isagoo igu leh: ”wixii aad damacsanayd inaad sameyso haddii
ay magaaladaada soo galaan fardihii iyo ciidankii Muxammad hadda sameey”.
Waxaan ku iri: ”hooyadaa gablante’e maxaa dhacay?!”. Wuxuu yiri: ”waxaan arkay
calamo daaf-wareegaya guryaha, markaan weydiiyay cidda ay yihiinna waxaa la igu
yiri waa ciidankii Muxammad”. Waxaan ku iri, haddaba waxaad ii soo diyaarisaa
geelii aan horey kuu faray”.
Isla saacaddiiba waan kacay, waxaan faray ehelkayga iyo
caruurtaydaba in laga guuro dalkii aan weliggeen jeclayn. Waxaan billaabay
inaan socod-boobo, anniga oo weliba ku socda dhinaca gobolka Shaam si aan u
haleelo dadka aan isku diinta ahayn oo aan iyaga la deggo.
Waxaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn:
Arrinkii qaxa waxay iga deddejisay inaan raad-goobo dhammaan
ehelkayga. Markaan dhaafnay meelihii khatarta lahayd ayaa waxaan isha mariyay
ehelkaygii, waxaana ogaaday inaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn, iyadoo
aan uga soo tagnay meeshii la oran jiray: ”NAJD”. Suurto gal iima ahayn inaan
iyada u laabto, waan sii soconnay ilaa aan ka nimid dhulkii Shaam, halkiina
ayaan iskala deggay dadkii aynu isku diinta ahayn. Hase yeeshee walaashay waxaa
qabsaday wixii aan uga cabsanayay.
Anniga oo jooga Shaam ayaa waxaa i soo gaaray warar sheegaya
in fardihii ciidamada Muxammad ay weerareen guryaheena , isla mar ahaantaana ay
kaxeesteen dad ay ku jirto walaashay, iyadoo loo sii waday magaalada Madiina.
Naxariista Nebiga ee dumarka:
Gabadhii aan
waalaalaha aynu ahayn waxaa lagu daray dadkii la soo qabqabtay, iyagoo la
dejiyay meel u dhow iridka masjidka. Waxaa meeshii soo maray Nebiga (scw),
gabadhii markay aragtay Nebiga ayaa waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay
wuu dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu
galladaystee”. Rasuulka ayaa ku yiri: ”waa kuma walaalkaa?”. Waxay tiri: ”waa
Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Rasuulka: ”Ma kii Alle iyo Rasuulkiisa ka cararay
baa?!”, intaa ka dib wuu isaga tagay Rasuulka.
Maalintii danbe ayaa waxaa haddana soo maray Rasuulka,
waxayna ku tiri hadalkeedii hore oo kale, sidii oo kale ayuuna Rasuulka ugu
jawaabayay.
Maalintii saddexaad ayaa Rasuulkii soo maray, goor ay
gabadhiina Nebiga ka quusatay. Hase yeeshee nin meesha fadhiyay ayaa gabadhii
ku yiri, orodoo u istaag oo la hadal Nebiga, markaas ayeey istaagtay oo mar
kale ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay waa dhintay, kii walaalkay ahaana waa
la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka (scw) ayaa si
naxariis ku jirta u yiri: ”waan falay” (macnaha dalabkaaga waan aqbalay).
Gabadhii ayaa
Rasuulka ku tiri: haddaba, waxaan doonayaa inaan haleelo ehelkayga jooga
Shaam”. Wuxuu yiri: ”laakiin socdaalka ha ku degdegin jeer aad ka hesho cid
tolkaaga ah oo aad ku kalsoon tahay si ay kuu gaarsiiyaan Shaam, sidaa darteed
haddaad heshid cid aad ku kalsoon tahay ila soo socodsii”. Markii uu damcay
Rasuulka inuu dhaqaaqo, ayaa waxay gabadhii weydiisay ninkii u sheegay inay
Rasuulka la hadasho, waxaana lagu yiri wuxuu ahaa Cali Binu Abii Dhaalib.
Magaaladii Madiina ayeey iska degganayd jeer ay maalintii
danbe ay magaalada yimaadaan koox socoto ah oo ay ku kalsoon tahay, kolkaasna
waxay u timid Rasuulka (scw) oo waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow waxaan helay
dad socoto ah oo tolkayga ka mid ah oo aan weliba ku kalsoonahay kuwaasoo i
gaarsiinaya magaaladii ay joogeen ehelkayga. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay
codsigeedii, isagoo arad-bixiyay, wuxuu kaloo siiyay neef geel ah oo ay ku
safarto, dhinaca kalena wuxuu siiyay nafaqo ku filan inta ay safarka ku jirto.
Gabadhii waxay raacdey dadkii socdaalka ahaa.
Caddiyyu wuxuu yiri: Intaa ka dib waxaan billawnay inaan
raadinno wararka gabadha, iyadoo aan sugayno imaanshaheeda, innagoo weliba aan
sigayno inaan rumeysano wixii naga soo gaarey ixsaankii Muxammad iyo
asxaabtiisa ay u galeen walaashay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxaan dhex
fadhiyay ehelkayga markii aan arkay haween saaran gurada awrta ayna xaggeena u
soo socoto. Waxaan is iri: ma ina Xaatim baa, alla waa iyadii ayaan is iri
markaan hubsaday inay iyada tahay.
Markay na dul-istaagtay oo noo timid, waxay ugula hormartay
oraahdan: ”ma kii raxim-gooska ahaa ee daalimka ahaa miyaa, waxaad soo wadatay
xaaskaagii iyo caruurtaada, waxaadna ka soo tagtay walaalahaaga tii ugu yareyd
(waa iyada)”.
Waxaan ku iri, walaaleey waxaan kheyr ahayn ha oran, waxaan
bilaabay inaan sasabo oo aan raalli geliyo ilaa ay ka raalli noqotay, ayna iiga
sheekeesay wixii ay la kulantay. Wararkii ay sheegtay waa wararkii aan hore u
maqalay, waxaana ku iri -waxay ahayd gabar caqli badan lehna go’aan adag-:
”maxaad ka leedahay arrinka ninkan (wuxuu ka wadaa Nebi Muxammad scw).
Waxay tiri: ”wallaahi waxaan arkaa inaad sida ugu dhaqsaha
badan aad u haleesho, hadduu Nebi yahay waa kii loo degdegi lahaa fadligiisa,
hadduuse boqor yahay agtiisa dulli marnaba kuma noqonaysid”.
Waxyaabihii saameeyay
islaamka Caddiyyi Ibnu Xaatim:
Caddiyyu wuxuu yiri: waxaan u diyaar garoobay safar, annigoo
u kicitimay magaalada Madiina, waxaana u soo galay Rasuulka (scw), waxaana hore
aan u maqlay inuu yiri: waxaan rajeynayaa inuu Ilaah gacantayda ku dhigo
gacanta Caddiyyi, waan salaamay isagoo ku jira masjidka. Wuxuu yiri: ”waa
kuma?”. Waxaan iri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Wuu ii soo istaagay, ka dibna
wuxuu i qabtay gacanta isagoo ii kaxeeyay gurigiisa.
Wallaahi ayaan ku dhaartaye wuu i sii waday jeer uu waddada
kula kulmay haweeney tabardaran oo weliba waayeel ah, waxayna la socotay wiil
yar. Haweentii waxay istaajisay Nebiga, waxayna billowday inay kala hadasho
danaheeda, wuu la istaagnaa ilaa uu u dhammeeyo danaheeda. Naftayda ayaa waxaan
ku iri: ”Wallaahi kani boqor ma ahan”.
Gacanta ayuu haddana i qabtay ilaa aan ka nimid gurigiisa.
Wuxuu soo qaaday barkin ka sameysan harag, isagoo xaggeyga ku soo tuuray iguna
leh: ku fariiso”. Intaan ka xishooday baa waxaan ku iri: maya adiga ayaa ku
fariisanaya. Wuxuu yiri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Markaas ka dib ayaa
waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) oo waan ku fariistay, halka uu
isaga fariistay dhulka, sababtoo ah guriga ma lahayn waxaan ka ahayn
barkintaas. Naftayda ayaan markale ku iri: Arrintani iyo boqornimo kala dheer”.
Intaa dabadeed xaggeyga ayuu soo milicsaday, wuxuuna igu
yiri: ”Caddiyyiyoow, miyaadan ahayn nin Rukuusi oo diin ka dhigta diinta
kiristaanka iyo diinta Saabi’iyada?”. Waxaan iri: ”haa oo waa runtaa”. Wuxuu
yiri, miyaadan ahayn nin tolkaaga ka qaata afar meelood meel (maalka ay
dagaalka ka soo dhacaan), taasoo aynan diintaada kuu banneynin?”. Waxaan iri:
”haa”, iyadoo aan garowsaday inuu yahay Nebi xagga Rabbi laga soo diray.
