Bukhaari ayaa ka wariyay Abuu Hureyra in Rasuulku (SCW)
xusay nin reer Banii Israa’iil ah oo ka codsaday qaar reer Banii Israa’iil ah
in uu daymiyo kun Diinaar, markaasuu ku yiri: markhaantiyaal ii keen, markasuu
yiri: Alle ayaa markhaati ku filan,
Markaasuu yiri: kafiil ii keen, markaasuu
ku ja-waabay Alle ayaa kafiil ku filan, markaasuu ku yiri: waa runtaa, kunkiina
wuu siiyay, muddo go’anna wuu u qabtay.
Ninkii wuxuu ku safray badda,
hawshiisiina waa soo gutay, ka dibna wuxuu raadshay markab uu soo fuulo oo uu
waqtigii loo qabtay ku soo galo, mana helin markab, markaas ayuu qaatay qori,
wuxuuna ka qoray gudaha, wuxuuna dhex galiyay kun Diinaar iyo war-qad isaga ka
socota oo ku so-cota ninkii lacagta daymiyay, ka dibna wuu daboolay, badda
ayuuna la yimid.
Wuxuu yiri: Alloow waad ogtahay in aan hebel ka daynsaday kun
Di-inaar oo uu I weydiistay kafiil oo aan iri: Alle ayaa kafiil ku filan,
markaasna uu kugu raal-li noqday, haddana wuxuu I weydiistay markhaanti, markaasaan
iri: Alle ayaa ku filan markhaanti, wuuna kugu raalli noqday.
Waxaan ku
da-daalay in aan helo markab aan ugu diro wixii uu lahaa, mana awoodin ee
Alloow adiga ayaan kugu ammaanaystay, wuxuuna ku tuuray badda ilaa ay
dhexgashay, ka dibna wuu iska tagay. Intaana wuxuu sii raadinayay mark-ab uu ku
aado ninkii balad-kiisii.
Waxaa soo baxay ninkii xoolaha daymiyay, isaga oo
eegaya inuu mark-ab xoolihiisii u sida yimid, markaas ayuu arkay qorigii maalku
ku jiray, markaas ayuu xaabo ahaan ugu qaa-tay ciddiisii, markii uu
mi-inshaareeyay ayuu ka helay maalkii iyo warqaddii.
Muddo ka dib ayuu soo
ga-lay ninkii uu wax daymiyay, wuxuuna keenay kunkii Di-inaar, wuxuuna yiri:
Wal-laahi intaas waxaan ku da-daalayay in aan markab helo; si aan maalkaagii
kuugu keeno, mana helin markab ka horreeya kan aan ku imid.
Markaasuu ku yiri:
waxba ma ii soo dhiibtay?, markaas ayuu ku yiri: waxaan kuu sheegayaa in aanan
helin markab ka horreeya kan aan ku imid. Wuxuu yiri: Allaah ayaa kaa guday
maalkii aad qoriga ku soo dirtay ee iskala noqo kunka Diinaar adiga oo
hanuunsan).
Faa’iidooyinka qisada:
1.In laga sheekeeyo waxy-aabaha la yaabka
leh ee ummadihii hore ka dhacay
2.Fadliga tawakulka iyo raadka uu ku leeyahay
gaarista ujeeddooyinka, sida ka muuqata qisada ninkaan oo Ilaahay talada u
dhiibtay, isna uu ka guday wixii lagu lahaa
. ……..Dhamaaaad…….
WD: Sh.Maxamed muumin(bakaaleey)
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: qisooyinka.blogspot.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment