”ABUU HUREYRA WUXUU UMMADDA ISLAAMKA U XAFIDAY WAX KA BADAN
KUN IYO LIX BOQOL OO XADDIIS KUWAASOO KA MID AH AXAADIISTA RASUULKA (SCW)”
Akhristow waxaa hubaal ah inaad taqaanid saxaabiga xiddiga
ah ee ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka (scw). Aynu isweydiinee ma ummadda
Islaamka ayaa waxaa ku jira ruux aanan aqoonin Abuu Hureyra?!. Dadku waxay ugu
yeeri jireen xilligii Jaahiliga (Islaamka kahor) ”Cabdi Shams”, hase ahaatee
markii uu Ilaah ku maamuusay diinta Islaamka, ee uu soo islaamay, kuna sharfay
la kulankii Nebiga (scw) ayaa wuxuu Rasuulku weydiiyay su’aashan: ”Magacaa?”.
Wuxuu yiri magacygu waa ”Cabdi Shams”. Nebiga (scw) ayaa ku yiri, maya ee waxaa
lagu yiraahdaa Cabdiraxmaan. Wuxuu yiri, haye oo magacaygu waa Cabdiraxmaan,
aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee Rasuulkii Alloow. Wixii maalintaas ka
danbeeyay wuxuu magaciisu ahaa Cabdiraxmaan, aabihiisna Sakhr. Waxay dadka ugu
kunyooni jireen Abuu Hureyra, sababta loogu baxshayna waxay ahayd, markii uu yaraa
ayaa wuxuu lahaa bisad yar, taasoo uu jeclaan jiray inuu la cayaaro. Wiilashii
ay isku da’da ahaayeen ayaa wixii maalintaa ka danbeeyay waxay ugu yeeri jiray
”Abuu Hureyra”, kunyadaas (abuu hureyra) ayuu markii danbe ku caan baxay.
Islaamiddii Abuu Hureyra
Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee wuxuu ku soo islaamay
gacantii Dhufeyl Binu Camar Al-dowsi, isagoo intaa wixii ka danbeeyay dhex
joogay tolkiisa reer Daws jeer laga soo gaaro sannadkii lixaad hijriyada kadib,
halkaasoo uu u soo wafdiyay Rasuulka (scw) oo joogay magaallada Madiina,
wuxuuna la socday qaar ka mid ah tolkiisa oo iyaguna soo islaamay. Abuu Hureyra
wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo u go’ay u-adeegidda iyo la-jirka Rasuulka
(scw). Fadhigiisa iyo deggaankiisu wuxuu ahaa masjidka, Nebigana (scw) wuxuu ka
dhigtay bare iyo hoggaamiye, mana uusan lahayn xilligaas reer ama caruur.
Sidii uu ugu baari fali jiray hooyadiis oo gaal ahayd
Abuu Hureyra wuxuu la noolaa hooyadiis oo waayeel ahayd,
taasoo ku adkeysatay shirkiga iyo gaalnimada. Inkasta oo ay gaal ahayd, haddana
Abuu Hureyra ma uusan ka noogi jirin inuu u duceeyo, wuu u cabsan jiray, wuuna
u baari fali jiray markasta, hase ahaatee iyadu way ka carari jirtay. Way ka
tagi jirtay, iyadoo walbahaarka Abuu Hureyra uu ka walbahaarayo hooyadiis ay
buuxinayso laabtiisa. Abuu Hureyra wuxuu yiri, maalin maalmaha ka mid ah ayaan
hooyaday ugu yeeray diinta islaamka,
markaasay waxay Nebiga (scw) ku sheegtay hadal aan dhibsaday, ina dhaawacay.
Wuxuu aaday Rasuulka (scw) isagoo oonaya. Rasuulka (scw) ayaa ku yiri: ”maxaa
kaa oohinaya!?”. Wuxuu yiri, waxaan ahaa mid aan ka noogin yeerista aan
hooyaday ugu yeerayo islaamka, halka iyaduna ay diidi jirtay inay soo islaamto.
Hase ahaatee, maanta ayaa waxaan ugu yeeray inay soo islaamto, dabadeedna
waxaan xaggaaga ka maqlay wax aan dhibsado, ee Rasuulkii Alloow waxaad Ilaah
uga baridaa inuu laabteeda islaamka soo aaddiyo. Nebiga (scw) ayaa u duceeyay Abuu
Hureyra hooyadiis. Wuxuu yiri Abuu Hureyra: ”waxaan ku dhaqaajiyay guriga,
markii aan u soo dhowaaday guriga ayaa waxaan maqlay dhawaaq sida biyo
daadanaya oo kale, markii aan damcay inaan gurigii galana waxay hooyaday igu
tiri: joogso meeshaada, dabadeedna waxay xiratay dharkeedii ka dibna waxay tiri
soo gal, markii aan gudaha guriga soo galayna waxay hooyaday tiri: waxaan
qirayaa jiritaanka Allaha xaqa ah, waxaan kaloo qirayaa inuu Muxammad yahay
addoonkii iyo Rasuulkii Alle…. Waxaan ku laabtay Rasuulka (scw), annigoo farxad
awgeed la oonaya sidii saacad ka horeba aan murugo darteed ula ooyay, annigoo
markaas ku leh Rasuulka: bishaarayso Rasuulkii Alloow…., Ilaah wuu aqbalay
ducadaadii oo wuxuu Alle (sw) hanuuniyay Abuu Hureyra hooyadiis.
Jeceylkii Abuu Hureyra ee Nebiga (scw)
Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu aad u jeclaan
jiray Rasuulka (scw) jaceyl weliba saameeyay hilibkiisa iyo dhiigiisaba. Wuxuu
Abuu Hureyra ahaa kii aan ka dhergin aragtida iyo eegista Nebiga (scw), wuxuuna
oran jiray: ma aanan arag wax ka qurxoon kana iftiin badan Rasuulka (scw) jeer
la maleeyo in ileyska iyo iftiinka qoraxda la dul yeelay wejiga xabiibka Nebiga
(scw). Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu ku mahadin jiray Allihii
ku galladaystay inuu noqdo saaxiibka Nebiga (scw) iyo inuu qaato diintiisa iyo
hanuunkiisa, wuxuuna oran jiray:
Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu Hureyra ku hanuuniyay
Islaamka.
Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu hureyra ku manneystay inuu
noqdo saaxiibkii Nebiga (scw).
Sidii uu Abuu Hureyra u jeclaa Nebiga (scw), ayuu misna uu u
jeclaa cilmiga, wuxuuna cilmiga iyo aqoontu u ahayd hadaf iyo yool uu tiigsado
markasta. Cilmiga ayaa u caado ahayd Abuu Hureyra Illaah ha raalli noqdee.
Nebiga (scw) ayaa ugu duceeyay cilmiga
Waxaa sheekeeyay Zeyd Binu Thaabit Ilaah ha ka raalli
noqdee, wuxuuna yiri: goor aan anniga iyo Abuu Hureyra iyo nin aynu saaxiibo
ahayn aan joogno masjidka welibana aynu Alle baryayno, xusaynana Alle ayaa waxaa
nagu soo baxay Rasuulka Alle (scw) ilaa uu dhexdeena fariisto, dabadeedna waynu
aamusnay. Nebiga (scw) ayaa nagu yiri, hadalkii aad wadateen u noqda . Anniga
iyo saaxiibkay ayaa waxaynu barinay Alle (sw) -kahor Abu Hureyra intuusan
baryin– markaas iyada ahna uu Rasuulka noo aamiinsanayo (leeyahay aamiin).
Haddana, waxaa Alle baryay Abuu Hureyra isagoo leh: Allahayoow waxaan ku
weydiisanayaa waxa ay ku weydiisteen labadayda saaxiib.. Waxaan ku
weydiisanayaa cilmi aan la hilmaamin… Nebiga (scw) ayaa yiri: aamiin. Annagana
waxaynu markale niri: Ilaahayow annagana waxaan ku weydiisanaynaa cilmi aan la
hilmaamin. Nebiga (scw) ayaa ku yiri: waxaa idinkaga hormaray wiilkii reer Daws
ahaa (Abuu Hureyra).