Wuxuu haddana igu yiri (Nebigu):
”Waxaa laga yaabaa
Caddiyyiyoow, inay kaa reebayso inaad diinta soo gasho waxa aad aragto ee
fuqurada muslimiinta ah, Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay in
maalkii uu daaddaato muslimiinta dhexdooda jeer laga waayo cid qaadata.
Ma waxaa laga
yaabaa –Caddiyyiyoow– inay kaa reebayso inaad diinta Islaamka soo gasho waxa
aad aragto oo ah tirada yar ee muslimiinta iyo cadoowgooda oo badan, wallaahi
waxay u dhowdahay inaad maqasho haweeneey ka safraysa magaalada Al-qaadisiyyah
iyadoo saaran ratigeeda jeer ay ka soo booqato gurigan (kacbada-Makka) iyadoo
aynan cidna ka cabsanaynin aan ka ahayn Ilaah.
Waxaa laga yaabaa
inay kaa reebayso inaad soo gasho diinta Islaamka aragtida aad aragto boqortooyada
iyo awoodda oo ay gacanta ugu jiraan gaalada, Ilaah ayaan ku dhaartaye waxay u
dhawdahay inaad maqasho daarihii cad-caddaa ee dhulka Baabil (magaalo ku taalla
Ciraaq) oo ay furtaan muslimiinta, keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuzna ay
iyaga la wareegeen”.
Waxaan iri: ”Ma boqorkii Kisraa Binu Hurmuz!?”. Wuxuu yiri:
”haa keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuz”. Caddiyyu ayaa yiri: ”markay arrintu
halkaas marayso ayaa waxaan qiray shahaadadii xaqa, waana islaamay”.
Caddiyyu Ibnu Xaatim Ilaah ha ka raalli noqdee wuu cumriyay
oo wuxuu noqday waayeel, wuxuuna oran jiray: ”waxaan xaqiijiyay labo ka mid ah
waxyaabihii uu Nebiga sii sheegay, waxaase ii hartay hal qayb, wallaahi ayaana
ku dhaartaye taasna waa tii timaaddo”.
Caddiyyu wuxuu yiri, waxaan arkay gabadhii oo ka soo
safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda welibana ayna
cabsanaynin ilaa ay ka timaaddo magaalada Makka. Dhinaca kale annigaaba ka mid
ahaa fardoollaydii ugu horeeyay ee weerartay, qaadatayna keydihii boqorka
Kisraa. Waxaan ku dhaaranayaa inuu yabooha saddexeadna imaanayo.
Caddiyyu wuxuu yiri: Wuxuu Ilaah doonay inuu xaqiijiyo
oraahdii Nebigiisa naxariisyo iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxayna
dhacday yaboohii saddexaad xilligii khilaafadii zaahidka caabidka Cumar Binu
Cabdul-caziiz, markii maalkii meel la kala geeyo la waayey jeer laga arko nin
ku dhawaaqaya: ”yaa ii imaanaya oo iga qaadanaya maalkii zakada oo cidna ayna
imaanaynin” (xilligan waxaa xilligii dowladdii Cumar Binu Cabdul-caziiz, waxaa
la yiraahdaa inuu dowladdiisa soo saaray qaraaro fara badan oo uu ku kafaalo
qaadayo ummadda gaar ahaan fuqurada iyo dadka aan waxna haysan., sida qofkii
doonaya inuu guursado isla markaasna aan haysan hanti uu ku guursado inuu
maalkaas ka heli karo sanduuqa dowladda, sidoo kalena ciddii lagu leeyahay deyn
isla markaasna aan awoodin inay iska bixiso in sanduuqa dowladda uu ka heli
karo iwm.
Haddaba, waxaa is weydiin leh maxaa muslimiinta maanta ka
dhigay mujtamaca ugu liita dunida marka laga fiiriyo xagga dhaqaalaha, amniga,
difaaca, siyaasadda iwm, taasi way iska caddahay waa markii ay ka jeesteen ku
dhaqanka diintoodii Islaamka kuna dhisan sinnaanta & caddaaladda, dhinaca
kalena ahna diin taabanaysa guud ahaan qaybaha nolosha).
Nebi Muxammad (scw) waa ka run sheegay hadalladii uu yiri,
Caddiyyi Ibnu Xaatimna wuu meel mariyay dhaartiisii.
Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariista dhammaan
asxaabta Rasuulka oo uu ka mid yahay Caddiyyi Ibnu xaatim.
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Daabacaad: October 18, 2000
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment