Allah mahad leh oo inagu simay inaan soo gaarno bishan
barakeysan ee Ramadan, waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu na waafajiyo dambi
dhaafka, naxariista, iyo inuu naarta inaga xoreeyo, sidoo kalena uu na
waafajiyo habeenka leylatul qadar ee kun sano ka kheyr badan.
Mowduuca guud ee walaalahan ay ka hadlayaan waa Quraanka
Kariimka oo ah kalaamkii Allah, hadii aad xaraf ka mid ah quraanka k
u jees
jeesto waxaa ku mudan kartaa ciqaab kaa dhigeysa qof ridoobay, mana ahan wax
lagu ciyaaro quraanka.
Qodobka Xiga bil barakeysan baa lagu jiraa waxaa fiican
kheyrka iyo masaajidda in la laasimo, oo laga dhowrsado xumaan kasta oo
dhaawici karta ajarka aan raadsaneyno.
Ugu dambeyn waxaan u mahad celinayaa cid kasta oo fikir sixid
ah ku biirisay mowduucan anigoo ka bari ah cidii liiddo kitaabka iyo sunnaha
aqoon iyo aqoon la’aan.
FG: Fadlan
yuusan qof dambe si’ khaldan u adeegsan diinta Allah oo waajib muqadas ah uu
naga wada saaran yahay.
0 comments:
Post a Comment