CASHARKA 12-AAD TAARIIKH NOLOLEEDKA SAXAABADA: MAJSA’ATA IBNU THAWR AL-SADUUSI



”MAJSA’ATA WAA GEESI HALYEEY AH. WUXUU ISU-SOO-BAX DAGAALEED KU LAAYEY BOQOL KA MID AH MUSHRIKIINTA. HADDABA, MAXAAD U MALEENAYSAA INTA UU KU DHEX LAAYEY DAGAALKA BARTAMIHIISA”.

Waa xilli ay geesiyadii sharafta badnaa ee ciidanka Alle ay iska ja-jafayaan boorkii dagaalka Al-qaadisiyah, weliba iyagoo ku faraxsan guushii uu Ilaah ka siiyay dagaalka, sidoo kalena ku faraxsan wixii walaalahooda dagaalka ku shahiiday loo qoray oo ajar ah. Dhinaca kale waa xilli ay u hilowsan yihiin dagaal la mid ah dagaalkii Al-qaadisiyah, isla markaana ay sugayaan inuu xagga khaliifka Cumar Binu Khaddaab (rc) uga yimaado amar tilmaamaya inay sii wadaan jihaadka si loo ciribtiro carshigii reer Kisraa.

Sugitaankoodii maba sii dheeraanin jeer uu maalintii danbe ka yimaado magaalada Madiina nin uu soo diray Khaliifka Cumar isagoo siday dhambaal ku socota guddoomiyaha gobolka ee Abii Musa Al-ashcariyyi. Dhambaalka wuxuu ku saabsanaa inuu Abuu Musa kaxeeyo ciidanka muslimiinta iyadoo ciidanka lagu darayo ciidan kale oo ka iman doona magaalada Basra, iyagoo markaasna si wadajir ah u aada gobolka la yiraahdo Al-ahwaaz (magaalo ku taalla Iiraan), si loo raacdeeyo hoggaamiyaha reer Furus ee la yiraahdo Al-hurmuzaan markaas ka dibna laga takhalluso lana xoreeyo magaallada Tustur, magaaladaasoo ahayd xarunta boqortooyada reer Kisra.
Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi: sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa.

Amarkii Khaliifka Cumar uu u soo diray Abii Musa ayaa waxaa ku jiray inuu Cumar amray Abii Muusaa inuu dagaalka uu u kaxeysto dagaalyahankii geesiga ahaa ee la oran jiray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, isla mar ahaantaana ahaa sayidkii reer Banii Bakr ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa.  Halkan, waxaan ka fahmaynaa qiimaha uu lahaa Majsa’ata Ibnu Thawr.

Saxaabigii Abii Musa Al-ashcariyyi wuxuu shaaca ka qaaday amarkii Cumar Binu Khaddaab, wuxuuna diyaariyay ciidankiisa, dhinaca bidix ee ciidankana wuxuu yeelay Majsa’ata Ibnu Thawr, dabadeedna wuxuu ciidankii ku daray ciidankii ka imaanaayay magaalada Basra, sidii ayeeyna si wadajir ah u dhaqaaqeen iyagoo jidka Alle u duulaya. Kama aynan suulin muslimiintii kuwii magaalooyin badan xoreenaya, tirtirayana meelihii ay gaallada ku jireen, halka hoggaamiyihii ciidanka Faaris ee Hurmuzaana hortooda cararaya jeer uu ka gaaray magaaladii Tustur, iskuna ilaaliyay dhufeysyadeeda.
Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan.

Magaallada Tustur ee uu Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa waxay ahayd magaalooyinka reer Furus magaallada ugu bilicda badan xagga quruxda, xagga cimilladana waxay ahayd tan ugu quruxda badan, sidoo kalena waxay ahayd meel aad ugu habboon xagga dhufeys-galka. Waxaa intaa dheer waxay magaaladu lahayd magac dheer oo leh taariikh qadiim ah, waxayna ku taallay meel taag ah oo qaabka ay u dhisan tahay u ekeyd qaab sida faras oo kale.

Waxaa magaallada waraabiya oo mara webiga yar ee lagu magacaabo ”Nahru Dujeyl”. Waxaa magaallada ay lahayd taallo-biyood, taalladaasoo uu dhisay boqorkii la oran jiray Saabuur, waxaa dhinaca taallada ka soo burqanayay biyaha webiga iyadoo ay marayaan waddooyinka mara dhulka hoostiisa.

Haantaas biyaha iyo waddooyinkaas dhulka hoostiisa mara ayaa waxay ka mid ahaayeen dhismaha kuwooda lala yaabo. Maxaa yeelay waxaa lagu dhisay dhagaxyo waaweyn, waxaana lagu taagay tiirar bir ah oo aad u adag, dhinaca kalena dhulka waddooyinka hoose marana waxaa lagu goglay maar. Hareeraha magaallada Tustur waxaa ahaaday derbi aad u weyn aadna u dheer, kaasoo hareereeya magaallada.

Culumada mu’arrikhiinta waxay yiraahdaan, derbigan wuxuu ahaa derbigii ugu horeeyay uguna weyna ee laga dul dhiso dunida dusheeda.

Intaa dabadeed wuxuu Hurmuzaan hareeraha derbigaas ka qoday god dhufeys ah, kaasoo ay adag tahay in laga soo tallaabo, dhinaca kale wuxuu godkaas ka buuxiyay ciidanka Faaris kuwooda xulka ah. Haddaba, muslimiinta waxaa ku soo food lahaaday mushkilad cusub, waayo waxay yimaadeen meel aynan awoodi karin inay gudbaan.

Ciidamadii muslimiintii waxay fadhiyeen hareeraha derbiga Tustur, iyagoo halkaas fadhiyay muddo dhan 18 billood oo aynan awoodin inay godkaas ka gudbaan. Muddadaas intaas le’eg waxay ciidamada muslimiinta la galeen ciidamada Furus 80 iska horimaadyo ama dagaallo.

Dagaal kastana oo ka mid ah dagaalladaasna waxay ku billaabanayeen qaab isu-soo bax, iyadoo ay isu beddeli jireen markii danbena dagaal qadhaadh oo weliba lagu hoobto. Haddaba, Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi ayaa wuxuu goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro la yaab leh, taasoo ka yaabisay cadowyadii iyo asxaabtii hal waqti. Waxaa u suurto gashay Majsa’ata inuu laayo boqol nin oo ka mid ah halyeeyadii fardoollayda ahaa ee reer Furus, magaciisana wuxuu noqday mid cabsi ku rida safafka gaallada Furus, halka sharaf iyo awood ay u kordhinaysay muslimiinta.

Saxaabo fara badan oo aanan markii hore aqoonin Majsa’ata ayaa gadaal danbe ka garawsaday sababta uu amiiral mu’miniinka ugu dadaalay inuu halyeeygan geesiga ah ka mid noqdo ciidamada muslimiinta. Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka mid ahaa dagaalladii 80-ka gaarayay ayaa waxay muslimiintii weerareen ciidamadii cadoowga weerar geesinimo leh, nimankii gaallada ahaa ee reer Furus ahaana waxay ka carareen kaabadihii ka dhisnaa godka korkiisa, waxayna ku dhuunteen magaallada Madiina iyagoo isku soo xiray iriddadii dhufeyska ahayd.

Muslimiintii, waxay galeen khatar hor leh.

 Sabarkii dheeraa ka dib, waxay muslimiintii markale u gudbeen xaalad ka xun tii ay markii hore ku sugnaayeen. Gaalladii reer Furus waxay billaabeen inay leebabkoodii sida roob oo kale uga dhigaan muslimiinta, iyagoo ka soo ganayay dhismayaashii sare korkoodii ee ay ku jireen. Waxay kaloo billaabeen inay derbiyada korkooda ka soo laalaadiyaan silsilado dab ah, silsilad kastana afkeeda waxay wadatay kalbado holcaysa, kuleyl badni awgeed. Haddii mid ka mid ah muslimiinta isku dayo inuu soo koro derbiga amaba uu u dhowaado, gaalladii waxay ku daban jireen kalbaddii sidiina ayeey ku soo jiidan jireen, markaas jirkii ayaa guban jiray, hilibkiisana wuu kala daadaadan jiray sidaasna ayuu ku dhimman jiray.
Waa xaalad aad u qadhaadh.

Waa xaalad aad u qadhaadh. Muslimiintii waxaa ku badatay dhibaatadii, sidii lagu yiqiinnayba waxay billaabeen inay Ilaah baryaan, iyagoo si qushuuc leh isugu dulloonaya Rabbigooda sharafta badna si uu uga qaado dhibaatadan, isla markaasna uga gargaaro cadoowgooda gaallada. Goor uu Abuu Musa Al-ashcariyyi uu ee-eegayo derbigii weynaa ee Tustur, isla mar ahaantaana ka quustay in laga gudbo derbiga, ayaa waxaa hortiisa ku dhacay leeb laga soo tuuray dhinaca derbiga. Wuu eegay, wuxuuna arkay inay wadato warqad ku qoran: "annigu waan idinku kalsoonaaday haddaad tihiin jamaacada muslimiinta, waxaana idin weydiisanayaa amaan iyo nabadgelyo anniga iyo naftayda iyo ehelkayga iyo ciddii i raacdaba, annigana dhinaceeyga waxaa ballan ah inaan idin tusin doono meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan meeshan magaallada Madiina".

Abuu Muusa wuxuu ninkii u qoray warqad xambaarsanayd inuu amaan iyo nabadgelyo siinayo ninkii, wuxuuna warqaddii ay ku qornayd fariintaas kula xiray leeb dabadeedna ninkii ayuu u tuuray. Ninkii wuxuu ku kalsoonaaday nabadgelyada iyo amaanka muslimiinta iyagoo lagu yiqiinnay tusaalahaas wanaagsan sida ballanta oo laga run sheego, ballanta oo la oofiyo.

Ninkii wuxuu u soo dusay muslimiintii, isagoo ku gabbanaya mugdiga habeenka. Markii uu u yimid Abuu Muusa waxa uu u sheegay waxa uu yahay dhab ahaan, wuxuuna yiri: "innagu waxaan ka mid nahay dadka magaalladan deggan madaxdeeda, ninka la yiraahdo Hurmuzaan (hoggaamiyaha ciidamada Furus) wuxuu laayey walaalkaygii iga weynaa, hantidiisii iyo reerkiisana wuu dhacay. Annigana wuxuu ii hayaa cadaawad iyo xummaan oo wuxuu doonayaa inuu i dilo. Caddaaladiina ayaan dulmigiisa ka door biday, ballan oofintiina ayaan ka door biday ballan ka-bixiisa, waxaana go’aan ku gaaray inaan idin tuso meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan Tustur, sidaa darteed waxaad i siisaa nin ku tilmaaman dhiiranaan iyo maskax furnaan, dhinaca kalena yaqaana dabaasha si aan u tuso waddada".

Abuu Muusa Al-ashcariyyi oo hoggaaminayay ciidamada muslimiinta ayaa wuxuu u yeeray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, ka dibna wuxuu sir ahaan ugu sheegay arrinkan isaga ah isagoo ku yiri: ”waxaad iigu kaalmaysaa nin ka mid ah tolkaaga, ninkaasoo leh go’aan adag iyo caqli hufan, isla markaasna yaqaana dabaasha”. Majsa’ta ayaa durbadiiba yiri: "ninkaas waxaad ka dhigtaa anniga amiiroow".

Abuu Muusa ayaa wuxuu ku yiri, haddaaba sidaa doontay ku soco barakada Ilaahay, intaa dabadeed wuxuu u dardaarmay inuu xifdiyo waddada, sidoo kalena u fiirsado iridka halka uu ku yaallo, iyo inuu soo xaddido meesha uu joogo Hurmuzaani, inuu sidoo kale soo hubsado shakhsiga Hurmuzaan, dhinaca kalena uusan wax ficil ah qaadin aan ka ahayn howshii loo diray.

Majsa’ata ayaa dhaqaaqay goor habeen ah, isagoo ku gabbanaya gudcurka iyo mugdiga habeenka isagoo la socda ninkii faarisiga ahaa. Way socdeen ilaa ay ka soo galaan meel nafaq ah (waddo marta dhulka hoostiisa), kaasoo isku xira webiga iyo magaallada. Nafaqaas ama godkaas wuxuu mararka qaarkood noqonayay mid waasic ah oo waxaa suurta galeysay in socod looga gudbo, halka marka kale uu ciriiri noqonayay jeer ay sababto inuu dabaasho.

Waddada nafaqa wuxuu ahaa mid qal-qalooca oo kala bax-baxa, mararka qaarkoodna wuxuu noqonayay mid toosan. Sidaas ayeey ku jireen ilaa ay markii danbe ka soo gaareen meeshii looga baxayay magaalada. Ninkii Faarisiga ahaa ayaa wuxuu Majsa’ata tusiyay Hurmuzaan.

Majsa’ata wuxuu yiri, waxaan isha saaray hoggaamiyhii ciidamada Furus ee Humrmuzaan, iyo goobtii dhufeyska u ahayd. Kolkii uu Majsa’ata arkay Hurmuzaan ayaa wuxuu damcay inuu leeb ku gano dhuuntiisa, hase ahaatee durbadiiba wuxuu xasuustay dardaarankii uu siiyay Abuu Muusa Al-ashcarriyyi ee ahayd inuusan wax ficil ah qaadin. Majsa’ata wuxuu xakameeyay naftiisa, wuxuuna ku noqday halkii uu markii hore ka yimid intaan la gaarin fajarkii.

Abuu Muusaa Al-ashcarriyyi Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu diyaariyay ciidan gaarayay ilaa 300 qof, kuwaasoo ka mid ah ciidamada muslimiinta kuwooda ugu geesisan, uguna adkeysi badan, dhinaca kalena ugu adkeysiga badan xagga dabaasha. Ciidankaas wuxuu amiir uga dhigay Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, wuuna sagootiyay oo u dardaarmay. Wuxuu ciidamada muslimiinta astaan uga dhigay oraahda takbiirta (allahu akbar), taasoo calaamad u ah goorta la galayo magaallada.
Majsa’ata oo hoggaaminayay ciidamada.

Majsa’ata oo hoggaaminayay ciidamada, ayaa wuxuu ciidankii faray inay iska fududeeyaan dharka ay qabaan, si aynan biyaha u cusleynin dharka. Dhinaca kale, wuxuu uga digay inay soo qaataan waxaan ka ahayn seefahooda, isagoo u dardaarmay inay seefaha ku adkeeyaan jidhkooda. Ciidamadii way dhaqaaqeen, way socdeen ilaa laga gaaray habeenka qaybtiisa hore (qiyaastii 10-ka habeenimo).

Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi iyo ciidankiisa geesiga ahaa waxay godka nafaqa ku jireen muddo ku dhow 2 saacadood, iyagoo socday waddada marta dhulka hoostiisa meeshaasoo aad khatar u ahayd. Kahtartaasina haddaan arki doonnaa. Markay yimaadeen meeshii looga baxayay godka nafaqa ayaa wuxuu Majsa’ata ogaaday in nafaqii uu liqay labo boqol iyo labaatan nin oo ka mid ah ciidamadiisa, waxaana ciidamadii isugu soo haray oo keliya 80 nin. Gumadihii Majsa’ata iyo asxaabtiisa maba aynan dhigin dhulkii magaallada jeer ay soo baxsadeen seefahoodii, kuna qamaameen ciidankii waardiyeenayay dhufeyska iyagoo seefahoodii ku laayey ciidankaas.

Intaa dabadeed, waxay ku soo boodeen albaabadii wayna fureen iyagoo ku hutaafayay ALLAHU AKBAR. Takbiirtooda (allahu akbartoodii) iyo takbiirta ciidankii gudaha ku jiray ayaa wada kulantay, markaasna waxay muslimiintii gudaha ku jiray soo aadeen dhinacii magaallada, waxayna ahayd xilli waaberi ah. Ciidamadii muslimiintii iyo cadoowgii gaallada ayaa madaxa isla galay, waxayna is dhaafsadeen dagaal aad loogu hoobtay, taasoo ay yar tahay in lagu arko taariikhdii duulimaadyada marka laga eego xagga dhibaatada, cabsida iyo tirada dhimashadaba.

Goor uu dagaalku socdo ayaa wuxuu Majsa’ata arkay hoggaamiyihii Hurmuzaan. Isla markiiba, wuxuu soo aadey dhinaciisa, hase ahaatee waxaa ka dhex galay dadkii dagaalamayay oo ka qariyay ninkii uu eeganayay. Wax yar ka dib, ayuu haddana arkay, dabadeedna wuxuu u cararay xaggiisa isagoo la soo baxay seeftiisa. Halkan, wuxuu Majsa’ata kala kulmi doonaa dhibaato, maxaa yeelay sidaan hore ugu soo aragnayba Majsa’ata iyo ciidamadiisuba ma aynan wadan cambuur bireedka dagaalka, taasoo u diidday godkii biyaha ee ay soo mareen.

Majsa’ata iyo Hurmuzaan waxay iskula boodeen seefahoodii, mid kastana midka kale wuxuu ku dhuftay darbad xoog leh. Laakiin nasiib darro, Majsa’ata oo aanan qabin cambuur bireedka way haleeshay darbadii seefta, halka Hurmuzaan ay ka difaacday cambuur bireedkiisa. Geesigii halyeeyga ahaa ee Majsa’ata wuxuu si sara joog ahaan ugu dhacay goobtii dagaalka, isagoo ishiisu ay ku qabowsatay wixii uu Ilaah gacantiisa ku xaqiijiyay oo guul ah. Ciidamadii muslimiintii waxay sii wadeen dagaalka jeer uu Ilaah ka siiyo gaallada guusha, ayna gacanta ku dhigaan hoggaamiyihii ciidamada Furus ee Hurmuzaan.
Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina.

Muslimiintii iyagoo furashadii iyo guushii ay heleen ku bishaaraysanaya ayaa waxay yimaadeen magaalada Madiina, iyagoo Khaliifka Cumar Binu Khaddaab ugu bishaaraynaya guusha furashada ee uu Ilaah ku mannaystay, isla mar ahaantaana ayna wadaan hoggaamiyihii ciidanka Furus ee Hurmuzaan. Muslimiintii bishaaraynaysay waxay Khaliifka Cumar uga tacsiyeeyeen geeridii ku timid geesigii halyeeyga ahaa ee Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu uga abaalmariyo guulihii uu Islaamka u soo hoyay xasanaad iyo ajar fara badan, dhinaca kalena uu ummadda Islaamka maanta ku karaameeyo in la helo boqolaal la mid ah halyeeyga Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi aamiin.

###

Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Daabacaad: November 1, 2000


FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM 
Facebook.com/faafidiinta   
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA

 


Share on Google Plus

Qoraaga: Unknown

Magaceygu waa Abdishakur Hussein Mohamed loo yaqaan (Shakra), waxaan ku noolahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia, waxaan jecleystay inaan xirfadeyda wariyenimo ku kaabo faafinta Diinta Islaamka. Hadii aad tahay qof jecel diinteenna xaniifka ah ee Islaamka fadlan hadda is weydii maxaad u qabatay diinteenna oo loo daadiyay dhiiggii qaaliga ahaa ee Nabi Mohamed SCW, diinta aan u istaagay inaan ka shaqeeyo waxaa u dhintay boqollaal geesiyaal muslimiin ah AHUN. FG: Hadii aad kheyr qabe tahay ogow inuu jiro walaal kale oo madow kaga jiro Diinta Islaamka oo laga yaabo inuu saaladaha wahsado ama aanan soomin.
    Blogger Comment

0 comments:

Post a Comment

@Walaalaha Faafi Diinta Islaamka . Powered by Blogger.