Siduu Abuu Hureyra uu naftiisa ula jeclaa barashada cilmiga,
ayuu misna ula jeclaa dadka inay weyneeyaan cilmiga. Taasina waxaan ku arki
doonaa dhacdadan soo socota. Abuu Hureyra ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo
maray suuqa magaallada Madiina, wuxuu arkay inay dadkii ku shuqloomeen
adduunyo, wuxuu arkay inay ku mashquuleen bicsharada iibka, gadista, siinta iyo
qaadashada. In yar ayuu dadkii is dul istaagay, dabadeedna wuxuu dadkii ku
yiri: Yaa idinka tabar daran haddaad tihiin reer Madiinoow!!. Waxay yiraahdeen,
ma waxaad aragtay kuwanaga tabarta daran Abuu Hureyrow. Wuxuu yiri, waxaa la
qaybsanayaa dhaxalkii Nebiga (scw), idinkana waxaad fadhidaan halkan..! War
miyeydaan tagaynin oo soo qaadanaynin qaybtiinii!! Waxay yiraahdeen waa
halkee?!. Wuxuu yiri: “masjidka”. Dadkii ayaa u deg-deggay masjidka, Abuu Hureyrana
iyaga ayuu sugay ilaa ay ka soo laabteen. Markii ay u yimaadeen, ayaa waxay ku
yiraahdeen: Abuu Hureyra, waxaynu aadnay masjidkii mana aanan arag wax lagu
qaybsanayay masjidka. Wuxuu ku yiri, miyeydan masjidka ku arag wax dad ah?!.
Waxay yiraahdeen: haa.., waa run oo waxaynu aragnay dad tukanayay, dad
aqrisanayay qur’aanka iyo kuwo kale oo baranayay cilmiga la xidhiidha xalaasha
iyo xaaraanta. Wuxuu yiri, haddaba taas ayaa ah dhaxalkii Nebiga (scw).
Faqrigii iyo gaajadii uu la kulmay Abuu hureyra
Dhibaatooyin fara badan ayuu
Abuu Hureyra kala kulmay barashada cilmiga diinta iyo u go’idda
fadhiyada Rasuulka (scw), taasoo aynan jirin qof sidiisoo kale ah. Abuu Hureyra
oo arrintan ka sheekeenaya wuxuu yiri: waxaa dhici jirtay inay gaajada i haysa
igu adkaato jeer aan ka noqdo mid asxaabta ka weydiiyo aayad qur’aan ah
-markaasna aan ogahay macnaha aayadda- waxa aan u weydiinayo waa inuu ii wado
gurigiisa oo uu i soo siiyo cunto.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gaajadii i haysay igu adkaatay, markaas ayaa waxaan
caloosha ku xiray dhagax, waxaana fariistay waddada dhexdeeda. Waxaa waddadii
soo maray Abuubakar (rc) waxaana weydiiyay aayad qur’aan ah, sababta aan u
weydiinayana waa inuu gurigiisa ii kaxeeyo, mana ii kaxeynin. Intaa ka dib,
waxaa haddana waddada soo maray Cumar Binu Al-khaddaab (rc), waxaan weydiiyay
aayad qur’aan ah, isna iima yeerin jeer uu markii danbe ka soo maro Rasuulka
(scw), wuxuu gartay gaajada i haysa wuxuuna yiri: ”Ma Abuu Hureyraa?!”. Waxaan
iri, haa, waana ku ajiibay Rasuulkii Alloow, ka dibna waan raacay, waxaana
annigoo la socdo galnay gurigiisa. Wuxuu Nebiga (scw) guriga ka helay weel
caano ku jireen, markaas ayuu reerkiisa ku yiri: ”intee ayuu nooga yimid kani”.
Waxay yiraahdeen, waxaa kuu soo diray hebel. Wuxuu yiri, Abuu Hureyroow waxaad
u yeertaa jamaacadii la oran jiray Ahlu-Sufa (waxay ahaayeen dad masaakiin ah,
kuwaasoo aan lahayn reer iyo caruur iyo hoy midna, waxayna seexan jirayn
masjidka Nebiga). Waxaa i dhibtay inaan Ahlu-Sufa ugu yeero weelkan yar ee
caanaha ku jira, waxaana naftayda ku iri: Sidee ayeey u deeqaysaa Ahlu-Sufa
weelkan yar?!. Waxaan filayay inaan hal mar dhamo caanahan si aan ugu
xoogeysto, deedna aan iyaga u aado. Waxaan u imid Ahlu-Sufa, waxaana aan ugu
yeeray weelkii caanaha ku jireen. Hal mar ayeey yimaadeen, markii ay soo ag
fariisteen Rasuulka ayaa wuxuu igu yiri: ”intaad qaadid u gee iyaga”. Waxaan
bilaabay inaan mid mid u siiyo caanihii ilaa ay dhammaantood caanihii ka
dhamaan, weelkiina waxaan u celiyay Rasuulka (scw). Nebiga (scw) ayaa madaxiisa
kor u qaaday isagoo muusoonaya, wuxuuna yiri: ”waxaa haray anniga iyo adiga”.
Waxaan iri, run baad sheegtay Rasuulkii Alloow. Wuxuu yiri, haddaba, cab
caanaha, waana cabay. Markale ayuu igu yiri, cab, haddana waan cabay. Rasuulka
(scw) kama uusan suulin kii yiraahda cab, anniguna aan cabbayo caanihii ilaa
markii danbe aan ka iraahdo: Ilaahii xaqa kugu saaray waxaan kuu dhaaranayaa
inaanan awoodin inaan sii cabo.. Wuxuu qaaday weelkii, dabadeedna wuxuu cabbay
suubbanaha Nebiga (scw) caanihii soo haray.
Waqti dheer kama aynan soo wareegan xilligaas, jeer
kheyraatkii iyo barwaaqooyinkii ay dhex shubmaan muslimiinta, waxaana korkooda
ku soo shubmay qaniimooyinkii ay ka heleen furashada. Abuu Hureyra wuxuu
yeeshay hanti, guri, reer iyo caruurba. Hase ahaatee waxaasoo kheyraat iyo
nimco ah-ba ma aynan beddelin naftiisii sharafta badnayd, dhinaca kalena ma
aynan hilmaansiinin maalmihii uu faqiirka ahaa, wuxuuna inta badan oran jiray:
”waxaan ku barbaaray agoonimo, waxaan guuray oo hijrooday
annigoo miskiin ah, waxaan shaqaale ka ahaa beer ay lahayd ina Qazwan annigoo
ugu shaqeyn jiray si calooshii ugu shaqeystinimo ah, waxaan ahaa kii u adeega
reerka markay soo deggaan, ratiga ayaan u kaxeyn jiray, Ilaahayna wuxuu ii
sahlay inaan ka guursado shaqadii beertaas. Waxaa mahad iska leh Allaha diinta
islaamka nidaam nooga dhigay, Abuu Hureyrana ka dhigay hoggaamiye. Abuu Hureyra
wuxuu madax ka noqday magaallada Madiina, isagoo ka socda dowladdii Mucaawiye
Binu Abii Sufwaan (rc) wax ka badan hal jeer, madaxtinimadaas uu noqday Abuu
Hureyra ma aynan beddelin dabeecaddiisii.
Wuxuu ku tilmaanaa tilmaamo suubban
Illaah ha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Hureyra kulansaday
cilmi xeel dheer, cafis iyo saamixitaan badan, Alle ka cabsi iyo
xalaal-miiradnimo. Wuxuu ahaa kii sooma maalintii, halka habeenkii qayb uu ka
tukan jiray salaatul-leylka. Wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa habeenka
saqda dhexe, habeenka intiisa danbena wuxuu salaadda u toosin jiray gabadhiisa.
Guriga Abuu Hureyra wuxuu ahaa kii aan laga-kala-goyn cibaadada habeenkii oo
dhan. Abuu Hureyra waxaa u shaqeyn jirtay gabar madoow ah, gabadhii ayaa waxay
u gaftay maalin Abuu Hureyra, dabadeedna wuu istaagay, wuxuuna soo qaatay
jeedal si uu markaa ugu garaaco gabadha. Haddana wuu is qabtay isagoo gabadhii
ku leh: “haddii aynan jirin qisaas
maalinta qiyaame waan ku xanuujin lahaa sida aad noo dhaawacdayba, hase ahaatee
waxaan kaa iibinayaa qof i siiya qiimahaaga, waqtigaasna aan aad ugu baahanahay
… Iska tag, Alle dartii ayaan kuu xoreeyee.. Abuu Hureyra cabsidiisa Alle ayaa
waxaa wehelisay adduunyo naceyb, wuxuu sida badan ku dadaali jiray u-camal
-falka maalinta aakhiro, sidaa darteed wuxuu markasta ka wel-weli jiray
cadaabta iyo xanuunka ay wadato naarta. Maalin ayaa gabadhiisii waxay ku tiri,
aabe gabdhaha saaxiibadayda ah way i caayaan, waxayna igu yiraahdaan: muxuu
aabahaa kuugu gadi waayey dahab?!. Wuxuu ku yiri, gabadhaydiiyey, waxaad ku
tiraahdaa: aabahay wuxuu iiga cabsanayaa kulka naarta Jahannamo. Diidmada uu
Abuu Hureyra gabadhiisa dahabka ugu diidayay kama ahayn bakheylnimo awgeed,
maxaa yeelay wuxuu Abuu hureyra ku tilmaanaa deeqsinimo iyo gacmo furnaan, gaar
ahaan xilliga jidka Alle loo duulayo. Marwaan Binu Al-Xakam ayaa wuxuu Abuu
Hureyra u soo diray boqol diinaar oo dahab ah, maalintii kale markii la gaaray
ayaa wuxuu u qoray warqad uu ku leeyahay sidatan: khaadimkaygii wuu qaldamay oo
wuxuu ku siiyay lacago diinaar ah, annigana kulama aanan doonin, ee waxaan u
doonayay qof aanan adiga ahayn. Abuu Hureyra arrintii wuu ka qoomameeyay,
wuxuuna yiri: waxaan lacagta u bixiyay si jidka Alle ah, markuu mushaarkayga
yimaado ka qaado lacagta. Hase ahaatee, waxay Marwaan ka ahayd oo keliya inuu
imtixaano Abu Hureyra, markii uu arrinkii u fiirsadayna wuxuu oggaaday inuu sax
yahay hadalkiisii.
Hal meel ma wada harsanayno anniga iyo kan qaraabadiisa
gooya:
Abuu Hureyra wuxuu weligiis baarri u ahaa hooyadiis, mar
alla markuu guriga ka baxayana intuu istaago iridka aqalka ayaa wuxuu oran
jiray: “salaan iyo nabad gelyo korkaada ha ahaato hooyo” Iyaduna waxay ugu
jawaabaysay: “adigana sidoo kale dushaada ha ahaato naxariistii iyo barakaatkii
Alle”. Wuxuu haddana ku yiri: “Allaha kuugu naxariisto sidii aad annigoo yar
igu soo barbaarisay”. Waxay haddana ku tiri: “Allaha kuugu naxariisto sidii aad
annigoo weyn iigu baarri-fashay”. Markuu guriga ku soo laabtana wuxuu oran
jiray hadalladaas oo kale.
Wuxuu Abuu Hureyra ku dadaali jiray inuu dadka ugu yeero
sidii ay ugu baari-fali lahaayeen waalidiintooda, iyo xiriirinta qaraabadooda.
Waxaa hadalladiisa ka mid ahaa hadalkan: "hal meel ma wada harsanayno
anniga iyo kan qaraabadiisa gooya". Wuxuu maalin maalmaha ka mid ah arkay
labo nin oo wada socda, oo kala da’ weyn. Wuxuu kii yaraa weydiiyay waxa uu kan
kale u yahay, wuxuuna ku yiri: “waa aabahay”. Haddaba wuxuu Abu Hureyra ninkii
ku yiri: “magaciisa ha ugu yeerin, hortiisana ha socon, hana fariisan hortiisa.
Safar dheer iyo sahay yar
Markii uu Abuu Hureyra xanuunsaday bukaankii dhimashadiisa
ayaa uu ooyay, waxaana lagu yiri maxaad la ooyaysaa?. Wuxuu yiri, lama oynayo
cabsida aan ka qabo dunidan tan ah, hase ahaatee waxaan la ooyay safarka dheer
ee i sugayo, iyo saadka iyo sahayda yari ee aan wato. Waxaan istaagay
dhammeystirka waddo, taasoo ii sii kaxeynaysa Janno ama Naar, mana ogi labadaas
meelood meesha aan ku danbeyn doono. Waxaa Abuu Hureyra soo booqday Marwaan
Binu Al-Xakam, isagoo ku leh: Abuu Hureyrow Allaha ku shaafiyo. Wuxuu Abuu
Hureyra ku Alla baryay ducadan, wuxuuna yiri: “Illaahayow waxaan jeclahay
la-kulankaaga ee waxaad adiga jecaataa la kulankayga, iina soo deddeji inaan
kula kulmo". Maba uusan Marwan ka bixin gurigii jeer uu ka geeriyoodo Abuu
Hureyra. Illaah ha u naxariisto Abu Hureyra raxmad waasic ah, wuxuu ummadda
muslimiinta u xafiday wax ka badan kun iyo lix boqol iyo sagaal xaddiis kana
mid ah axaadiista Rasuulka (scw), Ilaahay Islaamka iyo Muslimiinta ha uga
jazeeyo kheyr, aamiin
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Daabacaad: September 4 2001
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment