Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa
saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.
Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas
ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay
ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii
uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu
doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo
salaadda wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u jeclaan
jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci
jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu
Illaah ku mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu
duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu
ka aqbalay ducada Nebigiisa.
Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii Khawaarjta:
Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka mid ah
xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo
asxaabtii Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii Cali ee la
xiriiray khilaafkii isaga iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu
Cabbaas ku yiri Cali: "Amiirkii mu’miniintoow maad ii fasaxdid si aan ula
soo hadlo oo markaa aan soo dhageysto waxay leeyihiin". Cali ayaa ku yiri:
"waan kaaga cabsanayaa". Cabdullaahi ayaa u celiyay waxaan ahay nin
leh akhlaaq suubban oo aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u
yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu
doonayo inuu wareysto.
Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala hadlin,
qaarna waxay yiraahdeen la hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula
dagaalamayaan Rasuulka Alle (scw) ina adeerkii, marna uu u yahay sodog sidoo
kalena ka mid ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay. Waxay yiraahdeen waxaan
ku haysanaa saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka
siiyay dad gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la dagaalamay Caa’isha (rc) iyo
Mucaawiya, mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina. Tan saddexaad
wuxuu ogolaaday inaanan la oran Amiiral mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo
dhammi u doorteen magacaas.
Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa Cabdullaahi
Binu Cabbaas ku yiri: "Ka warama haddii aan idinku dul aqriyo aayado qur’aan
ah iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad hadda ku sugan
tihiin?". Waxay yiraahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi Binu
Cabbaas ayaa ka jawaabay qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa
oraahdoodii ahayd in uu Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi
arrintaa ugu jawaabay oraahda Alle (sw) ee leh: "U dira xaq soore
ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah.." Suuradda Al-Nisaa aayadda 35.
Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay kooxdii su’aashan ah:"Illaah baa idinku
dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise
xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo, dhaawaceedana la dhayayo? Waxay
yiraahdeen khawaarijtii haa oo waxaa fadli badan xukunka ummadda.
Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay
Mucaawiya iyo Caa’isha, laakiinse uusan addoonsan dumarkooda isla markaana
qaniimaysan maalkooda. Cabdullaahi wuxuu weydiiyay su’aashan ah: " Ma
waxaad banaysan lahaydeen hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad dumarka kale ka
banneysateen, haddaad tiraahdaan "haa" waad gaalowdeen, sidoo kalena
haddaad tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku
kufriseen aayadda uu Alle ku oronayo: "Nebiga ayaa uga roon (turid badan)
Mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa hooyooyinkoo".
Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii
Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in
tiro aad u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka soo laabteen khilaafkoodii iyo
madax taagoodii ay ka madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo tiradooda
gaarayay ilaa labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay
khilaafka Cali ay gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya. Cabdullaahi Binu Cabbaas
wuxuu ahaa kii aad u qaddariya oo u weyneeya doonista barashada waddada
cilmiga.
Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu
Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu
Rasuulka (scw) haleelay saaxiibkii sareeyay waa Alle’e wuxuu u jiheestay xagga
saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta
Islaamka. Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray
waddada cilmiga wuxuu yiri: "haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta
Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan
barkan jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan
doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi
jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray
inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado,
dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu
uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista
barashada cilmiga.
Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada
cilmiga ayaa misna u weynayn jiray culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal
tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu
Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu aqoonta badan
magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada
(akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha
ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo
ratigiisa ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya
markaas inuu hogaanka u qabto ratigii uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri:
"faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene".
Cabdullaahi ayaa yiri: "Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino
culumadeena". Zeyd ayaa isna yiri: "ii soo laac gacantaada".
Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday gacantii
Cabdullaahi isagoo leh: "sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano
Aalu-beytka Nebigeena (scw).
Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan
jiray doonista iyo dalabka cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu
Ajdac oo ka mid ah madaxda Taabiciyiinta (ardaydii saxaabada) ayaa mar uu ka
faaloonayay Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yiri: " Haddaad aragto Cabdullaahi
waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa
ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad
ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu cilmi badan".
Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay waxbarashdiisa
diinta, ayaa waxa uu bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu
isu baddelay Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka
dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in jaamacadaha maanta ay dhigaan
macalimiin fara badan oo kala duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan. Hase
ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo
maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay
jaamacaddaas ayaa yiri: " waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo
haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu
yiri waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka ciriirsanto,
waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad
ii soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu
diyaariyay inuu ka jawaabo su’aalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen.
Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee
wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii
uu dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa
janaasada Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali
Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal
marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin
###
Qore:
Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk
| Odense | Denmark
Daabacaad:
Isniin May 8, 2000
FG:
Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta
@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA
0 comments:
Post a Comment