Soonku wuxuu leeyahay fadli wayn, oo qormadeenan aan lagu
soo wada koobi karin, laakiin waxaa qaarkiis faah-faahinaysa axaadiistan soo
socota:
1) Soonka Jannada ayaa lagu galaa: waxaa laga wariyey
saxaabi la yiraahdo Abuu Umaama (a.k.n) in uu Rasuulka SCW ku yiri:
"Waxaad itustaa camal aan Jannada ku galo? markaas ayuu Rasuulku SCW ku
yiri: Soonka qabso, oo ka adkaaw, wax isaga la mid ahi ma jiraane".
2) Soonku waa gaashaan Naarta la iska xijiyo: wuxuuna
Rasuulka SCW yiri "Soonka waa gaashaan uu addoonku iska xijiyo
Naarta". Soonku wuxuu kala dhex galaa addoonka sooman iyo Naarta, sidoo
kale wuxuu ka hor istaagayaa waxyaabaha naftu jeceshahay oo Naarta darbigeeda
ah.
Naarta waxaa ood looga dhigay waxyaabaha naftu ay jeceshahay, ayna u sahlan
tahay inay ku dhaqaaqdo, sida waajibaadka oo laga tago iyo xaaraanta oo la iska
dabaasho, ooddaa Naartuna waa mid jilicsan oo ay sahlan tahay in inta laga
tillaabsado loo gudbo Naarta.
Jannada laftikeedu way u baahan tahay soonka,
sababtoo ah Jannada waxaa lagu wareejiyey oo darbi iyo xayndaab looga dhigay
waxyaabaha naftu dhibsato oo ku adag, soonkuna wuxuu nafta ka gooyaa waxyaabaha
ay marka hore jeceshahay, oo loo yaqaan "Shahawaatka", laakiin ay dib
uga shallayso.
Camalka Jannada lagu gaaraa wuxuu la mid yahay buur la fuulayo,
midka Naarta lagu gaaraana wuxuu la mid yahay iyadoo buurta laga soo degayo oo
kale.
3) Dadka soomani waxay leeyihiin albaab albaabada Jannada ka
mid ah, oo layiraahdo "Ray-yaan", albaabkaa iyaga oo kaliya ayaa loo
sii qabtay (loo xajisay), cid kalena ka gali mayso, sida ku xusanba xadiis ay
Bukhaari iyo Muslim wada wariyeen.
4) Soonka iyo Qur'aanku waxay u shafeeco qaadaan qofka
sooman, oo Ilaaheey ayey kala hadlaan iyadoo soonku leeyahay: Ilaaheyoow waxaan
anigu u diiday raashinkiisii iwm, ee shafeeca qaadka aan u shafeeco qaadayo iga
yeel. Qur'aankuna uu leeyahay:
Ilaaheyoow waxaan u diiday hurdadiisii oo aniga
aqrintayda ayuu ku soo jeeday, markaa ayaa Ilaaheey shafeecadooda aqbalayaa oo
Jannadiisa galinayaa. Qofkii wanaag sameeyey oo Qur'aan ku soo jeeday
xaaladdiisu waa middaa quruxda badan oo aan xusnay, laakiin qofkii ku soo
jeeday turub, dubnad, filin iwm, waa inuu ogaado in waxyaabahaasi aysan Alle SW
Janno uga codsan karin, waxay ay qaban karaanna waa lala wada socdaa.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI
DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment