Kufaartii qureysh
markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa
islaamay waxay sameyn jireen iney canaantaan, caayaan oo ku diraan eheladiisa,
inta badanna gacanta ulama aysan tegi jirin.
Hase yeeshee markay maqlaan waxaa
islaamay qof aan qabiil xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa
aysan jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u geysan
jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa
Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya
iyo gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo kaleba.
Bilaal wuxuu
addoon u ahaa oo ciqaabi jirey Ummaya ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi jireyna
waxay ahayd intuu xarig qoorta ka geliyo ayuuu ku jiidi jirey ama qorrax
kuleylka duhurkii intuu seexiyo oo dhagax weyn xabadka kasaaro ayuu dhihi jirey
"ama waad dhiman ama Maxammed baad ku kufrin". Bilaal wuxuu ku dhihi
jirey "AXAD" oo uu ula jeedo Ilaah keliya baan rumays nahay oo aan
caabudayaa, dhib kasto loo geystana wax kale afkiisa waa soo mari waayeen.
Maalinkii dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa soo maray Abuubakar
Al-siddiiq, markaasuu ku yiri ninkii ciqaabayey: "maad Ilaahay uga baqdid
ninkaan miskiinka ah", markaasuu yiri: "wax u qabo adigaa diintiisii
ka fasahaadiyee', markaasuu Abuubakar yiri: "waxaan ku siinayaa addoon
aniga ii jooga oo aad isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa", sidaas
ayuuna ku xoreerey Bilaal. Markuu Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa suuqa loo
geliyey inuu axsaan hore ka dhexeeyey (labadooda) hase yeeshee Allaah ayaa
difaacey oo u jawaabey dadkii waxaa ku hadlayey. Wuxuuna ku soo dejiyey
aayadahan:
Wuxuu Alle SW yiri:
((Waxaa ka fogaada (naarta) kan cabsada, waa kii bixiyey maalkiisa si uu
isu dahiriyo, ruux wax siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu u bixiyey
Rabbiga sarreeya dartii, dib dambuuna u ralli noqon doonaa)), (Suuratul- layl
17-21).
Sidoo kale Cammaar
ibnu Yaasir iyo Aabbihiis Yaasir iyo Hooyadiis Summaya, oo ka mid ahaa dadkii
dhibaatooyinka dardaran loo geystey, ayaa maalin iyadoo la ciqaabayo waxaa soo
maray Nabiga SCW markaasuu ku yiri: "sabra reer Yaasirow, mowcidkiinnu waa
jannee", Odeygii Yaasir iyo habartii Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas
oo weliba habarta waxaa gacantiisa ku diley Abii-jahal oo iyadoo la ciqaabayo
ayuu waran farjiga uga dhuftay halkaas
oo ay ku naf baxday kuna noqotay qofkii u horreeyey ee ummaddaan Nabi Maxammed
SCW Alle dartiis loo dilo. Willkoodii Cammaarna intay aad u ciqaabeen ayey ku
dheheen "hadaad Maxammed caydid, Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid
waan ku sii deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay ayuu sameeyey siday ku
dirqiyeen, ka dib markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u tegey una sheegay waxay
ku dirqiyeen, Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan:
Alle SW wuxu yiri: ((WAXAA ABUURTAY BEEN KUWA AAN RUMAYN
AAYAADKA ALLE, KUWAASI WAA BEENALAYAAL, KUWA ALLE KU KUFRIYEY IIMAANKOODII KA
DIB (WAA HLAAGSAMEEN), RUUX LAGU KHASBAY QALBIGIISUNA KU XASILAN YAHAY IIMAANKA
MOOYEE, RUUXIISE XABADKIISU U WAASIC NOQDO GAALNIMADA WAXAA KORKOODA AHAADAY
CARO XAGGA ALLE KA AHATAY, WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB WAYN)), (Suuratu-Naxli
105-106).
Sidoo kale dadkii
la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr
oo wada ahaa addoomo dad gacantood ku jirey, hase yeeshee waxaa wada xoreeyey
Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas xoreeyey ayaa aabbihiis
abu-quxaafa oo aan weli islaamin ku yiri: "Maandhow maad xoolahaaga ku
bixisid dad xoog leh oo ku difaaci kara hadhow intaad dad ducafa ah ku
bixineysid, hase yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas Alle
dartiis ula jeedo.
Sidaan soo
sheegnay Muscab ibnu Cumeyr oo ku jirey dadkii aadka loo ciqaabay oo ay dhashay
islaan maalqabeen ah, ahaana nin dhallinyaro ah oo qurxoon oo aad u xarrago
badan, maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka. Muscab markay
hooyadiis maqashey inuu islaamay ayey xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u
cadaadisay hase yeeshee markay intaas oo dhan wax uga qaadi weydey ayey
dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu jirkiisii jilif yeesho,
wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday Xabashida. Markuu xabashida ka soo laabteyna
waxaa Rasuulku SCW dacwo ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu muddo yar ka dib
dacwadii wada gaarsiiyey guryihii reer Madiina kuna noqday macallinkii reer
Madiina.
Sidoo kale Khabaab
wuxuu isna ka mid ahaa dadkii ay gaaladu dhibka ku hayeen ilaa uu maalin u
tegay Rasuulka SCW oo Kacbada hooskeeda jooga isagoo doonaya in uu Ilaahay u
baryo si dhibka looga fududeeyo wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow maad Alle noo
baridid, markaasaa Rasuulku SCW fariistay oo ku yiri: waxay ahaayeen dadkii
idinka horreeyey (muminiinta ahaa) kuwo loogu shanleeyo hilibka iyo lafta
dhexdooda shanlo bira, arrinkaasna kamana kala dhambali jirey, kamana reebi
jirin diintooda, Allena wuu taamyeelin isagoo Alle maahee aan cid kale ka
baqayn, sidoo kale waxa uu Khabaab shaqo u qabtay Caas binu Waa'it oo ka mid
ahaa kufaartii Quraysheed, markaasaa Khabaab ku yeeshay xoolo markaasuu u tegay
oo ku yiri: "isii waxaygii hase yeeshee Caas waa diiday wuxuuna yiri, ku
siin mahayo ilaa aad Maxamed ku kufridid. Khabaabna waxa uu guu jawaabay ku
kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo misna lagu soo bixiyo, Caas wuxuu yiri:
"ma intaan dhintaa qiyaamaha la i soo saarayaa,? Khabaab ayaa ugu jawaabay
"haa," waxa uu yiri: "halkaasna waxa aan helayaa maal iyo ilmo
oo markaasaan kuu gudayaa. Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la midka
ah tilmamaya waxa uu Qur'aankiisa ku yiri:
((KA WARRAN KAN KU KUFRIYEY AAYAADKAYAGII OO YIRI(AAKHIRO)
LA I SIINAYAA MAAL IYO CARRUUR, MA WUXUU DAALACDAY QAYBKA, MISE ALLAHA
RAXMAANKA AH AGTIISA AYUU BALLAN KA YEESHAY, SAAS ARRINKU MA AHANE WANNU QORIN
WUXUU LEEYAHAY, WAXAANA U FIDINAYNAA CADAABKA FIDIN, WAAN DHAXLAYNAA WAXA UU
SHEEGANAYO (EE UU KU FAANAYO) WUXUUNA NOO IMAANAYAA ISAGA OO KALIGIIS AH)),
(Suuratu-Maryam 77-80).
Dhibaatooyinkaas aan
soo tilmaannay oo isugu jiray dil, ciqqab, cadaaadis, dulmi, boob, iyo
aflagaaddo ayaa dadkii asxaabta aha lagu hayeysiiba kuwoodii taagta darraa ee
cid difaacaysa aysan jirin aad ayuuna dhibkaasi uga batay wax walba ayaana
lagula dhaqmay, hase yeeshee Alle iyo Rasuulkiisa ayaa intaas amrayey inay
dhibka ku samraan oo taqwada iyo daacada Alle ku dadalaal dagaalna aysan samyn
ee ay gacmahooda laabaan, hase yeeshee asxaabtu waxay jeclaayeen in ay is
difaacaan oo iska celiyaan cadowga Alle, marar badanna waxa ay u yimaadeen
Rasuulka iyagoo ka sheeganaya dhibka lagu hayo oo jecel inay is difaacaan, sida
dhacday maalin in Cabdiraxmaan bin Cawf iyo koox kale oo asxaabta ka mid ahayd
u yimaadeen Rasuulka kuna dheheen: "Nabi Allow markaan shirkiga ku jirnay
awood baan lahayn, markaan iimaanka qaadanayna xaqiiriin baan noqonnay".
Markaasaa Nagibu SCW ku yiri: "waxaan idin amrayaa iska dhaafid hana la
dagaalinina qowmka, sidaas ayaa asxaabtii Rasuulku u fuliyeen amaradii Alle iyo
kuwii Rasuulka SCW uguna samreen dhibkii iyo cadaadiskii ka imaanayey acdaadii
Alle, Allena mar walba waxa uu soo dejinayey aayado uu ku amrayo inay ay
samraan oo gacmahooda laabaan, Rasuulkuna arrintaas ayuuu ku boorrinayey, Cabdullaahi
bin Cumar isagoo tilmaamaya dhibaatadii asxaabta lagu hayey waxa uu yiri:
'Islaamku waa yaraa sidaa darteed ninka diintiisa ayaa laga fidnaynayeey, way
dili jireen ama wa cadaabi jiree".
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh: Somalitalk.com
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment