Fadliga Suxuurta iyo Faa'iidada Islaamka

Maxaa ajar ah oo kusugan Suxuurta? Muhiimada Suxuurta Cumar bin al-Caas A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu
(S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Waxaa keliya uu kaga soocan yahay ama farqi ah u dhexeeya soonkeenna iyo soonka ehlu-Kitaabka waa Suxuurta,


(Waxaa loo la jeedaa Kiristaanka iyo Yuhuuda ee aan suxuuran). (Muslim) Fadliga Saxuurta Anas A.K.R. wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.)

wuxuu yiri: ‘ Suxuurta, maxaa yeelay waxaa ku jirta barako suxuurta.’ (Bukhaari iyo Muslim) Waqtika Saxuurta Waxaana wanaagsan inuu qofku dib u dhigo ilaa waqti u dhow salaada subax Zayd bin Saabit A.K.R. wuxuu yiri: Mar intaan Nebi

ga (S.C.W.) la suxuurannay waaberiga ka hor (iyadoo bil Ramadaan
Soon lagu jiro) baanu dabadeed salaaddii subax u kacnay. Waxaa la weydiiyey Nebiga (S.C.W.) 


intii u dhexaysey labadaa suxuurta iyo salaadda? Wuxuu yiri: ilaa intii laga akhriyo konton Aayadood oo
Qur’aanka ka mid ah. (Bukhaari iyo Muslim) Hadaysan Baahi Ihaynin Bal kawaram waxaa laga wariyay Nebiga(scw) inuu yidhi : “ suxuurtu haba ahaatee qudhqudho biyo ahba Allaha ka dhigee, waayo Eebe
(sw) iyo malaa’iigtiisu waxay u duceeyaan kuwa suxuurtee” Imaamu Axmed Hadaba Axibatii fillah Nasiibkaa kuwii ku Qada yaanan noqonin Inshaa Allah.
Share on Google Plus

Qoraaga: Unknown

Magaceygu waa Abdishakur Hussein Mohamed loo yaqaan (Shakra), waxaan ku noolahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia, waxaan jecleystay inaan xirfadeyda wariyenimo ku kaabo faafinta Diinta Islaamka. Hadii aad tahay qof jecel diinteenna xaniifka ah ee Islaamka fadlan hadda is weydii maxaad u qabatay diinteenna oo loo daadiyay dhiiggii qaaliga ahaa ee Nabi Mohamed SCW, diinta aan u istaagay inaan ka shaqeeyo waxaa u dhintay boqollaal geesiyaal muslimiin ah AHUN. FG: Hadii aad kheyr qabe tahay ogow inuu jiro walaal kale oo madow kaga jiro Diinta Islaamka oo laga yaabo inuu saaladaha wahsado ama aanan soomin.
    Blogger Comment

0 comments:

Post a Comment

@Walaalaha Faafi Diinta Islaamka . Powered by Blogger.