Muxuu Yahay SOON?
Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka.
Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu
soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana
reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka
waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo.
Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo Ilaaheey
uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan niyada
soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharciga Islaamka uma
aqoonsanayo in waxaa lala yimid ay yihiin soon sharci ah.
Sidaa daraadeed qofka muslimka ahi isagoo aan niyo la imaan
haddii uu iska daayo waxyaabaha soonka jabiya oo dhan, sida cunidda, cabidda
iwm, falkaa uu la yimid iyo rafaadkaa uu maray ma noqonayo mid loogu dhowaado
Alle Subxaanahu Watacaalaa (SW), ajarna kama helayo. Sida tusaale ahaan: dadka
cunta joojinta sameeya marka ay rabaan inay ka ashtakoodaan dhib ay tabanayaan,
ama dadka raba inay iscaateeyaan, amaba duruufo kale oo haysta awgood isaga
joojiyey waxyaabaha soonka jabiya.
BISHA RAMADAN
Bisha Ramadaani waa bil khayr, waa bil barako, waxaana
Ilaaheey ku gooni yeelay fadiilooyin iyo wanaagyo badan, oo ay ugu horreeyaan
kuwan soo socda:
1) Waa bishii Quraanka: waxaa la soo dejiyey kitaabkii
qatimay oo ugu dambeeyey kutubtii uu Ilaaheey soo dejiyey, waxaana lagu soo
dejiyey Nebigii ugu dambeeyey Nebiyaasha Ilaahey SW uu soo diray waa Nebi
Muhommed Salalaahu Caleyhi Wasalam (SCW).
2) Waa bishii kutub badan oo kale la soo dejiyey: Rasuulkuna
SCW isagoo sheegaya kutubtaa iyo marka la soo dejiyey ayuu wuxuu yiri:
"Habeenkii ugu horreeyey bisha Ramadaan waxaa la soo dejiyey Suxuftii
(Warqadihii) Nebi Ibraahim. Kitaabkii Tawreet ahaana waxaa la soo dejiyey 6dii
Ramadaan. Injiilna waxaa la soo dejiyey 13kii Ramadaan. Zabuurna waxaa la soo
dejiyey 18kii Ramadaan. Qur'aankana waxaa la soo dejiyey 24kii Ramadaan".
3) Waa bisha ay ku jirto Laylatul-qadrigu: Laylatul-qadrigu
waa habeen ka khayr badan kun bilood (sideetan iyo sadex sano iyo afar bilood),
waana habeen barakaysan. Habeenkaasna wuxuu ku jiraa 10ka bari ee ramadaanka
ugu danbeeya.
4) Waa bishii xoraynta: waa bil habeen kasta oo ka mid ah
Ilaaheey uu dad badan Naarta ka xoreeyo, qof kasta oo muslim ahina uu maalin
iyo habeen kasta leeyahay duco laga ajiibayo (laga aqbalayo).
4) Waa bisha shayaadiinta la xiro: waa bisha shayaadiinta oo
dhan la xiro, albaabada Naarta oo dhanna la xiro, albaabada Jannada oo dhanna
la furo. Arrimahaas oo dhani waxay dhacaan oo la sameeyaa habeenka ugu horreeya
bishaas. Rasuulkuna SCW isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu wuxuu yiri: "Marka
bisha Ramadaan soo gasho waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa
albaabada Naarta, waxaana sil-silado lagu xiraa shayaadiinta". Xadiisku
wuxuu xusay in marka Ramadaanku soo galo shayaadiinta la xir-xirayo, marka la
xirxirana way taag darraynayaan oo way daciifayaan, oo ma awoodayaan marka
bishaas lagu jiro inay sameeyaan wixii ay samayn jireen marka aan bishaas lagu
jirin.
Xadiisku ma dhihin shayaadiinta waa la dilayaa ama way
dhimanayaan, laakiin waxaa kali ah oo uu yiri: waa la xir-xirayaa, shaydaanka
xiranina waxaa dhici karta inuu wax dhibo oo haraati, iwm rido isagoo meeshiisa
ku xiran, laakiin dhibkiisu wuu ka yaraanayaa midkii uu wadey bishaa ka hor.
Maadaama uu xiran yahayna dhibkiisu wuxuu la ekaanayaa hadba qofka uu rabo inuu
dhibo inta soonkiisu uu awood leeyahay, oo qofkii soonkiisu dhamaystiran yahay
oo xoog leeyahay wuxuu isaga celinayaa si uusan iskaga celin karin qofka
soonkiisu xosh-xoshka yahay.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment