SHEEKH UMAL OO XUKUNKA ISLAAMKA KU RIDAY FANAANIIN KU CIYAARAY QURAANKA



Ilaahay Kheyr ha siiyo Fadiilatul Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa si’ geesinimo leh uga hadlay dhaqan xumida fanaaniinta Soomaaliyeed qaarkood ku kaceen iyagoo si’ aqoon xumi ku jirto baraha internet-ka u soo galiyay Quraanka Kariimka.

Sheekha farriintan uu soo diray waxaa ka muuqata sharafka iyo qiimaha uu quraanku agtiisa ku leeyahay, waxaana ilaahay mahadiis ah inuu koonka ku simay culimo diinteenna xaniifka ah ee Islaamka ah u hiilliya.

Inkastoo waajib uu qof walboo muslim ah uu ku yahay Quraanka Kariimka, hadana dadka lagu bartay fisqiga ee heesaha iyo dhaqan xumida horay u soo galiyay Internet-ka ayaa waxaa wax laga xishooda ah hadana inay fanaaniin isku xujeystaan Quraanka Kariimka taasoo ka dhigan bahdil iyo jees jees, qofkii ku ciyaara Quraanka Eebbe waa Gaal.



FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka 

FAAFI.BLOGSPOT.COM 

Facebook.com/faafidiinta 

@WALAALAHA FAAFI DIINTA ISLAAMKA

Share on Google Plus

Qoraaga: Unknown

Magaceygu waa Abdishakur Hussein Mohamed loo yaqaan (Shakra), waxaan ku noolahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia, waxaan jecleystay inaan xirfadeyda wariyenimo ku kaabo faafinta Diinta Islaamka. Hadii aad tahay qof jecel diinteenna xaniifka ah ee Islaamka fadlan hadda is weydii maxaad u qabatay diinteenna oo loo daadiyay dhiiggii qaaliga ahaa ee Nabi Mohamed SCW, diinta aan u istaagay inaan ka shaqeeyo waxaa u dhintay boqollaal geesiyaal muslimiin ah AHUN. FG: Hadii aad kheyr qabe tahay ogow inuu jiro walaal kale oo madow kaga jiro Diinta Islaamka oo laga yaabo inuu saaladaha wahsado ama aanan soomin.
    Blogger Comment

0 comments:

Post a Comment

@Walaalaha Faafi Diinta Islaamka . Powered by Blogger.