Waa qormo cajiib ah laakiin markaad ka faa'iideysato isku day inaad gaarsiiso walaalka kale ee aan baraarugsaneyn kaasoo laga yaabo inay anfacdo adna aad nooleyso xadiiska nabigeenna Mohammed SCW, ee ahaa ”بلغوا عني ولو آية“.
Xadiiskan waxaa laga wariyay Nabiga SCW wuxuuna kaga hadlay ciqaabta uu leeyahay qofka ka taga salaadda ama fududeysta wuxuuna suubanuhu yiri:-
شفيعةً يوم القيامة* [عقوبة تارك الصلاة او تأخيرها ] أما بعد روي عن الرسول صلي الله عليه واله وسلم : من تهاون في الصلاة عاقبه اللّہ
بـ ( خمسة عشرة عقوبة)
"ستة منها في الدنيا"
"وثلاثة عند الموت"
"وثلاثة في القبر"
"وثلاثة عند خروجه من القبر"
أما ال( ٦ ) التي تصيبه ( في الدنيا )
1- ينزع الله البركة من عمره
2- يمسح الله سيم الصالحين من وجهه
3- كل عمل لا يؤجر من اللّہَ
4- لا يرفع له دعاء إلى السماء
5- تمقته الخلائق في دار الدنيا
6- ليس له حظ في دعاء الصالحين
أما ال ( ٣) التي تصيبه ( عند الموت )
1- إنه يموت ذليلا
2- إنه يموت جائعا
3- إنه يموت عطشانا ولو سقي مياه بحار الدنيا ! ماروى عنه عطشه.
وال ( ٣ ) التي.تصيبه ( في قبره )
1- يضيق الله عليه قبره ويعصره حتى تختلف ضلوعه
2- يوقد الله علي قبره نارا في حمرها
3- يسلط الله عليه ثعبانا يسمى
( الشجاع...الأقرع )
ال ( ٣ ) التي.تصيبه ( يوم القيامة )
1- يسلط الله عليه من يصحبه الي نار جهنم على جمر وجهه
2- ينظر الله تعالى إليه يوم القيامة بعين الغضب يوم الحساب حتى يقع لحم وجهه !
3- يحاسبه الله عز وجل حسابا شديدا ما عليه من مزيد ويأمره الله به إلى النار
Hadii aan soo tarjunno macnaha xadiiskan uu xambaarsan yahay wuxuu Nabigeennu yiri SCW.
"Qofkii Salaadda fududeysto, waxaa la ciqaabayaa 15-ciqaab, 6-ciqaab wuxuu ku mudan intuu joogo adduunyada, 3-wuxuu ku mudan markuu dhimanayo, 3-wuxuu ku mudan qabriga, 3-na marka laga soo saarayo qabriga".
Lixda uu ku mudan doono Adduunka
1-Ilaahay wuxuu barakada ka qaadaa da'diisa.
2-Ilaahay wuxuu wajigiisa ka tirayaa astaamaha wanaagsan.
3-Ilaahay waxba camal ah uma ajir kordhinaayo.
4-Ilaahay docadiisa ma geeyo samada.
5-Dadka ayaa ku dhibsanaayo adduunka.
6-Nasiib uma helaayo docada dadka wanaagsan.
Seddexda haleeli doonta markuu dhimanaayo.
1- Wuxuu geeriyoonayaa isagoo dulleysan
2- Wuxuu geeriyoonayaa isagoo baahan.
3- Wuxuu geeriyoonayaa isagoo gaajeysan, hadii la waraabiyo waxa biyo koonka yaal ma deeqi doonaan
Seddexda ku qabsan doonta Qabriga
1-Ilaahay wuxuu ku cariiri doonaa qabriga ilaa feerihiisu is-dhaafaan.
2- Qabrigiisa ilaahay wuxuu ka dhigi doonaa god naareed.
3- Ilaahay wuxuu ku sallidi doonaa abeyso weyn (Mas) loo yaqaan ( الشجاع...الأقرع )
Seddexda ku qabsan doonta qiyaamaha iyo bacdal qabri
1- Ilaahay baa ku salladi doona cid ku tuurta Jahannamo (ilaahay ha inaga korshee)
2- Ilaahay baa ku soo eegaya il caro ilaa wajigiisa uu hilibka ka daato.
3-Ilaahay baa xisaabin doona xisaab adag waxaana ilaahay ku ridi naarta.
Hadaba Waxaa culimadu noo sheegeysaa qodobada soo socda.
1-Qofkii ka taga salaadda subax waxaa ilaahay wajigiisa ka tirayaa nuurka.
2-Qofkii ka taga Salaadda Duhur irsaaqdiisu ilaahay uma barakeeyo.
3-Qofkii ka taga salaadda Casir ilaahay baa jidhkiisa ka qaado tabarta.
4-Qofkii ka taga salaadda Magrib ilaahay uma barakeeyo carruurta.
5=Qofkii Salaadda Cesha ka taga ilaahay uguma raaxeeyo hurdada.
Halkan Waxaan idiinku soo gudbineynaa muuqaal arga-gax badan oo muujinaya abeysada godka ugu soo gasha qofka taarikul salaadka ah.
Walaalayaal ilaahay ha innaga dhigo kuwii raaca jidkiisa, isna xasuusiya kheyrka iyo samaha, inagoo qof walboo qormadan nasiib u yeesha ka codsaneyna inuu faafiyo si' walaal kale u baraarugo.
Qore: Abdishakur Hussein Shakra
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment